Adeegyada Aynu Bixinno

Adeegyada Aynu Bixinno

Adeegyada aynu bixino waxay kaalin weyn ka qaadanayaan hirgalinta mashaariicyada cusub ee la hiigsanayo, gaar ahaan mashaariicyada online-ka ah, maadaama mashaariicyada onilne-ka ah ay yihiin mashaariicyo si weyn ula kulma shacbiyadda badan.

Maqaalkan, Waxaynu kaga hadli doonaa qaar ka mid ah adeegyada aynu bixino, kaawsoo kala ah: Web Design & Development, Branding Services, iyo SEO.

1. Web Design & Development

Internetku hadda waxa uu noqday il dhaqaale oo ay ka helaan malaayiin qof oo dunida daafaheeda ku kala nool, maadaama ay jiraan ilo badan oo faa’iido laga helo oo aan ku koobnayn hal ama laba siyaabood, Website-ku waa mid ka mid ah ilahaas, bal se lagu tiriyo ilaha ugu muhiimsan uguna faa’iidada badan, Website-yada ayaa faa’iido badan u leh ganacsiga, maadaama uu yahay xiriirka u dhaxeeya ganacsiga iyo macmilka.

Hadii aad leedahay shirkad, ama aad tahay Ganacsade, ama xitaa hadii aad tahay shikhsi caadi ah, oo aad u baahan tahay website dhamaystiran (Bliaw ilaa dhamaad) shirkadeenu waxay kuu samaynaysaa website-yada ugu professional-san haday noqon lahady E-commerce, Portfolio, Blog, IWM.

2. Branding Services

Brand maaha oo kaliya sumad, calaamad, astaan ama hadaan si kale u dhigno logo.

Haddaba maxay tahay Brand ama calaamad? Maxaa noqon kara brand? Iyo muhiimada u ay leedahay ganacsiga? Waa su’aalo ay iswaydiiyaan dadbadani.

Waa Maxay Brand?

SI GUUD, Waa Astaanta ama calaamad ganacsi oo ku gaar ah shirkad ama ganacsi, oo kala saarta badeecadda ama adeegyadda shirkadda iyo badeecadaha ama adeegyada shirkadaha kale.

Marka la soo koobo, Brand waa sida macmiilkaagu kuu arko.

Maxaa Noqon Kara Brand?

Wax kasta oo noqon kara qaab gaar ah; magac, eray, saxiix, xarf, calaamad, lambar, cinwaan, shaabad, sawir, qoraal, qaab, midab.

Muhiimadda ay u leedahay ganacsiga?

  • waxa uu mideeyaa ganacsigaaga
  • waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee shirkadda
  • Brand-ka ama calaamadda xooggani waxay kordhisaa iibka
  • waxay muujinaysaa qiyamka iyo sharafta shirkadda
  • Macmiilka wuxuu ku kalsoon yahay Brand-yada ama calaamadaha uu maskaxda ku hayo
  • waa fikrad lagu gudbin karo siyaabo badan

3. SEO

Waxaa laga yaabaa inaad weli la yaaban tahay sababta SEO ay muhiim ugu tahay boggaaga internetka iyo hawlaha suuq-geynta iyo ka caawinta korodhka booqdayaasha.

Aan kuu sheego qodobo na yusinya muhiimadda ay leedahay wanaajinta ama hagaajinta SEO:

  • 68% waayo-aragnimada ka dhex dhaca khadka tooska ah waxay ka bilowdaan Search Engine makiinadaha raadinta.
  • 53% booqdayaahsa website-yada waxay ka yimaadaan Organic Search (booqadayaal dabiici ah).
  • 93% booqdayaasha caalamiga ahi waxay ka yimaadaa Google Search, Google Photo, iyo Google Map.

Wanaajinta (SEO), waxay ka dhigan tahay kordhka tirada iyo tayada booqdayaasha website-ka, iyada oo loo marayo Search Engine-nada waaweyn sida Google, Bing iyo Yahoo.

Wanaajinta SEO waa mid ka mid ah hababka lagu taliyo marka ay timaaddo kordhinta booqdayaasha. Algorithms-yada cusub ee Google-ka ayaa la horumariya labadii sanaba hal mar, hadafkooda ugu weynina waa inay isticmaalayaasha siiyaan qiimo. kooda.

Sii Daalaco: Intee In Le’eg Ayay Muhiim Tahay SEO?

Ugu Danbayntii

Saan ognahay ganacsi kasta oo online ah waxaa la rabaa ama lagu dadaalaa, inuu xaadir ka noqdo internet-ka, wakhti kastaana la heli karo.

Haddaba, si aad u yeelato ganacsi online ah, ama aad u balaadhiso ganacsigaaga, oo aad u hesho macaamiil badan, waxaa lama huraan ah inaadan ka maqnaanin saaxadda internet-ka, taasoo kulmiso malaayin qof, bal balaayiin qof. Hana iloobin in shirkadeenu ay u heelan tahay midaas, oo ay u taagan tahay caawimaadkaaga, si aad u gaadho hadafkaaga ah inaad yeelato ganacsi online ah.

Waxaadna nagala soo xidhiidhi kartaa Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 ama WhatsApp Link-gan: https://wa.link/zjb442, Iyo Telegram Link: https://t.me/gellebashir.

Haddii aad hayso su’aalo dheeraad ah oo ku saabsan adeegyadeena, ama guud ahaan, ku saabsiisan ganacsiga, ha ka waaban inaad nagu waydiiso qaybta faallada.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *