Sidee U Shaqeeyaa Ganacsiga Dropshipping ?

 

Dropshipping

Ganacsiga Dropshiping waxaa uu ka mid yahay Ganacsiyada waayahaan dambe soo shaac baxay waxaana uu intiisa badan ka dhex dhacaa Onlineka ama Internetka Ganacsigaan ayaa u shaqeeya qaab ka duwan alaabtii caadig ahayd ee qofku itus oo itaabsii ahaan u gadayay wuxuuna gadaaya qofku tusaale Alaab Wadan kale taala asagoo ka dibna xayeeysiis u sameynaya si Macaamiil badan u gaaro hadaba Ganacsigaan qofka siduu u bilaabi karaa maxaase looga baahan yahay shaqsiga inuu ku biiro doonaya suuqaan Caqabado intee la eg baa ka hor imaan kara qofka Somalia iyo Africa se ma ka shaqeeya su  alahaa dhowrka ah baan maqaalkaan uga jawaabeyna.

 

Sidee Loo Bilaaba ?

Marka aad bilaabeyso Ganacsigaan waxyaabaha gundhiga u ah waxaa ka mid ah ugu horeeyn inaad isticmaalka aas aaska Computerka wax ka taqaan sidoo kale Luuqada Englishka inaad qaab togan u taqaan muhiim maaha laakiin inaad ugu yaraan wax ka taqaano maadaama Luqadaas tahay luuqada dhanka shaqada loogu adeegsiga badan yahay waxyaabah kaloo aadka kuu saacidaya waxaa ka mid ah Designska kala duwan inaad wax ka fahmi kareyso qodobadaan kan ugu muhiimsan waa inaad xayeysiinta Social Media taqaan siiba Google Ads oo badanaa Dropshippersku isticmaalaan waana waxa ugu muhiimsan marka ganacsigaan la joogo sababtoo ah tartan adag baad suuqa onlineka ah ku galeysaa meelaha u badan dadku wax ka iibsadaan marka wadamada onlineka wax ka gata la joogo waa Googleka siiba Search Engineka marka waa inaad si wacan u taqaana Marketingka hadaad qof kale maal galineyso xirfadaas Digital marketingka soo bartay waa qodob kale laakiin wax ka fiican ma jiraan marka aad Business internet ka dhex dhacaya aad ku jirto inaad adigu wax walba maamulato si aad qataraha ku wajahaya aad iskaga moosto qarash badana aad u weeleyso ama u badbaadiso  Sidoo kale waa inaad Naqshadeysan kartaa Store qurxoon adigoo ku jaan goonaya Productga aad doratay.

Xagee Laga Sameeyaa 

Dropshipping sida caadiga ah waxaa uu ka dhex dhacaa internetka Dukaan Online ah lagana dhex dhisay meelaha Storeska laga dhiso baad ka dhisaneysaa halka ugu caansan dunida Dropshipping Stores waa websiteka caanka ah ee loo yaqaan Shopify bishii baad kiro bixineysaa labada asbuuc ee ugu horeeyana waa free 14 bari badanaa halkaa beey dadka Ganacsigaan ku jira ka dhistaan dukaankooda laakiin meelo kaloo badan baad ka dhisi kareysaa sida WordPress  iyo Webflow ayagana waa web Builders caan ah marka intaa laga yimaad Dukaanka dhismihiisa  Domain beey kaaga baahan yihiin iyo Hosting kuwa qaar ayadana  waa inaad maanka ku heysaa  qaabka aad u naqshadeyso door muhiim ahbeey ka ciyaareysaa Ganacsigaaga waayo dadku waxa soo jiita beey aad u jecel yihiin alaabta oo aad hagaajiso dhanka Designka iyo Websiteka Templetekiisa.

Alaabta Xagee Laga Keenaya ?

Productska ama Sheeyga aad dropshipping ku gadeyso waxaad ka dalbeysaa suppliers jooga wadama laga helo  alaabta jaban gaar ahaan wadamada warshaduhu ku badan yihiin sida China, wadankaan waa meesha ugu badan ee waxa onlineka lagu gado sida Ecommerce, Dropshiping iyo Amazon FBA laga keeno sababtuna waa wadan leh warshada ugu badan ee caalamka sababtuna waa inuu yahay dalka ugu dadka badan dunida  shirkadaha waaweyn ujeedkaas beey uga furteen xarumo wax soo saar qiimaha alaabta waxa jabinayana waa in warshadihii soo saarayay ku yaalaan halkaas su aalaha maankaaga ka guuxaya waxaa laga yaaba ineey ka mid tahay sideen sheeyga aan gatay Mareykanka ama Yurub u gaarsiin karaa ama xitaa somalia marka hore websiteka shirkadaha halkaa ku yaal baad la xariireysaa tusaale dukaanka ugu caansan China waa Calibaba o ah meelaha laga dukaameysto ee ugu weyn China marka aad booqato dagalka Calibaba waxaad raadineysaa Products fiican oo ku qanciya sabaha aad ku dooran karto faahfaahin kale baan ka bixin insha alah laakin meelaha ugu waaweyn ee laga fiirsho waa verified inuu yahay suplierka aad wax ka gadaneyso marka aad ka iibsato ka dib baad leedahay Address hebel hala iigeeyo Alaabtaa ka dibna waxaa xamuulka la wareegaya shirkado ka shaqeeya oo Cargo ah ama Markab Diyaarad teey markaa noqoto culeeska alaabtaada ka dibna sidaa baad ku heleysaa ama macmiilkii addresskiisa alaabtu ku gaareysaa.

 

Paymentga

Qaabka lacag bixinta marka aad Wadamadaas siiba China wax ka gadaneyso inta badan dhowr nooc oo lacagaha loo diro baa jirta waxaa ugu caansan Master card in lacagta lagu baxsho ama Paypal oo ah online Payment getway iyo qaabka Soomaalidu taqaan ee Bank ama Xawaalad laga dirayo Lacagta waxaase aad caan u ah inaad qaabkaan dambe oo casriga ah sida Cardka Visa ama Master card la isticmaalo markaad Onlineka wax ka gadaneyso.

 

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *