3 shaqo oo looga baahan yahay suuqa shaqada 2023

3 shaqo oo looga baahan yahay suuqa shaqada 2023
  • February 16, 2023
  • Comment 4

3 shaqo oo looga baahan yahay suuqa shaqada 2023

3 shaqo oo looga baahan yahay suuqa shaqada 2023

Shirkadaha tignoolajiyada ayaa dhawaanahan shaqo joojin ballaaran sameeyay, iyadoo xogtu ay muujinayso in 352 shirkadood oo tignoolajiyadeed ay eryeen in ka badan 100,000 oo shaqaale sanadkan oo kaliya, sida uu sheegay layoffs.fyi, oo ah shabakad la socota xogta shaqo joojinta. Mowjadda shaqo joojinta ayaa wali socda, gaar ahaan shirkadaha tignoolajiyada.

Sida ay tidhi Margaret Leilani, Madaxweyne ku xigeenka Upwork: “Waxaan marqaati ka nahay isbeddel aasaasi ah oo ku yimid fikradda shaqada, iyadoo xirfadlayaasha xirfadda leh ay dib uga fakarayaan waxa ay ka rabaan xirfadahooda, oo ay u jiidayaan dabacsanaan, madax-bannaani iyo faa’iidooyinka nafta- shaqada.”

Isla mar ahaantaana, xaaladaha dhaqaale ee aan la hubin ayaa ku riixaya shirkadaha inay sahamiyaan xalal cusub si ay ugu sii jiraan tartanka.

Sidaa darteed haddii aad leedahay xirfad oo aad raadinayso fursad shaqo oo cusub, halkan waxaa ah shaqooyin looga baahan yahay suuqa shaqada 2023, sida uu qabo Upwork:

  1. Full Stack Web Developer (Website Sameeyaha Buuxa)

3 shaqo oo looga baahan yahay suuqa shaqada 2023

Shaqadani waxay ka kooban tahay laba shaqo, oo kala ah, Front-End developer: waa ka shaqaynta wajahaadda hore ee website-ka, kuwas oo ay arkayaan isticmaalayaashu lana falgalaan, tan labaad, Back-end developer: waa ka shaqaynta qaybta danbe ee website-ka, kaas oo mas’uul ka ah shaqada guud ee ka dhexdhacaysa website-ka.

Mushaharka: Website Sameeyaha Buuxa wuxuu gaaraa ilaa $135 saacadii.

Sii Daalaco: 3 Shaqo Oo La Waayi Doono, ChatGPT Darteed

  1. Mobile App Developer

3 shaqo oo looga baahan yahay suuqa shaqada 2023

Waa shaqo ay qabtaan dadka ku takhasusay samaynta Applications-nada casriga ah ee mobilada ama tablets-yada, waxayna Qaarkood ku takhasuseen Application-nada Android ama iOS, sidoo kale waxay hagaajiyaan wixii khalad ah ee ka muuqda Application-ka, waxayna la shaqeeyaan naqshadeeyayaasha iyo saynisyahannada xogta si ay u dhisaan Application buuxa. Waxayna isticmaashaa luuqadaha programining-ka sida Objective-C & Swift, Java, Python, Scala, C++, C #, Kotlin, Ruby, iyo R.

Mushaharka: Mobile App Developer wuxuu gaaraa ilaa $100 saacadii.

Sii Daalaco: Waa Maxay Shaqooyinka Loogu Baahi Badan Yahay Internet-Ka

  1. Web Designer (Website Naqshadeeyaha)

3 shaqo oo looga baahan yahay suuqa shaqada 2023

Website Naqshadeeyaha ayaa naqshadeeya muuqaalka website-ka ee aan aragno marka aan isticmaalno, wuxuu sameeyaa sawirada iyo menu-yada aan aragno.

Wuxuuna badanka naqshadihiisa u adeegsadaa aaladahan: WordPress, Adobe Dreamweaver, InVision Studio, Adobe Photoshop, iyo luqadaha programining-ka sida: HTML iyo JavaScript.

Mushaharka: Website Naqshadeeyaha wuxuu gaaraa ilaa $125 saacadii.

Sii Daalaco: Shaqayso Adigoo Gurigaaga Jooga (6 Shaqo)

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *