Suuqa Forex Trading

 

Forex waa Suuq wax badan Caalamka kasoo jiray laakin wayahaan ama sanadadii dambe
Soomaalida dhexdeeda aad ugu faafay kadib markii Dhalinyaro Qurba-joog u badan soo barteen
Cilmigaan ka dibna lasii wadaageen Bulshada inteeda kale siiba Dhalinta Shaqo la aantu
hareereysay,
inkastoo qaabka Soomaalidu u fahamtay ka duwan yahay sida Dunida kale Xirfadaan ka
aaminsan yihiin waxaana u sabab noqday in Dad Ganacsato ah bulshada ku wargaliyeen in loo
maalgalin doono Dhaqaalaha ey heystaan sidaana Faa’iido ku helayaan kadib qasaaro baaxad
weyn oo Millios Dollar ah markeey dheceenama qasaareen Brokerska baa dadku baraarugeen
ayadoo laga aaminay meel la isku baarto arinku se sidaa maaha.

Fahamka Forex

Erayga Forex wuxuu iska saaran yahay laba eray oo Afka Qalaad ah waana Foreign Exchange
macnaha wuxuu noqonayaa isku badalka ama isku sarifka Lacagaha Qalaad ama Dowlado kala
duwan lacagta warqada ah eey isticmaalan
Inta badan Lacagaha ugu caansan Suuqaan Forex Tading waa kuwaan
1. Lacagta Euro (EUR).
2. Lacagta Dollar ka (USD).
3. Lacagta Japan (JPY).
4. Lacagta Pound Sterling ka (GBP).
5. Lacagta Franc (CHF).
6. Lacagta Australian Dollar ka (AUD).
7. Lacagta Canadian Dollar ka (CAD).
8. Lacagta New Zealand Dollar (NZD).

Lacagta dhex marta Suuqaa

Waxaa la qiyaasa ama ey tahayba sida Dhaqaal yahanada sheegaan in maalinkii la is dhaafsado
wax ka badan 5Trillion(5,000,000,000,000,)
Waana Suuqa maaliyadeed ee Caalamka ugu balaaran waana market soo jiray oo aan dhowaan
gal ahayn marka Fahamka Soomaalida loo eego sida caadiga ah Sarifka suuqyada waxaad ku

aragtaa isku badal Shiling Somali iyo Dollar USD waa asagii oo Lacago badan ah laakiin mareegta
Onlineka ka dhex dhacaya farqigu waa intaa uun.

Dahabka iyo Kheyraadka

kaleKaliya Lacagta ma dhex gooshto Suuqa Forex ee waxaa jira Waxyaabaha kale ee Suuqa dunida
macnaha kuleh in looga dhex Ganacsado sida Dahabka Wax soo saarka Gaska iyo shidaalka
intaba mar walba oo suuqa dinidu isbadal ku yimaad waxaa sidoo kale waxyaalo ku yeelataa
Forex sida Dagaalada Doorashooyinka iyo Xasaradaha Caalamka intiisa kale. Suuqa Forex Trading
Tusaalaha ugu fiican waa Doorashadii Mareykanka iyo Dagaalka hada ka socda Ukraine una
dhexeeya wadankaa iyo Russia sidoo kale isbadalada ku yimaada Bariga dhexe maadaba Wadamada Khaliijka soo saaraan Kheyraad badan oo dabiici ah si maalinle ah.

Gunnaanad

Mowduucaan uguma aanan hadlin Diintu mexeey ka qabtaa iyo sida Fadwada Culumadu tahay
kaliya arinkaa Dad qaas ahbey quseysaa laakiin fahamka guud ee qofka ka qaadan karo Forex
baan halkaan kusoo koobnay sidoo kale qaabka saxda ah ee loosii baaro Suuqa waxaad ka baari
kartaa Muuqaalada iyo maqaalada waaweyn ee Aqoon yahanka ku xeel dheeraday ka qoreen
adigoo macluumo badan heli dooona insha alah.

 

 

 

8 Comments

  1. Wll waxaan ubahnaa course labadaba markaa zp markii hore albaab ay adkeyd inaan furo ayaad igu soo riixday inaan furo uunbaa ii hadhay zp marka waxaan isku heystay labada kee hor iibsadaa markaa labadaba waan iibsanayaa ee kan aad ledahay wuu fcn yhy ilasoo wadaag.

      1. Macmiil kusoo dhowow Shirkada Gelle Digital Services.

        Adeegyada aan bixino waxey kala yihiin

        1. Online Courses
        👉 E-Commerce & Digital Marketing
        👉 Somali Alibaba Online Course
        👉 Blogging ( Google Adsense)

        2. Branding Services
        👉 Website Design
        👉 Logo Design

        3 . Consultants ( Zoom Sessions )
        La talin bilaabida Ganacsi Online iyo in aan Kula dhisno ganacsi guulaysta .

        More info booqo Website kena Gellebashir.com Ama WhatsApp kan +252 905582875

      1. Macmiil kusoo dhowow Shirkada Gelle Digital Services.

        Adeegyada aan bixino waxey kala yihiin

        1. Online Courses
        👉 E-Commerce & Digital Marketing
        👉 Somali Alibaba Online Course
        👉 Blogging ( Google Adsense)

        2. Branding Services
        👉 Website Design
        👉 Logo Design

        3 . Consultants ( Zoom Sessions )
        La talin bilaabida Ganacsi Online iyo in aan Kula dhisno ganacsi guulaysta .

        More info booqo Website kena Gellebashir.com Ama WhatsApp kan +252 905582875

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *