Sidee Lacag Looga Sameeyo Online ?



(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});

MAANTA WAXAA FURSAD U HEYSATAA IN ADOO GURIGAAGA JOOGO, AAD LACAG KA SAMEYN KARTID ONLINE KA .

LABADII SANO EE IGU DANBEYSAY, WAXAAN  SHAQEESANAYEY ANOO GURIGAYGA JOOGO. IN AAD ONLINE BUSINESS SAMEYSATID WAA WAXA KALIYAH EE KU GAARSIIN KARO XORIYAD DHAQAALE, MID WAQTI IYO IN AAD ADIGA NAFTAADA AAD U TAHEY MADAX (BOSS).

MAQAALKAN WAXAAN KUGULA WADAAGI DOONAA 3 ONLINE BUSINESS AAD BILAABI KARTID LACAGNA SAMEYN KARTID.

WAA XIRFADO AAN KU SHAQEYSTO OO AAN QIBRAD U LEEYAHAY.

1. YOUTUBE CHANNEL BUSINESS

HAA, YOUTUBE KA WAD KA SHAQEYSAN KARTAA. YOUTUBE-KA WAA AALADA IGU WEYN EE ADUUNKA LAGU SOO GUDBIYO MUUQAALADA. YOUTUBE WAXAAD KUSOO GUDBIN KARTAA MOWDUUCYO KALA DUWAN SIDA, AQOON, MAJAAJILO IYO MAAD.

KALIYAH HA MOODIN IN YOUTUBE KA UU YAHEY MEEL PRANKS IYO HEESO LAGU SOO GUDBIYO. HADAAD TAHEY QOF WAXBARTEY, CILMIGA AAD BARATEY BAAD DADKA U FAA’IDEYNEYSAA ADNA LACAG BAD HELAYSAA.

BISHII LASOO DHAAFEY WAXAAN YOUTUBE KAYGA KA SAMEEYEY +1400 EURO.

HALKAN HOOSE WAA DASHBOARD CHANNEL KAYGA EE BISHAN.

 

 

2. BLOGGING

HADII AAD KU FIICAN TAHEY WAX QORIDA, WAXAAD HIBADAADA QORITAAN KU HELI KARTAA LACAG. WEBSITE BAAD SAMEYSANEYSAA, MAQAALO KUSOO QOREYSAA, MARKAD WEBSITE KAAGA LA BARTO, WAXAAD CODSI U DIRSANEYSAA GOOGLE ADSENSE, HADUU KU AQBALO WAXA WEBSITE KAAGA LAGU SOO FASAXAYAA XAYISIIS (Ads). KADIB LACAG BAAD BILKASTA SAAS KU SAMEYNEYSAA.

ADIGOO HURDO, SHAQO JIRO AMA WAXBARASHO JOOGO BAD WEBSITE KAAGA LACAG KUU SAMENAYAA.

HADAAD SI JOOGTO AH MAQAALO(ARTICLES) USOO GALISID, WAXAA KUSII BADANAYO LACAGTA.

WAXAA MUHIIM AH IN AAD DOORATID CIWAAN AAD KA HADASHID MARKASTA. TUSAALE, SPORTS, SIYAASAD, CAAFIMAAD, WAXBARASHO IYO GANACSI.

MARKASTA WAXAA ISKU DEYDAA IN AAD DOORATID WAXA AAD KU FIICAN TAHEY OO IS DHIHI KARTID XOG BADAN BAAD KA HEYSAA. HADABA VIDEO-GA HOOSE DAAWO, WEBSITE KAYGA IYO LACAGAHA AAN KA HELO. SIDOO KALE QAABKA U BILAABI KARTID BAN KU SHARAXAYAA.

$20 Maalinkasta Shaqeyso ( Google Adsense Full Tutorial )

 

3. FREELANCER

XIRFADAN WAXAAD KU SHAQEYSAN KARTAA ADOO GURIGAAGA JOOGO. BUSINESS-YADA YARYAR IYO KUWA WAAWEYNBA WAXEY MAANTA RAADIYAAN QOF GURIGIISA JOOGO OO HADANA SHAQO U QABTO.

XIRFADAHAN HOOSE BAAD OGA SHAQEYSAN KARTAA FREELACER-NIMADA.

  1. WEBSITE DEVELOPER
  2. LOGO DESIGNER
  3. TRANSLATOR
  4. VIDEO EDITOR
  5. GRAPHIC DESIGNER

XIRFADAHAN HADII AADAN AQOONIN, WAAD SOO BARAN KARTA KADIBNA WAAD KU SHAQEYSAN KARTAA.

MARKAD SOO BARATID WAA IN AAD ISKA DIWAAN GALISAA WEBSITES FREELANCERS LA HELO OO AAD KUSOO BANDHIGTAA SHAQADA AAD QABANEYSID IYO LACAGTA AAD KU QABANEYSID.WEBSITE-YADA; FIVERR.COM, FREELANCER.COM Iyo UPWORK.  VIDEO-GA HOOSE WAXAN SI MUUQAAL AH KUGU TUSAYAA QAABKA SUUQAN LOOGA SHAQEYSTO.

https://youtu.be/HU_YkXDWmyU
WEBSITE AAD 1000 $ BISHII KA SAMEYN KARTID FULL TUTORIAL FIVERR

 

GUNAANAD

WAXAAN TALO AHAAN KU SINAYAA, ONLINE BUSINESS-KA WUXU U BAAHAN YAHEY DADAAL IYO DULQAAD GAAR AHAAN MARKUU CUSUB YAYEY. BUSNIESS IN AAD DHISTID WAX SAHLAN MAAHA LKN HADAAD U DULQAADATO OO DADAAL AADAN LA HARIN, WAXAAN HUBAA IN AAD MUDO 6 BILOOD AH AAD LACAG FIICAN KA SAMEYN KARTID. MARKA HAKA QUUSAN MARKA HORE WAX LACAG AH KA HELI MEYSID BALSE ADIGAABA LACAG LAGA RABAA. MAALGASHI AHAAN WAA IN AAD LACAGTAS U FAHAMTID, KADIB ADAA BILKASTA $1000-$2000 KA SAMEENAYO.

WIXII SU’AALO AH AMA FALCELIN AH HOOS NAGU REEB.

38 Comments

  1. Runtii arinkan waan ubahanahay marar badana waaan Kula sooxariiray hadii ay FB tahay Instagram Wax jawab ahna kaama helin .

    Mar kale fadlan jawab isoo sii sideen koorsooyinka uheli karaaa

      1. Waxaan ahay wiil dhalin yaro ah oo kunool magaalada hargaysa da,adaydu waa 22 jir heerkayga aqooneed waa shahaado dugsi sare waxa i haysa caqabad shaqo la,aan ah meelkasta shaqo waan u raadsaday nasiib daro waan waayay wax shaqo ah noocay doontaba ha ahaatee intaa kadib waan ka niyad jabay shaqo danbe oon raadsado
        Hada waxaan go,aansaday oon rabaa inaan la imaaado kartidii iyo raganimadii aan online lacag uga samayn lahaa illahay waxaan ka baryayaa inuu rajadaa ii rumeeyo cid kasto oo ay qusaysana waxaan ka rajaynayaa inay garab isiiyaan

        Allaa mahadlle 22/12/2023

  2. Asc.wrb Geelle Bashiir salankadib walale waa runtaaa 3dex Qaybood aad muhiim u ah ayaad Bulshada lawadaagty
    Lacagna laga sameyo sida adoo kale.

    Fadlan saan maalmo yar kahor E-mail kugu so gudbiyay 2ba codsi waan sugaya balantii fulinta.

    M.sanid

    A.bashir

      1. Bro course adi aad bixisid mxaa waaye bro meeqo ugu yar lacgta aad ku bixineysid bro wxaan rabaa inaaa online business ku shaqeysto wxaan rabaa inaad icawasid bro gelee bashir waan ku dawadaa wxayabahay aad kahadshid waan arkaa bro waan ku tageraa inaad icawisid rabaaa qaabka online lacga loga sameye hadi course ahaato iyo hafi kle bro icaawi bro

      2. Asc gelle bashiir wll whts appkaga ubaahnhy adoo mhdsn iso qor wll danban kaleyhu arimhn bn rba ina kala hadlo wll wtsappkga iso qor an kuso qabte

  3. Macalin adaa u mabad san tahay because waxaan ahaa qof aan hadaf lahayn lkn maanta waxaa noqdey qof hadaf leh oo meel hiigsanaaya
    Wax yaabo yar yar waa xaqiijiyey waxaan rajeynayaa inaa wax badan qabto sanadkan 2024
    Thanks Gellebashir

  4. Magacaygu waa ayuub ismaal barre .
    Wxan kunoolhay wadankasomalia
    2xan had iyo jeerkutaamaa in aan sameeyo ganacsi online ,lknse way iisurtagaliwayday maarabadan’lkn alxd maka aan kaquusan ii wan kusoodhabar adaygay haddana wxan rjaynayaa in aan guul kasoohayo inadha aallh
    Wxana kufiicanahy xirfdaa boiling qorida ayanbkufiicanahy

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *