Sidee Loo Noqdaa Freelancer 2022 ?

Sidee Loo Noqdaa Freelancer 2022 ?

 

Freelancing-nimada waa fursad cajiib ah oo ku saamaxeyso in ay wax badan ka badasho qaabka aad hada u shaqeysid. Waa fursad kuu saamaxeyso in aad shaqeysatid adoo gurigaaga joogo ama dalxiis ku maqan. Kaliyah waxaa ubaahan tahey in aad internet haysatid iyo computer.

2022 maalin ay ka fududahey ma jirto in aad noqotid freelancer waayo waxaa internet ka banaan fursado badan oo aad dhaqaalo ka sameyn kartid.

Laakiin sidee u bilaabi kartaa freelancing ? Article kan baan kuugu kala dhigdhigayaa qaabka aad ku noqon kartid freelancer.

Shaqooyinka ka banaan Freelancing-ka

Macaamiisha waxey raadinayaan xirfad-yaqaano u xaliyo dhibta heesato. Shaqooyinka igu caansan ee maanta ka banaan freelancing-ka waxaa ka mid ah :

  • Software developer
  • Writer
  • Digital marketer
  • Web/mobile developer
  • Graphic designer

Malaayiin shirkadood baa maalin kasta ka raadiyo xirfad yaqaano shaqadan u qabto suuqyada Upwork iyo Fiverr. Waa websites laga helo freelancers-ka.

Video-gan hoose ka daawo qaabka ay u shaqeeyaan websites-kan.

 

Becoming a freelancer in 6 easy steps

Maxaa u rabtaa in aad u noqotid freelancer ? Freelancing ka lacag fiican malaga sameeyaa ? Shaqadan freelancer-ka ah waxaa ka dhigan kartaa shaqo joogto ah ( full-time job ).

Freelancing-ka waa fursad ku siineyso xoriyad waqti iyo mid dhaqaale, oo ah labada qofkasta jecelyahey in uu isku helo.

1)   Define your service & offering

In aad u badasho aqoontada ama xirfadaada ganacsi ama adeeg waa talaabada igu horeysa oo aad ku noqon kartid freelancer. Saad u bilowdid tan waxaa lagaaga baahanyahey in aad adiga marka hore baratid xirfado ay dadka rabaan in laga caawiyo. Waa in aa xalin kartid dhibta heesato macmiilkaaga oo aad fahmi karto Meesha waxa ka qaldan yihiin adoo kaashanayo xirfadaada iyo qibradaada. Haka walwalin lacagta aad shaqada ku qabaneysid, gadaal baan taas kaga sharaxi doonaa.

2) Find your target audience

Hada waxaa heysataa adeeg aad rabtid in aad dadka ka caawisid. Waxaa u baahantahey in aad raadisid macaamiil aad u shaqeysid.

Hadaba saddexdan qodob baa kaa caawinayo in aad heshid macaamiil.

  • Freelance job posting platforms

Waa in aad iska diwaan galisaa websites ka caanka ku ah freelancer-nima ee kor kusoo xusey, taas oo kuu fududeynayso in aa heshid macaamiil badan waayo shirkadaha iyo dadka caadiga ahba markey rabaan in ay helaan dad caawiyo waxey kaso raadsadan websites-kan.

Hadaba qaabka la iskaga diwaa galiyo video gan hoose ka daawo.

 

  • Leverage existing connections and networking

Waxaa kaloo sameysan kartaa meelo lagaaga soo xiriiro sida Website ama Instagram kuu gaar ah taas dadka somalida aad xataa usoo bandhigi kartid shaqadaada iyo xirfadaada.

Waxey ku saamixi kartaa in aad dad badan ay toos kula soo xiriiraan aad u shaqeysid.

  • Marketing, advertising, and outreach

Meesha igu muhiimsan waa xayisiinta aad ganacsigaaga aad u sameysid waan tan la isku dhaafey. Waa in aad markasta dadka u sharaxdid shaqada aad qabaneysid iyo adeega aad bixineysid. Waa meesha ay ka dhimato ama ka noolaato ganacsiga. Ganansiba ganacsiga uu ka xayisiin badan yahey wuuka macmiil badnaanaya. Kaliyah waxaa u bahantahey in aad si joogto ah aad dadka ku xiran account-kag la hadashid ama post so dhigtid isbuuc kasta.

3) Develop a pricing structure

Markad si cad u ogaatid adeega aad bixineysid iyo meesha aad ka helaysid macaamiil, waa waqtiga aad ka fakari lahay qiimaha aad shaqada ku qabaneysid. Hadafka waa in aad heshid lacag u dhigmato shaqada iyo waqtiga aad gelineysid. Sidoo kale waa muhiim ah in aad fiirisid dadka suuqa kugula tartamayo qiimaha ay shaqada ku qabtaan inta aadan adugu qiimo goynin.

Runtii ma jiro qiimo go’an oo ay freelancers macaamiisha ka qaadaan lkn waxey ku qiimeeyaan qodobadan hoose :

  • Experience
  • Industry
  • Project duration
  • Deliverables
  • Project complexity
  • Client’s geographic location
  • Urgency

4) Create your portfolio with past jobs

Hadaad rabtid In aad noqotid freelancer guuleysta, waxaa muhiim ah in aad diyaariso mashaariicda aad soo qabatey iyo kuli saad u maareyso, taas oo kaa caawineyso in ay macaamiisha ay ku qancaan qaabka aad shaqada u qabaneysid taas oo ku keenayso in ay ku dhahaan anaga noo shaqee. Marka waa in aad la wadaagtid mashaariicdi hore ee aad qabatey tusaalahooda .

Macmiilka wuxuu ogaanayaa awooda aad u leedahey shaqadan iyo qibradaada taas oo keeni karto in ay kalsooni fiican kugu qabaan.

5) Create a relationship with your client

Markaa freelancer tahay, macmiilkaaga waa ganacsigaaga. Marka waxaa muhiim ah in aa xiriir fiican markasta tustid, hadey noqoto balamaha, shaqada, iyo hadalka wanaagsan. Waa in aad isku deydid in aadan dhumin macmiil mar aad shaqo u qabatey si uu bari kugu soo laabto asogoo adeeg kale rabo.

  • Do excellent work: Sida igu saxsan macmiilka shaqada igu qabo. Waa in aad xal u heshid mushkilada heesato macmiilka.
  • Communicate with the client: Macaamil wanaagsan oo idin dhex maro adiga iyo macmiilka waxey xoojineysa kalsoonida oo kugu qabo iyo in uu kusoo dirsado mashruucyada oo mustaqbalka doonayo in loo qabto.
  • Build trust through consistency: Mashruuc kasta waxaa isku deydaa in uu igu soo dhameyso waqtiga aad ku balanteen, taas waxey kaa cawineysaa in aa kalsooni badan kugu qabo macmiilka.

6) Continue developing your skills

Freelancers waxaa loogu baahanyahey markasta waa xirfada iyo aqoonta ay leeyihiin.

Marka waxaa isku daydaa markasta in aad xirfadaada horumarisid oo isbadalka joogtada ah ee technology-ga aad la socotid. Update-kasta  oo ku cusub adeega aad bixisid waa in aad baartid ama baratid, taas oo ka caawineyso in aad macaamisha cusub wax cusub oo ay ku farxaan u sameysid.

Start your freelance career

Ma rabtaa in aad noqotid freelancer 2022 ?

Hadaba waxaa kuu diyaariyey koorsooyin aad ku baran kartid xirfado aad ku shaqaysan karto. Link-gan hoose guji oo halkas waa kaga soo biiri kartaa school-ka. link https://newwebsite.gellebashir.com/all-courses/

Waxa hubaal ah hadaad rabtid in aad online business bilowdid marka hore in aad adugu is dhisto oo skills ka barato. Wax la maalgashto waxaa igu muhiimsan naftaada. Maanta in aad aqoon isku hubeysid waaxa Kaliyah kuu saamixi karo in aad online business bilowdid.

Gunaanad

Hadii aad wada aqrisey qodoba aan kor kusoo xusey, waxa muhiim ah in aad ficil u badasho oo hirgaliso.

Dabcan marka la bilaabayo ganacsi online ah waxaa la kulmi doontaa caqabado badan lkn isku day in aad markasta ka gudubtid hana ka quusan yoolkaaga. Wixii comment ah hooos noogu reeb, waana kaaga soo jawaabayaa Insha Allah.

 

19 Comments

  1. Masha allah ustaad gelle bashiir mahadsanid fursada quruxda badan aad noo so bandhigtay insha allah aniga ugu horeeyo in aan ka fa’ideysan dona fursadan insha allah mahadsanid ustaad✊🙏

        1. Ustad aniga fursadan wan ubahanhy balse ma hesto waxan kubilawdo labtop ma hesto talefonkeyga makaga shaqesan karaaa

  2. Manshallah mahadsanid wll talooying qiimo badan weeyi
    Anuu hada ayaan dhameeyay master IT ah
    Skills dhawr ahna waan bartay sida data analysis and webdevelopment
    Marka hore ujeedkaygu wuxuu ahaa inaan bilaabo 9-5 jobs
    Lkn hada waxaan u jihaysanayaa freelance
    Thanks wll

  3. Teacher waan ku salaamay ugu horeyn
    Marka xigto ustd waxan kaa cod sanayaa inaad soo dhameystirto xirfadaha kala duwan ee digital marketing waxaan jeclahay inan noqdo digital marketer waad mahadsan tahay

  4. Najiib aden abdulle

    Ustaad acount sidee active looga dhiga please ii so sheg link aanan arkeen ayuu riix igu dhahay mida kale cimputer muhiim miya mise iphone ka waa ku isticmaali karaa

  5. Waan ku salaamay ustaad geele bashiir.
    Ninyahaw waxaan account kuleeyahay upwork
    Proposals farabadanna waan ilaa hadana macmiilkii uhoreeyeyna waan kuguulaysan la’ahay wali.

    Maxaad igula talinlahayd sxb

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *