Siyaabaha Ugu Fiican Ee Aad Lacag Uga Samayn Karto Programming-ka

  • December 15, 2023
  • Comment 2

Siyaabaha Ugu Fiican Ee Aad Lacag Uga Samayn Karto Programming-ka

Haddii aad tahay qof doonaya inuu ogaado siyaabaha ugu fiican ee aad lacag uga samayn karto programming-ka, waxaa tahay qof doonaya inuu si dhab ah lacag uga sameeyo programming-ka, taasoon qormadeena maanta aynu uga hadlayno.

Haddi aad tahay qof bilaw ku ah dunida programming-ka (barnaamij-samaynta) ama aad leedahay khibrad hore, qormadan waxaynu kula wadaagi doonaa –eebe idamkii- ilo iyo xogo qiimo leh, oo ku saabsan siyaabaha ugu fiican ee aad lacag uga samayn karto programming-ka.

4-Ta Siyaabood Ee Ugu Fiican Ee Aad Lacag Uga Samayn Karto Progtamming-Ka

Waxaa jira dhowr siyaabood oo lacag looga samayn karo programming-ka, hase ahaatee qormadan waxaynu diiradda ku saaraynaa 4 siyaabood oo kaliya, kuwaasoo ugu muhiimsan uguna caansan, kuna haboon bulashada soomaaliyeed.

Waana inaad aqoon u leedahay ugu yaraan aasaaska programming-ka, si aad lacag uga samayso, hana ka wel-welin barashada programming-ka, maxaa yeelay waxaa jiro ilo iyo goobo badan oo laga baran karo, oo uu ka mid yahay, ugu horreeyo YouTube-ka, adigoo ka helaya barayaal soomali ah, oo aad si waafi ah wax uga fahmi karto, iyo in aad qaadato koosrooyin gaar ah.

1. Blogging-Ka

Blogging-ku ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay siyaabaha ugu wanaagsan ee aad lacag uga karto programming-ka, gaar ahaan haddii aad si guud u jeceshahay wax-akhriska iyo qoraalka, habkani waxa uu fursad kuu siinayaa in aad wax ka qorto mowduucyo kala duwan oo la xiriira takhasuska aad u leedahay programming-ka, halkaas oo aad diiradda saari karto xogaha xiisaha leh isla markaasna soo jiidanaya dareenka akhristayaasha.

Hagaag, haddaba hadii aad rabtid inaad bilawdo blogging-ka, waxaa lama huraan noqonaysa inaad yeelatid website, si aad ugu soo daabacdo maqaalada, hadii aanad garanaynna sida loo dhiso website, ha wel-welin, Shirkadeena ka GELLE DIGITAL SERBICES Ahaan, waxaynu ku takhassusnay samaynta, qaabaynta iyo horumarinta website-yada, haday noqon lahayd E-commerce websitePersonal websiteSmall business websitePortfolio websiteBlog websiteNews websiteEducational websiteEvent websiteIWM.

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442.

2. Youtube-Ka

YouTube-ku waxaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah aaladaha ugu muhiimsan ee sida guud lacag looga samayn karo internetka, iyadoo dad badan ay u arkaan inay tahay goobta ugu fiican ee laga heli karo koorsooyin waxbarasho oo bilaash ah.

Waxaad ka curin kartaa nuxuro ku saabsan goobta programming-ka, waxaadna samayn kartaa lacag, adigoo adeegsanya kanaalkaaga youtube-ka.

3. Freelancing-Ka

Freelancing-ku wuxuu ka mid yahay fursadaha ugu fiican ee aad ka lacag uga samyan karto programming-ka, gaar ahaan haddii aad tahay programmer (barnaamij-yaqaane) xirfadle ah, sababo dhowr ah awgood, oo ay ka mid yihiin:

  1. Freelancing-nimadu kaliya waxay u baahan tahay wakhtigaaga iyo xirfadahaaga.
  2. Freelancing-nimadu waxay kaa dhigaysaa qof baahi weyn loo qabo, maadaama suuqa programming-ka baahi weyn ay ka jirto.
  3. Freelancing-nimadu waxay kaa dhigaysaa mid soocan, oo ku soocan xirfadan aad taqaano oo ah programming-ka

Haddii aad leedahay xirfadda programming-ka, oo aad rabto inaad lacag ka samayso xirfadaadan, waxaynu kugula talinayaa inaad iska diiwaan geliso goobaha kala duwan ee looga shaqaysto freelancing-nimada.

4. Koorsooyinka

Run ahaantii waxa jira dad badan oo u haysta in habkan uu yahay mid kaliya ku kooban dadyawga khubarada ah, oo aad ugu xeel dheer programming-ka, hasa yeeshee waa wax uu qofkasta samayn karo.

Laakiin dhibku wuxuu ka taagan yahay, ma la damaanad qaadi karaa guusha koorsada, dabcan maya, hasa yeeshee hadii aad rabto mar hore tijaabiso heerka koorsadaada, raac tilaabooyinka soo socda:

  1. Waa inaad koorsadaada u doorataa mawduuc ama nuxur aad khibiir ku tahay.
  2. Waa inaad soo bandhigtaa, kuna soo bandhigtaa goob kuu gaar ah, ama goobaha caanka ah ee lagu soo bandhigo koorsooyinka sida, “Udemy” ama “Skillshare”.
  3. Waa inaad bilawga hore koorsada ka dhigtaa mid bilaash ah, si aad u qiimayso heerka koorsada.
  4. Waa inaad suuqgaysaa koorsadaada, adigoo u maraya barahaaga bulsheed.
  5. Ugu danbayntii koorsada ka dhig mid lacag ah.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *