Su’aalo Si Guud Ugu Saabsan Ganacsiyada Yaryar Iyo Sida Loo Bilaabi Karo

  • December 20, 2023
  • Comment 0

Su’aalo Si Guud Ugu Saabsan Ganacsiyada Yaryar Iyo Sida Loo Bilaabi Karo

Bilaabidda ganacsi yar oo guul leh ayaa ah mid ka mid ah fursadaha ugu wanaagsan ee dhalin karta il dakhli labaad, oo muddo kadibna noqon kara mid sugan.

Waxayna soo uruurunay su’aalaha ugu caansan ee laga yidhi bilaabidda ganacsi yar oo guul leh, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Maxay Yihiin Ganacsiyada Yaryar?

Ganacsiyada yaryar waa fursado ganacsi oo ku salaysan fikrad ah in ganacsiga lagu bilaabo raasamaal kooban iyo dadaal shakhsi ahaaneed.

Ganacsiyadaas oo noqon kara waaxyo kala duwan, sida ganacsiga e-commerce, bixinta adeegyo madaxa banaan, ganacsiyada wax soo saarka yar yar, iyo ganacsiyada dhaqameedka ah.

Sideen Ku Bilaabaa Ganacsi Faa’iido Leh Anigoo Gurigayga Jooga?

  • Ka bilow raadinta fikrad ganacsi oo ku habboon xirfadahaaga iyo danahaaga.
  • Diyaari qorshe ganacsi oo qeexaya yoolalka ganacsigaaga, iyo kharashyada la filayo in uu ku baxo.
  • Go’aami kharashaadka lagama maarmaanka ah iyo raasumaalka aad u baahan doonto, si aad u bilawdo.
  • Hirgali ganacsigaaga, oo bilaw
  • Macaamiishaada u soo bandhig adeegyo ama badeecado tayo sare leh, isla markaana soo jiidasho leh.
  • Adeegso hababka suuqgeyneed ee casriga ah, sida suuqeynta dijitalka ah, si aad u hormariso ganacsigaaga.

Sidee Baan Lacag Yar Ugu Bilaabaa Mashruuc Ganacsi?

  • Ka bilow inaad baadho ood ka fikirto, fikrado ganacsi oo lagu hirgalin karo raasamaal yar, sida bixinta adeegyada madax-bannaan (sida website samaynta, naqshadaynta, iwm).
  • Dooro goob aad ku bilaabi karto qiimaha ugu hooseeya, taasoo kuu ogolaanaya inaad si degdeg ah faa’iido uga hesho.
  • Kharashsaadka aad ku bilaabayso mashruucaaga yaree, adigoo adeegsanaya agabyada aad u baahan tahay ee bilaashka ah.
  • Mashruucaaga ka dhex shaqee, adigoo gurigaaga jooga, goobtaada shaqo jooga, iyo xitaa goobo kale, isku day inaad wakhti kasta oo aad firaaqo hesho aad ka shaqayso mashruucaaga.
  • Si tartib tartiib ah u hormari mashruucaaga, kana dhig mid iskii isu taagan.

Waa Maxay Ganacsiga Ugu Guusha Badan Ee Uu Qof Kasta Bilaabi Karo?

Ma jiro hal ganacsi oo lagu tilmaami karo kan ugu guusha badan, maadaama ganacsi kastaa uu u baahan yahay arrimo u gaar ah isaga, oo ay ka mid yihiin goobta, suuqa bartilmaameedka, iyo xirfadaha shaqsiyeed. Hasa yeeshee waxaa jira ganacsiyo muddo gaar ah suuqa hasyta, oo noqda kan ugu guulaha badan, marka loo barbardhigo ganacsiyada kale, sida wakhti xaadirka uu ganacsiga e-commerce-ga ah uu ugu guulaha badan yahay, marka loo eego ganacsiyada kale.

Maxay Yihiin Agabyada Aan Iibin Karo Anigoo Gurigayga Jooga?

Waxaad iibin kartaa agabyo iyo waxyaalo badan adigoo gurigaaaga jooga, oo ay ka mid yihiin waxyaabaha gacanta lagu sameeyo, dharka, cuntada guriga lagu sameeyo, agabyada celiska ah ee la isticmaalay, buugaagta, agabyada elektarooniga ah, dahabka gacanta lagu sameeyo, farshaxanka, iwm.

Sideen Wax U Iibiyaa Aingoo Gurigayga Jooga?

Haddii aad rabto inaad iibiso alaab ama badeecad la taaban karo (physical) ama aan la taaban karinba (non physical/digital) adigoo gurigaaga jooga, waxaad isticmaali kartaa goobaha wax lagu iibiyo ee internetka sida Amazon FBA, eBay iyo Etsy.

Badeecadaha la taaban karo waxaa ka mid ah (dharka, weelka ama maacuunka, moobilada, tv-yada, iwm), sidoo kale badeecadaha aan la taaban karin waxaa iyadna ka mid ah (boogaagta elektarooniga ah, koorsooyinka, filimada, dukminitiyada, iwm).

Se Haddii aad rabto inaad iibiso adeeg, sida (website samayn, naqshadaynta, programming-ka, video edit-ka iwm), waxaad iska diiwaan galin kartaa goobaha lagu baahiyo xirfadlayaasha iskood u shaqaysta, sida fiverr.com, upwork.com, iyo freelancer.com, ama aad adigu iskaa isu suuqgeyn kartaa, aidgoo samaysanaya bara bulsheed oo kuu gaar ah, ama samaysanata website portfolio ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *