Waa Maxay Soft Skills? Iyo Noocyadiisa?

Waa Maxay Soft Skills? Iyo Noocyadiisa?
  • November 18, 2022
  • Comment 0

Waa Maxay Soft Skills? Iyo Noocyadiisa?

Waa Maxay Soft Skills? Iyo Noocyadiisa?

Soft Skills ayaa door muhiim ah u leh loo-shaqeeyayaasha badankood, maadaama ku dhawaad ​​​​shaqo kasta ay u baahan tahay shaqaale leh Soft Skills (xirfadaha jilicsan).

Soft Skills ayaa si gaar ah muhiim ugu ah shaqooyinka ku saleysan macaamiisha, maadaama shaqaalahani ay si toos ah ula xiriiraan macaamiisha.

Xataa haddii aanad ku jirin doorka macmiilka, waa inaad awood u yeelatid inaad la heshid la-shaqeeyayaasha, maamulayaasha, iibiyeyaasha, iyo dadka kale ee aad la macaamilayso shaqada.

Maqaalkan, waxaynu ka hadlaynaa -eebe idamkii- waxa ay yihiin Soft Skills (xirfadaha jilicsan) iyo noocyadiisa kala duwan.

Waa Maxay Soft Skills?

Maxaa loola jeedaa Soft Skills:

Soft Skills ama af soomaali ahaan ku noqonaysa Xirfadaha jilicsan waa xirfado aan farsamo ahayn oo la xidhiidha habka aad u fuliso shaqadaada, una dhamaystirto mashaariicdaada, gaar ahaan dhanka shaqada.

Soft Skills waa xirfadaha ugu sarreeya ee loo-shaqeeyayaashu ay ka eegaan qofka shaqo doonka ah, marka ay shaqaalaysiinayaan, sababtoo ah waa xirfado muhiim u ah ku dhawaad ​​​​shaqo kasta. Saan horeba u sheegnay.

Waa Maxay Noocyada Soft Skills?

Halkan waxaa ah liis ka kooban 7-da Soft Skills ee ugu muhiimsan uguna baahida badan dhanka suuqa shaqada:

1. Maareynta wakhtiga

Maareynta wakhtigu waxay ku lug leedahay inaad si xikmad leh uga faa’iidaysato wakhtigaaga.

Waa kuwan qaar ka mid ah xirfadaha la xiriira maareynta wakhtiga:

      • Maareynta cadaadiska
      • Isku-dubaridka
      • Mudnaansiinta
      • Qorshaynta
      • Dejinta yoolalka

2. Isgaarsiinta

Isgaadhsiintu waa awood si wax ku ool ah loo gudbiyo ama loo wadaago fikradaha iyo dareenka, waana mid ka mid ah xirfadaha ugu sarreeya ee looga baahan yahay shaqaalaha guud ahaan.

Waa kuwan qaar ka mid ah xirfadaha la xiriira isgaarsiinta:

      • Isgaarsiinta Afeeneed
      • Isgaarsiinta Qoraaleed
      • Soo Jeedinta Iyo Bandhiga
      • Falcelinta
      • Dhegeysiga Firfircoon

3. La qabsiga

La qabsigaagu wuxuu muujinayaa sida ugu wanaagsan ee aad ula qabsan karto oo aad ula tacaali karto isbadalada agtaada ka dhacaya ama si guud u dhacaya.

Waa kuwan qaar ka mid ah xirfadaha la xiriira la qabsiga:

      • Is-Maamulidda
      • Yididiilada
      • Deganaanta
      • Falanqaynta

4. Xalinta dhibaatada

Ma jirto shaqo adduunka ka jirta oo aan lahayn wax dhibaato ah. Tani waa sababta xalinta mashaakilaadka hal-abuurka ahi ay had iyo jeer ugu baahan yihiin loo-shaqeeyayaashu.

Waa kuwan qaar ka mid ah xirfadaha la xiriira xallinta dhibaatada:

      • Falanqaynta
      • Fikirka Macquulka Ah
      • Maskax Rogida
      • Go’aan Qaadashada

5. Wada shaqaynta

Wada shaqayntu weligeed waxay ka mid ahaan doontaa xirfadaha ugu muhiimsan. Waxayna kaa caawinayaa inaad si hufan ula shaqeyso kooxda aad wada shaqaynaysaan.

Waa kuwan qaar ka mid ah xirfadaha la xiriira wada shaqaynta:

      • Maareynta Iyo Xallinta Khilaafaadka
      • Is-kaashiga
      • Isu-duwidda
      • Is-Dhaafsiga Fikradaha
      • Dhexdhexaadinta

6. La dhaqanka dadka

La dhaqanka dadka dhexdooda waxay dhamaantood ku saabsiisan yihiin sida wanaagsan ee aad ula falgasho dadka, oo aad u yeelato aragti wanaagsan.

Waa kuwan qaar ka mid ah xirfadaha la xiriira La dhaqanka dadka

      • Naxariista
      • Kaftanka
      • Dulqaadashada
      • Diblomaasiyadda

7. Anshaxa shaqada

Anshaxa shaqadu waxa uu ku saabsiisan tahay qiimaynta shaqada iyo samaynta dadaalo, si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah. Waa xirfad jilicsan oo loo-shaqeeyayaashu ay ku qadarin doonaan macno ahaan shaqo kasta oo aad codsan doonto.

Waa kuwan qaar ka mid ah xirfadaha la xiriira Anshaxa shaqada

      • Masuuliyadda
      • Akhlaaqadda
      • Joogtaynta

Sii Daalaco: 10 Xirfadood Oo Ay Tahay Muhiim Inaad Barato Si Aad Ula Jaanqaado Mustaqbalka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *