Sideen U Bilaabaa Ganacsiga E-Commerce Ah?

Sideen U Bilaabaa Ganacsiga E-Commerce Ah?

Marka aad rabto inaad bilawdo ganacsiga e-commerce ahi, waxaa jira dhinacyo badan oo aad u baahan oo ay tahay inaad tixgeliso, hasa yeeshee su’aasha ugu muhiimsan ee ay tahay inaad jawaab u hesho ayaa ah, waxa aad rabto inaad iibiso?.

Guusha sii kordheysa ee uu xaqiijinayo ganacsiga e-commerc ahi, wuxuu bilaabidda ganacsiyadii ka dhigay kuwo ku salaysan xaqiiqo, isla mar ahaantaana fudud.

Hadii aad rabto inaad kordhiso dakhligaaga billaha ah, ama aad rabto inaad bilowdo ganacsi, yeelashada ganacsi e-commerce ah waa doorashada ugu fiican uguna wax tarka badan, taasoo kuu rumayn karta riyadaadii ahayd inaad kordhiso dakhligaagii billaha ahaa.

1. Doorashada Alaabta Aad Rabto Inaad Iibiso

Suuqa ganacsiga e-commerce ahi waa suuq uu ka jiro tartan xoogan, sidaa darteed waxaad u baahan tahay inaad eegto goobaga ama meelaha aad ku soocan tahay.

Tani waxay la macno noqon kartaa inaad iibiso alaab aad adigu naqshadaysay, adigoo ka iibinaya bulsho gaar ah oo ku nool suuq gaar ah, ama iibinaya alaab ay dad leeyihiin, adigoo faa’idadaad maaliyadeed saaranaya alaabta aad rabto inaad iibiso.

Si kastaba ha ahaatee, inaad haysato badeecad wax ku ool ah oo koraysa maalinba maalinta ka danbaysa waxay ganacsiga kaa caawinaysaa inuu sii jiro muddo badan oo uu guulasyto, sidaa darteed waa inaad fiiro gaar ah u yeelataa doorashada badeecadda aad rabto inaad iibiso.

2. Samaynta Qorshe Hawleed

Dejinta qorshe ganacsi oo cad ayaa muhiim u ah bilaabidda ganacsi katsaa si uu ugu danbayntii u guuleysto, waxaadna u baahan tahay inaad dajiso qorshe ganacsi oo ay ku jirto istaraatijiyad maalgelineed, suuqgeyneed, iyo olole xayaysiimeed.

Waxaadna sidoo kale u baahan tahay inaad fikrad cad ka haysato sida aad u gaadhi lahayd guusha iyo waxa aad ku gaadhi lahaydba.

Natiijada ugu muhiimsan ee laga leeyahay samaynta qorshe hawleed waa dajinta qorshe fog oo ah waxa aad rabto inuu ganacsigaagu noqdo.

Sii Daalaco: Miyay adag tahay inaad ka shaqaysato ganacsiga e-commerce-ga ah?

3. Samaynta Website Kuu Gaar Ah

Yeelashada website kaliya muhiim uma aha ganacsigan e-commerce ahi, hasa yeeshee waa udub dhexaadka ganacsigan la’aantiina waxay u ekaanaysaa midaan suurtoobayn.

Haddii aad aqoon u leedahay samaynta website-yada, way kuu fududaan doontaa tilaabadan marka aad marayso, se hadii aanad aqoon u lahayn, misna aanad rabin inaad barato ama aanad wakhtiba u hayn, shirkadeena ah Gelle Digital Services, waxay kaa caawinaysaa yeelashada website, iyadoo kuu dhisaysa website ka diyaarsan dhan walba, oo diyaar u ah wax iibinta, sidaa darteed hadii aad u baahan tahay inaad yeelato website nala soo xidhidh, adigoo gujinaya badhankan hoose, ama nagala soo xidhiidh whatapp number-kan+252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: Https://Wa.Link/Zjb442.

Waxaa kaloo kuu dhiman ilaa dhowr qodob oo ay tahay inaad tixgaliso marka aad bilaabayso ganacsiga e-commerce ahi, kuwaasooy ka mid yihiin:

  • Suuqgeynta website-ka
  • Yeelashada ilaha kala duwan ee lacag bixinta (Payment Gateway)
  • Yeelashada delivery dhakhso badan

Dhammaan waxyaalahay aynu xusnay iyo kuwo kaloo aynu xusinba oo ku saabsna ganacsigan e-commerce ahi waxaad iygoo faahfaahsan ugu tagaysaa korsadeenan ah Ecommerce & Marketing Course, taasoo ku dhawaad gaadhaysa ilaa 50 Video oo isku jira Theory, Practise, iyo Presentation, kuwaas oo gacan weyn ka gaysanaya fahamka iyo ka mirodhalinta ganacsigan e-commerce ahi, adigoo awood buuxda u yeelan kara marka aad dhamaysato koorsadani inaad ganacsi kuu gaar ah bilaaban karto.

Hadii aad danaynayso koorsadan waynu kugu soo dhawaynyanaa, iskuna diyaari inaad dhaqaale ahaan madax-bannaanaan doonto –eebe idamkii- Yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: Https://Wa.Link/Zjb442, Ama Telegram Link: Https://T.Me/Gellebashir. Ama aad gujjiso badhankan hoose.

1 Comment

  1. Said ibnu hassan

    A very helpfull article, i rly appreciate that u shared ur work with the our community in an easily understandable way

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *