Siraha Guusha Maalgashiga Internetka

Maalgelinta internetka ayaa yeeshay hadal hayn badan waayadan dambe, sababtuna waa faa’iidooyinka ay leedahay. Haddii aad rabto inaad maalgashato saami, lacagaha dhijitaalka ah, macdanaha qaaliga ah, ama nooc kasta oo maalgashi ah, waa inaad ogaataa in soo celinta maalgashiga aan mar walba la dammaanad qaadi karin, oo ay tahay inaad si taxadar leh u tixgeliso dhammaan khataraha la xidhiidha. Aad bay muhiim u tahay in la ogaado oo la fahmo aasaaska maalgashiga iyo tillaabooyinka ugu horreysa haddii aad rabto inaad guda gasho saaxaddamaalgashiga, Waxaa sidoo kale maqaalkeena maanta ku baran kartaa siraha ugu muhiimsan ee guushamaalgashiga.

 

 

 

 

 

 

1.Tixgeli maalgashiga muddada fog

Haddii aad rabto inaad si guul leh u maal gashato waa inaad dulqaadataa oo aad ka fikirtaa maalgashiga mustaqbalka fog. Bilawga maalgashiga inta badan waxa ka maqan dulqaad, iyda oo la illoobay in ay tahay furaha guusha maalgashiga. Maalgeliye ahaan waa inaadan filaynin faa’iido degdeg ah, laakiin xisaabta ku darso adigoon sii raac-raacayn. Tusaale ahaan, waxaan
xusaynaa maalgashadayaasha Apple Inc, Maal- gashadayaasha khubarada leh waxay haysteensaamigoodii in ka badan toban sano ka hor intaanay iibin, halka kuwa cusub iyo maalgashadayaasha aan dulqaad lahayn ay isla markiiba iibiyeen si ay u helaan faa’iido degdeg ah oo ay ku seegeen suurtagalnimada inay helaan faa'iidooyin badan.

2.Maalgashiga meelaha aan caadiga ahayn

Khubarada ku xeel dheer arrimaha maal-gashigu waxa ay ku nuuxnuuxsadaan muhiimadda ay leedahay in maal-galiyuhu uu si taxadar leh oo sax ah u daawado suuqa, isla markaana uu natiijada cilmi-baadhistiisa iyo afkaartiisa ku darsado waxyaabaha laga filayo, sababtoo ah waa khalad in si indho la’aan ah loo raaco doorashada aqlabiyadda iyo ra’yiga ee falanqeeyayaasha sababtoo ah waxay noqon kartaa fikrad aad khatar u ah.

3.Maalgelinta shirkadaha cusub ee ku jira waqtiyada xun

Waa caqli-gal in maal-galiyuhu uu raadiyo shirkado cusub oo soo mara waqtiyo xun, sababtoo ah shirkadu waxay maraysaa marxalad adag oo ku-meel-gaar ah taas oo qiimaha saamiyadu hoos u dhacaan, maadaama shirkaddu ay hore u leedahay boos
maaliyadeed oo wanaagsan, laguna dhisay aasaas adag, waxaa jira fursad weyn oo lagu dhaafi karo marxaladan iyo qiimaha saamiyadu ay si tartiib tartiib ah kor ugu kacaan, taas oo faa'iido wanaagsan u keeni doonta maalgashadayaasha, fahmaanna siraha guusha maalgashiga. Waxaanu tusaale ahaan u soo qaadanaynaa, maamulaha guud ee shirkadda Apple, Steve Jobs, markii labaad ee loo magacaabay maamulaha shirkadda sannadkii 1997. Waqtigaas, shirkaddu waxay la kulantay dhibaatooyin halis ah, waxayna diiwaan galisay khasaare lacageed oo dhan $161 milyan rubuci afraad ee sanadkaas. Si kastaba ha ahaatee, iyada oo ay uga mahadcelinayaan aragtidiisa fog iyo sii wadida faafinta qaar ka mid ah alaabooyinka hal-abuurka leh ee
guulaystay, macaashka saafiga ah ee Apple waxa uu cirka isku shareeray ilaa $4.31 bilyan rubuci afraad ee 2010, Shirkadda Apple maanata waxay joogtaa $3trillion. Sidaa darteed, haddii saamilaydu aanay dooran inay iibiyaan saamigooda ka hor inta aanay
dhammaanin guul-darradii shirkadu 1997-kii, waxay xaqiiqsan lahaayeen soo-noqosho aad u weyn oo ay ka heleen maalgashigooda.

4. Dhammaan lacagtaada ha gelin hal maalgashi

Maalgashadayaasha ayaa inta badan sameeya khaladka ah inay lacagtooda oo dhan galiyaan hal maalgashi. Had iyo jeer maskaxda ku hay in kala-duwanaanshaha maalgashigaagu ay muhiim tahay. maal-galiyuhu waa inuu sameeyaa faylal maalgashi oo xooggan si uu hantidiisa uga ilaaliyo dhibaatooyinka lama filaanka ah isagoo kala qaybinaya maalgelinta oo u qaybinaya noocyo kala duwan oo hanti ah, sida iibsashada saamiyada, macdanaha qaaliga ah, iyo cryptocurrencies, si ay u awoodaan inay yareeyaan ku tiirsanaanta hal qayb oo ay yareeyaan khatarta khasaaraha.

5.Samee qorshe maalgashi islamarkaana hirgali

Waxaa muhiim ah in maalgeliye kasta uu dhiso qorshe maalgashi oo gaar ah oo uu ku dadaalo sidii uu u hirgelin lahaa. Sababtoo ah haddii aan la helin qorshe maalgashi oo wanaagsan, faylalka dheelitiran, iyo faham wanaagsan oo ku saabsan suuqyada uu
maalgashaduhu ka shaqeeyo, way adkaan doontaa in guul la gaaro. Maalgeliye ahaan waa inaad had iyo jeer noqotaa mid si fiican u raacda xaaladaha suuqa, waana inaad ka dhigtaa qorshahaaga maalgashi mid ku habboon xaaladaha suuqa oo ay ku jiraan yoolal iyo ujeeddooyin cad cad si aad awood ugu yeelato inaad maareyso khataraha maaliyadeed oo aad hesho faa’iido. Saasna aad ku fahanto sirta guusha maalgashiga.

Gabagabadii

Dadka intooda badan waxay rabaan inay si toos ah ugu boodaan ogaanshaha fursadaha maalgashi ee ugu wanaagsan, iyagoo u malaynaya in loo dammaanad qaadi doono faa'iidada nadiifka ah haddii ay doortaan cryptocurrency-kii ugu dambeeyay ama saamiyada kor u kacaya, taasina ma aha guusha maalgashiga. Laakiin aragtidan ama fikirka noocan ah waa mid
khalldan – ka hor intaadan xitaa ka fikirin waxaad rabto inaad maal gashatid, waa inaad maskaxdaada u soo jeedisaa sida aad u rabto inaad u maalgashato. Waxaa lagaaga baahan yahay inaad naftaada waydiiso shantan su’aalood ka hor intaadan maalgashi samayn si aad u fahanto siraha guusha maalgashiga:

1. Maxay yihiin yoolalkaaga dhaqaale?
2. Waa maxay muddada maalgashigaagu?
3. Halista intee le’eg ayaad diyaar u tahay inaad qaadato?
4. Ma doonaysaa in aad adigu doorato maalgelintaada?
5. Koonto noocee ah ayaa kugu habboon?

Hadda waxaan filayaa inaad jawaabo u hayso su’aalha aan kor ku xusnay. Waa markii aad u gudbi lahayd qaybta xiisaha leh ee doorashada maalgashiga saxda ah ee kugu haboon. Ma jirto hal jawaab oo sax ah oo aan ku siin kato sababtoo ah maalgelinta kugu habboon waxay ku xirnaan doontaa jawaabaha aad ka bixinayso su'aalihii aan kor ku xusanay.
Taxaddar!

6 Comments

  1. Abdirizak mahamed hussein

    Mahadsanid Ustaad waa qormo aad iyo aad uqiimo badan , waxaan filayaa maalgalinta oogu wanaagsan waa naftaad markahore naftada maal gali oo wax baro , yacni xirfad baro kadib ayaad ogaankartaa waxa aad rabto inaad maal gashato. Waxaan aminsanahay ani maalgalinta oogu nagsan cardigan inay tahay digital marketing.

  2. Ustaad geele bashiir waan kusalamay inadeer waxaan ka mid ahay dadka YouTube kaga ku xidhan waanan kaga mahad celinaya dhiirigelinta aad usamayso dhalinyarada somaliyeed walaal anigu horta waxbadan waan kafaaidey lkn mushkilada jirtaa marmalba online waan ahay xaga internetka hargeisa ayaan jogaa lkn qarash laaan ayaa iska jirta xitaa mahaysto computer mobile ka ayaan khadka ka isticmala welina waxan ku dhiiran la ahay hal iskils markaa waxaan ubaahna skiliska ugu fukuda ee aan kabilabi lahaa si aan ugu dhiirado inadeer waayo baahi badan ayaan uqabaa waxan ahay nin dhalinyaro ah oo hadana asaaxaba ciyaala hadana aan wax shaqo ah haysanin markaa inadeer sida ugu macquulsan ee aan online kaga shaqeysan karo waan ubaahanahay inadeer

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *