Sidee Lacag Looga Sameeyaa Facebook?

Sidee Lacag Looga Sameeyaa Faceb (1)
  • October 29, 2022
  • Comment 1

Sidee Lacag Looga Sameeyaa Facebook? Waana Maxay Shuruudaha Loo Baahan Yahay?

Sidee Lacag Looga Sameeyaa Facebook? Waana Maxay Shuruudaha Loo Baahan Yahay?

Haddii aad ka mid tahay dadka sameeya nuxur ama mawduucyo gaar ah, gaar ahaan hadii uu yahay nuxurka mid muuqaal ah, marakaa waxaa suurtagal ah in aad Facebook lacag ka samayso, oo aad kordhiso ilaha dakhligaaga. Waxaanad raaci kartaa tallaabooyin fudud oo aad ku furan karto habka lacag bixinta ee muuqaalada Facebook.

Maqaalkan waxaynu si faahfaahsan uga hadli doonaa -eebeidamkii- sida Facebooga lacag looga sameeyo, iyo shuruudaha loo baahan yahay?

Dhab ahaantii, hadda waxaa jira habab badan oo aad si toos ah lacag uga samayn kartid Facebook marka laga soo tago siyaabo kale oo aan toos ahayn oo inta badan ku xiran awoodda suuqgeyneed ee Facebook.

Facebook waa mareegaha ama dagalk (Hadba Saad U Taqaanid) saddexaad ee ugu weyn internetka adduunka oo dhan, waana mid ka mid ah aaladaha xayeysiinta ugu awoodda badan, ee ganacsigu aanu awoodin inuu ku seego. Haatanna, waxaan diirada saari doonaa sida lacag looga sameeyo facebook anagoo muuqaalada u furayna xayeysiisyada Facebook.

Qofka muuqaalada ku soo gudbiya barta facebook-ga wuxuu awoodaa inuu ku biiro barnaamijka loo yaqaano (Ad Breaks) oo uu u furo xaysiisyada muuqaalka, halkaas oo uu dhigayo xaysiisyada meelaha nasashada ee muuqaalka ee uu ku soo gudbiyo bartiisa facebook-ga, Tani Waxay la mid tahy sida YouTube lacag looga sameeyo amaba Xaysiisyada Google Adsense.

Sii Daalaco: 5 Siyaabood Oo YouTube Lacag Looga Sameeyo

Sidee Lacag Looga Sameeyaa Ad Breaks

Haddii aad bog ku leedahay Facebook-ga oo aad leedahay taageerayaal, waxaad si fudud ku biiri kartaa barnaamijka Ad Breaks, adigoo dhigayya xayeysiisyada meelaha nasashada ee muuqaalka ka hor inta aan la bilaabin iyo marka lagu guda jiro daawashadiisa, Dabcan haddii muuqaaladu ay yihiin kuwo tayo sare leh markaa boggaagu wuxuu xaq u leeyahay in uu sameeyo faa’iido badan, si la mid ah Facebook-ga wuxuu ka faa’iidayaa xayeysiintaas oo wuxuu qayb ka yahay faa’iidooyinkan, wuxuuna la wadaagaa milkiilayaasha muuqaalada qayb ka mid ah faa’iidooyinkan.

Laakin sidaas uma sahlana, Waxaa jira shuruudo loo baahan yahay in aad la timaaddo.

Waa Maxay Shuruudaha Loo Baahan Yahay Si Facebook Lacag Looga Sameeyo

      1. Waa in aad leedahay bog ama Facebook Page
      2. Boggaagu waa inuu haystaa ugu yaraan 10,000 oo qof.
      3. Waa in aad ka weyn tahay 18 jir.
      4. Waa inaad soo bandhigday ama soo gudbisay ugu yaraan 5 muuqaal.
      5. Waa In Boggaagu uu helaa 600,000 daqiiqo oo daawasho ah 60-kii maalmood ee la soo dhaafay.
      6. Haddii ay tahay tirada daqiiqadaha muuqaalada hal daqiiqo ama ka badan, wax farqi ah uma dhaxeeyo oo Lacag waad ka samayn kartaa.
      7. Daawashada ka timaada baahinta tooska (Live) ah iyo muuqaalada caadiga ah waa la xisaabinyaa.
      8. Lama xisaabinayo daawashada ka timaada xaysiisyada (sida adigoo muuqaal xasiinayo, isla daawashada ka timaada xaysiintaas ayaan la xisaabinayn), Sidoo kale lama xisaabinayo qofkii muuqaaladaada xaysiinta ah daawaday ama arkay kadibna sii guda galay ama sii daawaday muuqaaladaadii kale ee u jiray boggaaga.
      9. Boggaagu waa inuu ku hadlaa luqadaha ay taageerto barnaamijka Ad Breaks.
      10. Boggaagu waa inuu raacaa siyaasadaha shirkadda Facebook ee barnaamijka Ad Breaks.

Tijaabi Bogga Aad Ku Leedahay Facebook-Ga In Uu U Qalmo Lacag Samaynta Iyo In Kale

Haddii ay dhacdo in aad u qalanto inaad lacag ka samayso Facebook oo uu boggaagu dabaqo shuruudaha lacag-samaynta ee Facebook, Ama xitaa haddii aad rabto inaad ogaato in boggaagu uu u qalmo inuu lacag ka sameeyo Facebook iyo in kale, waxaad halkan ka hubin kartaa istuudiyaha Facebook.

Ugu Danbayntii

Maqaalkan waxa aan isku dayey in aan ku daboolo fikradda ah lacag ka samaynta Facebook-ga oo dhinacyo badan taabanaysa.

Laakiin run ahaantii, waxaa jira habab ama waddooyin-hoosaadyo badan oo lacag looga samayn karo facebook-ga, gaar ahaan dhinaca dadban, kuwaas oo loo sameeyay si waafaqsan hadafka suuqgeyneed ee aad rabto inaad Facebook ka gaarto.

Waxaan rajeynayaa in maqaalkani uu ku dhiiri gelin doono dhalinyaro badan, si ay uga faa’iideystaan ​​awooddan baaxadda leh ee Facebook.

Sii Daalaco: Sidee NFT Lacag Looga Sameeyaa?

Sidoo Kale: Waa Maxay Shaqooyinka Loogu Baahi Badan Yahay Internet-Ka

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *