Sideed $50 Maalintii Uga Shaqaysan Kartaa Google Adsense?

  • November 13, 2023
  • Comment 13

Sideed $50 Maalintii Uga Shaqaysan Kartaa Google Adsense?

Kasbashada $50, $100, ama xitaa $200 ma aha wax aan macquul ahayn!

Waxaa jira dad badan oo bloggers-yo ah kuwaas oo maalinkastaa lacag xaddigan oo kale ah, ama ka badanba, adiguna waad ka mid noqon kartaa dadkaas.

Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa inaad dajisato qorshe hagaagsan isla mar ahaantaana aad hirgeliso, si adagna aad u shaqayso ilaa aad ka xaqiijinayso yoolkaaga.

Kahor intaanan galin nidaamkan fudud, waxaan baran doonaa wax ku saabsan qaar ka mid ah ereyada Google AdSense iyo sida loogu kasbado soo laabasho weyn xayeysiisyada Google AdSense.

Si aad lacag fiican uga kasbato Google Adsanse, waa inaad marka hore xubin ka noqotaa Google Adsanse, website-kaaguna uu ku daabacan yahay xayaysiimaha Google AdSense, mar labaadna waa inuu website-kaagu heli karo booqdayaal.

Aynu tusaalahan soo qaadano, celceliska daawashada xayaysiimaha gujisku (CTR) waa 1%, halkii gujisna celceliska qiimuhu waa $0.25.

  • Haddaba si aad maalin kasta u kasbato $50, waxaad u baahan tahay inaad hesho 20,000 daawasho oo xayeysiis ah ama 400 oo gujis oo xayaysiimo ah maalin kasta, waxaadna si fudud u heli kartaa 20,000 daawasho oo xayeysiis ah haddii aad haysato ilaa 250 maqaal oo kala duwan, kuwaas oo soo jiidan doona ugu yaraan 100 booqdayaal ama ka badan maalin kasta.
  • Marka laga yimaado lacgta laga helayo gujis kastaba, waxaa sidoo kale lacag laga kasban karaa daawashada xayeysiimaha oo kaliya, iyadoon la gujin xayayasiinta lafteeda, celceliska lacageed ee laga hili karana waxay badanaa u dhaxaysaa $1 ilaa $1.5 1000kii daawasho, iyadoo aanan loo eegayn goobtaadu waxay bixiso ama nuxurka ay ka hadashao. Markaa, waxaad si fudud u kasban kartaa $20 ilaa $40 maalintii hadii aad hesho 20,000 daawasho oo xayeysiis ah.
  • Hadii aad xogaa khabiir ku tahay lacag samaynta internet-ka waxaa 20,000 ee daawasho ku sii kasban kartaa lacago badan, sida inaad website-kaaga meelo ka mid ah aad u kirayn karto xayaysiin ahaan, sida inaad ka shaqayn karto affiliate marketing oo aad website-kaaga ku soo daabaci karto adeegyada iyo badeecadaha la xidhiidha nuxurkaaga adigoo helaya faa’idada iib kasta oo adi dartaa u dhacay.

Suurayso bal, maalintii inaad hesho, $50 oo aad ku helayso daawashada xayaysiimaha iyo dhowr boqol oo gujis, $30 oo aad ku helayso kiraynta meelo ka mid ah website-kaaga, $50 oo aad ku helayso affiliate marketing.

$50+$30+$50=$130, waxaad maalintii helaysaa lacag dhan $130, bishiina noqonaysa $3,900 waana dakhli aad u fiican, lacagta xaddigan ahina miyaanay kaa dhigin mid ku noolaada nolol raaxo leh?

Dabcan blog-ku waa inuu ahaadaa mid af-Ingiriisi ah, se hadii uu blog-gaagu yahay af-soomaali, waxaad sidoo kale samayn kartaa dakhli fiican, laakiin aan la mid ahayn kan af-ingiriisiga ah, maadaama af-ingiriisigu yahay afka ugu caansan.

Hagaag, haddaba hadii aad rabtid inaad bilawdo blogging-ka, waxaa lama huraan noqonaysa inaad yeelatid website, si aad ugu soo daabacdo maqaalada, hadii aanad garanaynna sida loo dhiso website, ha wel-welin, Shirkadeena ka GELLE DIGITAL SERBICES Ahaan, waxaynu ku takhassusnay samaynta, qaabaynta iyo horumarinta website-yada, haday noqon lahayd E-commerce websitePersonal websiteSmall business websitePortfolio websiteBlog websiteNews websiteEducational websiteEvent websiteIWM.

Sidoo Kale Shirkadeena waxay diyaar kuula tahay Curinta, Kobcinta, Iyo Hirgalinta Ganacsigaaga, Laga soo bilaabo Curinta fikrad wax ku ool ah, samaynteeda, hirgalinteeda, iyo xittaa suuq-geynteeda, ilaa uu ganacsigaagu xaadir ka noqdo internet-ka, wakhti kastaana la heli karo.

Hana iloobin in ay shikadeenu u heelan tahay mar-walba caawimaadkaaga, si aad u gaadho hadafkaaga ah, madax-bannaani dhaqaale. Sidaa darteed, yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?

Hadaynu nahay GELLE DIGITAL SERBICES, waxaynu kuu dhisaynaa website ka midho dhaliya yoolalkaaga.

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442.

13 Comments

      1. Walal waxan sameystey website blogging ah mudo badan na waan leyahay waxn raba in aan kula wadago si aad cheking u saarto hadii ay suurto gal tahay google addsense wuu iso aqbali la’yahay ila imika

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *