Sideed Ku Noqon Kartaa Suuqgeeye Hal-Abuur Leh

Sideed Ku Noqon Kartaa Suuqgeeye Hal-Abuur Leh

Markii ay kordheen tirada dadka leh ganacsiyada iyo mashaariicda cusub iyo dadka saamaynta ku leh baraha bulshada, suuqgeyntu waxa ay noqtay mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan internetka wakhti xaadirkan.

Waxaa jira siyaabo badan oo lagu noqon karo suuqgeye hal-abuur leh oo xirfad leh, hasa yeeshee waxaynu xusaynaa 3 xeelad oo ka mid ah xeeladaha suuqgeynta, taasooy adeegsadaan suuqgeeyayaal badan, oo ay ka mid yihiin:

1. Baro Oo Ogow Dadka Aad Beegsanayso:

Ogaanshiyaha dadwaynahaagu waa furaha ugu muhiimsan ee aad ku guulaysan karto marka aad tahay “suuqgeeye“, Mana soo gudbin kartid waxa ay macaamiishaadu daneeyaan ama ay xiiseeyaan haddii aanad si fiican u qeexinkarin ama aanad baran shakhsiyadooda, danahooda, rabitaanadooda iyo dhibaatooyinkoodaba.

Dadwaynaha la beegsanayo waxaa lagu qeexaa inay yihiin koox ka mid ah dadka, kuwaasoo loo aqoonsaday inay yihiin macaamilka alaabtan ama adeegan, waxayna wadaagaan sifooyin bulsho oo isku mid ah sida:

  • Da’da.
  • Jinsiyada Lab/Dhadig.
  • Goobta
  • Aqoonta
  • Xaalada Bulsho Iyo Midda Dhaqaale.

Tusaale ahaan: Ka soo qaad in dadka la beegsanayo ay yihiin dadka xiiseeya Kubbada Cagta isla mar ahaantaana ku sugan magaalada Dubai, Markaa suuqa la beegsanayo ayaa noqon doona Ciyaaryahanada kubbada cagta ee Dubai, ma aha dhamaan Ciyaaryahanada kale ee ciyaara kubbada cagta.

2. Diirada Saar Nuxur (Nich) Gaar ah:

Ka fikir hiwaayadahaaga, xiisahaaga, iyo meelaha aad wax badan ka taqaano, oo bilow inaad nuxur ka curiso halka aad is leedahay waad ku fiicnaan doontaa mustaqbalka.

Hadafkaagu yuusan noqon uun faa’iido oo kaliya. Waa inaad daacad u noqotaa oo aad ku qanacdaa alaabta ama adeega aad xayaysiinayso, Sidoo kale waa inaad aqoonsataa rabitaankaaga si aad u go’aamiso nooca nuxurka aad rabto inaad suuq geyso adoo eegaya mawduucyada aad inta badan xiisayso. waana tan waxa ay inta badan iska indhatiraan suuqgeynyaal badan oo cusub.

Si aad awood ugu yeelatid inaad xayaysiiso badeecad kasta ama adeeg kasta, waa inaad fahamtaa dhibaatooyinka ay xalliso ama faa’iidooyinka ay bixiso, si taas loo sameeyana waa inaad barataa dadwaynahaaga.

3. Isticmaal Xeelado Suuqgeyneed Oo Hal-Abuur Leh:

Inta aad ka run sheegayso alaabta ama adeega aad xayaysiinayso, waa inta aad wax badan iibin doonto; Waxaadna shakhsi ahaan dooran kartaa habka aad u xaysiin lahayd alaabta ama adeega aad rabtid inaad iibiso; Tusaale ahaan, waxaad is barbardhigi kartaa badeecadaha ama adeegyada astaamaha weyn leh iyo badeecadaha ama adeegyada astaamaha yar leh, adigoo dadka tusinaya una sheegaya inay buuxin karaan baahidooda ama ay u dhigmaan waxqabad ahaan, halkii ay ka iibsan lahaayeen kuwa astaamaha weyn leh (Markastana Xusuusnow “RUNTU WAA MUHIIM GAAR AHAAN MARKA AAD TAHAY SUUQGEEYE”).

Sii Daalaco: Mid Ka Mid Ah Ganacsiyada Elektarooniga Ah Ee Guulaystay “Amazon”

Tillaabooyinka Lagaaga Baahan Yahay Inaad Qaado, Si Aad U Noqto Suuqgeeye Dhijitaal Ah

  • Baro aasaaska suuqgeynta dhijitaalka ah
  • Baro sida loo isticmaalo agabyada suuqgeynta dhijitaalka ah
  • Samayso CV xirfadaysan oo kuu gaar ah
  • Dhisio website portfolio ah, kaasoo ka turjumaya wax-qabadkaaga
  • Isa suuqgee

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *