Sideed Ku Noqon Kartaa Blogger Guulaysta?

  • December 6, 2023
  • Comment 4

Sideed Ku Noqon Kartaa Blogger Guulaysta?

Haddii aad rabto inaad noqoto blogger guulaysta, hubaal waa inaad marka hore noqotaa akhriste wanaagsan, si aad xogaha aad u soo bandhigayso bulshada ama aad u soo turjumayso aad marka hore u hesho.

Marka aad soo gaadho su’aashan ah “sideed ku noqon kartaa blogger guulaysta” waa maankaaga ku soo dhaci kara dhowr arimood oo ay ugu harreeyo lacag samaynta blogging-ka, waa saxan tahay akhriste, laakiin wax yar aynu ka hadalno waxa uu yahay bloggin-ka, blog-ka, iyo blogger-kaba, ka hor intaynaan u sii guda galin sida aad ku noqon karto blogger guulaysta.

Fahamka Ugu Fudud Ee Ku Saabsiisan Blooging-Ka, Blog-Ka, Iyo Blogger-Ka.

Blogging-ku: Waa qoridda maqaallo ama qormooyin gaar ah, oo ku socota dadyaw gaar ah.

Blog-ku: Waa halka, goobta ama meesha lagu daabacayo maqaaladii ama qormooyinkii la qoray.

Blogger-ku: Waa shakhsiga ama qofka qoraya maqaaladaas ama qormooyinkaas.

Heerkan casriga ah ee aynu soo gadhnay, ee ay tignaloojiyaddu kaalinta weyn ka qaadatay, blogger-radu waxaa loo tixgaliyaa inay yihiin macalimiin, hagayaal, iyo soo bandhigayaasha xogaha.

Blogger-radu waxay lacago badan ay ka kasbadaan blog-gooda, si toos ah iyo si aan toos ahaynba, iyadoo ay ku xidhan tahay nooca nuxurka iyo heerka nuxrka ay soo bandhigaa, iyo habka ay u soo bandhigaanba.

Sideed ku noqon kartaa blogger guulaysta, waa su’aasha ugu badan ee ay is weydiiyaan blogger-radu, gaar ahaan kuwa bilowga ah, ama ku cusub goobtan bloggin-ka ah.

Hagaag, waxaan sadarada xiga kugu tusi doonaa tilmaamaha ay tahay inaad ku suntanaato, ama aad ku tilmaamnaato, si aad u noqoto blogger guulaysta.

Waxa kaliya ee ay tahay inaad sameyso ayaa ah inaad tixgeliso tilmamahan iyo talooyinkan soo socda, isla mar ahaantaana aad dhaqan galiso, so aad u noqoto…

Hadaba isku day inaad dhaqan galiso tilmaamahan soo socda:

1. Blogger-Ka Guulaysta Waa Akhristaha Wanaagsan

Runtii weedhan ah “Blogger-ka guulaysata waa akhristaha wanaagsan” waa in ay udub dhexaad u noqotaa xiisahaaga ku aadan blogger-nimada, si aad u noqoto blogger guulaysta waa in aad marka hore aad tahay qof wax akhriska jecel oo xiiseeya, waayo wax akhrisku waxa uu kaa caawinayaa in aad horumariso hab qoraalkaaga, iyo sida aad xoga si habsami leh ugu soo bandhigayso.

Weligaana ha iloobin in nuxurka wanaagsani uu had iyo jeer u baahan yahay, in tayada fikradaha la soo bandhigo ay noqdaan kuwo wanaagsan, blogger-ka guuleysta waa qofka jecel wax-akhrinta, mana jiri qof ku guulaystay bloggin-nimada oo aan hadana ku wanaagsanayn wax akhriska.

2. Soo Koobidda Nuxurka, Si Aan Looga Caajisin

Dhab ahaantii, blogger-ka guuleysta wuxuu xakamayn karaa ereyadiisa dhaadheer, maadaama dhererka erayada xad-dhaafka ah uu akhristaha u horseedi karo caajis.

Waa lagama maarmaan in la soo bandhigo xogaha la rabo in la baahiyo, iyadoon tayadii wax laga dhimayn, isla mar ahaantaana ereyada aan si ula kac ah loo dhaadheereenayn, lana soo koobayo dulucda sheekada.

3. Fahamka Dadwaynahaaga

Fahamka qoto dheer leh ee aad u leedahay dadwaynahaaga bartilmaameedka ah waa mid ka mid ah tilmaamta ugu muhiimsan ee ay tahay inaad ku suntanaato, hadii aad ranto inaad noqoto blogger guuleysta, waana inaad ogaataa waxa ay dadwaynahaaga hadda raadinayaan iyo mawduucyada ugu muhiimsan ee ay rabaan in laga haqabtiro.

4. Gaar Noqoshada Ama Takhasuska

Tilmaamaha blogger-rada guuleystay waxaa ka mid ah, qof ku gaar noqday ama ku takhasusay hal goob ama hal majaal oo gaar ah, in kasta oo ay muhiim tahay, isla markaana ay fiican tahay in aqoono durugsan loo yeesho dhinacyo badan, hadana ku takhasuska mawduuc gaar ah waa waxa kaa dhigaya blogger guulaysta.

5. Ilaha Laga Soo Xiganayo Xogaha

Waa in ay kala duwanaataa ilaha aad xogaha ka helaysid, si aad u hubiso in ay xogtu tahay mid sax ah, ama ugu yaar ay tahay mid la isku hallayn karo.

Sidoo Kale Waxaa Jira Qodobo Ay Tahay Inaad Tixgaliso Marka Aad Rabto Inaad Bilawdo Bloggin-Ka, Si Uu U Guulaysto Blog-Kaagu, Waxaana Ka Mid Ah Kuwan Soo Socda:

  • Inaad bilawga hore dooratid Niche (nuxur) gaar ah.
  • Inaad hubisid nuxurka aad dooratay inuu faa’iido leeyahay iyo in kale, iyo inay jiraan dadyaw daneeya nuxurkaa.
  • Inaad si qoto dheer leh u fahamto dadwaynahaaga (sida dhibaatooyinka ay ka cabanayaa, waxyaabaha ay xiiseeyaan, heerkooda aqooneed, caadooyinkooda, afkooda, iwm).
  • Inaad dib raacdo, lana socoto wax kasta oo ku cusub nuxurka aad dooratay.
  • Inaad si joogto ah u wanaajiso hab ama qaab qoraalkaaga.

Dib u milicso maqaaladan soo socda hadii aad rabto inaad xogo badan oo dheeraad ah aad ka hesho, gootan ku magacaan “blogging-ka”.

  1. Blogging: Khuraafaadka Iyo Xaqiiqooyinka Laga Sheegayo Iyo Sida Loo Bilaabo
  2. Qoraalka: Siyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Lacag Looga Samayo Wax-Qorista 2023
  3. Waa Maxay Farqiga u dhexeeya Blogger iyo WordPress
  4. Maxaad U Baahan Tahay Si Aad Lacag Uga Samayso Google Adsense
  5. Sidee blogging ka oga shaqeysan kartaa ?
  6. Google Adsense : Muxuu yahey iyo side baa lacag looga sameyaa
  7. Sidee blogging ka oga shaqeysan kartaa ?

Hagaag, haddaba hadii aad rabtid inaad bilawdo blogging-ka, waxaa lama huraan noqonaysa inaad yeelatid website, si aad ugu soo daabacdo maqaalada, hadii aanad garanaynna sida loo dhiso website, ha wel-welin, Shirkadeena ka GELLE DIGITAL SERBICES Ahaan, waxaynu ku takhassusnay samaynta, qaabaynta iyo horumarinta website-yada, haday noqon lahayd E-commerce website, Personal website, Small business website, Portfolio website, Blog website, News website, Educational website, Event website, IWM.

Sidoo Kale Shirkadeena waxay diyaar kuula tahay Curinta, Kobcinta, Iyo Hirgalinta Ganacsigaaga, Laga soo bilaabo Curinta fikrad wax ku ool ah, samaynteeda, hirgalinteeda, iyo xittaa suuq-geynteeda, ilaa uu ganacsigaagu xaadir ka noqdo internet-ka, wakhti kastaana la heli karo.

Hana iloobin in ay shikadeenu u heelan tahay mar-walba caawimaadkaaga, si aad u gaadho hadafkaaga ah, madax-bannaani dhaqaale. Sidaa darteed, yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?

Hadaynu nahay GELLE BASHIR, waxaynu kuu dhisaynaa website ka midho dhaliya yoolalkaaga.

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442.

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit. Ut elit tellus, luctus nec ullamcorper mattis, pulvinar dapibus leo.
John Doe
Designer

4 Comments

  1. Asc ustaad WordPress marabno lacag ayaa inoogabaxeeso samayntiisa lkn blogger ka free waaye 10$ domain Lee ku iibsanee marka course kasoodiyaariya waana aqaana sida loosameeyo lkn Google ka wuu isoodiiday sababo laxariiro content creation baa umalaynaa ama inaan professional ku ahayn. Mahadsanid
    Idris Ahmed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *