Waa Maxay Faraqa U Dhexeeya Suuqgeyninta Iyo Iibinta?

Waa Maxay Faraqa U Dhexeeya Suuqgeyninta Iyo Iibinta?
  • December 8, 2022
  • Comment 1

Waa Maxay Faraqa U Dhexeeya Suuqgeyninta Iyo Iibinta?

Waa Maxay Faraqa U Dhexeeya Suuqgeyninta Iyo Iibinta?

Qaar badan ay u arkaan suuqgeyntu inay la mid tahay iibinta, xayaysiinta, ama xayaysiinta ganacsiga, Waxaana jira erayo badan oo dhanka suuq-geynta iyo iibinta ah, Qaarkood aad bay isku shabahaan, oo maraka qaar waxaa dhacda in ay keenaya jahawareer xagga fahamka iyo adeegsiga erey kasta.

Maqaalkan, waxaan ka hadli doonaa -eebe idamkii- farqiga u dhexeeya suuqgeynta iyo iibinta? iyo xiriirka ay la leeyihiin midba midka kale.

Qeexidda Iibka Iyo Suuqgeynta

Qeexidda iibka

Iibku waa kala wareejinta lahaanshaha badeecada qof ilaa qof kale, iyadoo iibiyaha la siinayo qiimo u dhiganta waxa la kala wareejinayo.

Si habka iibku ugu dhaco si hufan loogana dhaadhiciyo macaamilka badeecada, iibiyuhu waa inuu si fiican u yaqaan qodobbadan aasaasiga ah, kuwaas oo ah:

      • Aqoonta dhammaan sharciyada shirkadda ee xukuma habka iibka.
      • Inaad noqoto mid ku fiican ka jawaabista su’aalaha macmiilka.
      • In habka adeegga macaamiisha iibka ka hor iyo iibka ka dib ay siman yihiin.
      • In aad ula hadasho macaamiisha si hufan, asluub ​​leh sababtoo ah ugu dambeyntii waxaad matashaa shirkadda waxaana lagu tiriyaa inaad horudhac u tahay.

Qeexidda suuqgeynta

Habka suuqgeyntu waa dariiq u gogol xaaraysa in badeecada la iibiyo, suuqana la geliyo iyadoo la ogaanayo rabitaanka macaamiisha.

Shirkad kasta oo suuqgeyneed oo rabta in ay guulaysato oo kordhiso habka faa’iidada waa in ay samaysaa qorshe suuqgeyneed si ay u ogaato waxa uu suuqu u baahan yahay, kana shaqeeyaan sidii ay u horumarin lahaayeen si ay u helaan keli-talis dhammaystiran.

Sii Daalaco: Waa Maxay Marketing? Iyo Qaybihiisa Kala Duwan

Waxaa jira dhowr waxyaalood oo ay tahay in shirkad kastaa ogaato si qorshaha suuqgeyntu u dhammaystirmo, kuwaas oo kala ah.

      • Alaabta Haddii ay tahay badeecad, adeeg ama fikrad.
      • Go’aami qiimaha ku habboon ee alaabta noocyadeeda kala duwan.
      • Kor u qaadida alaabta oo leh dhammaan walxihiisa, oo ay ku jiraan xayaysiinta badeecada iyo iibka kicinta.

Faraqa U Dhexeeya Suuqgeyninta Iyo Iibinta?

      • Xidhiidhka iibku wuxuu ku xidhan yahay laba shaqsi, iibiyaha iyo ka faa’iidaystaha oo keliya, halka xidhiidhka suuq-geyntu uu la leeyahay dhawr qof iyo meelo ay u socdaan.
      • Mabda’a iibku wuxuu ku xiran yahay in diirada la saaro hal shay oo kaliya taas oo ah in la hubiyo in wax kasta oo la soo saaro la iibiyo.
      • Suuqgeyntu waxay khusaysaa hubinta in tayada iyo nooca alaabtu ay waafaqsan yihiin baahiyaha isticmaalaha iyo heerarka uu filayo.
      • Suuqgeyntu waa mabda’ aan ku dhammaanayn wax-iibsi iyo gadasho oo kaliya, sidaa darteed waxay qaadataa waqti badan, si ka duwan iibka.
      • Mabda’a iibku wuxuu eegayaa qiimaha lacageed ee iibsashada iyo iibinta kaliya.
      • Halka suuqgeyntu, ay eegayso baahiyaha ka faa’iidaystaha ama macmiilka.
      • Dhaqdhaqaaqa iibka waxaa inta badan lagu sameeyaa qaab dhijitaal ah.
      • Halka suuqgeyntu ay tahay hawl u baahan warbaahino kala duwan.
      • Iibku wuxuu diiradda saaraa baahida shirkadda, halka suuqgeyntu ay diiradda saarto baahida suuqa.
      • Iibka macmiilka waxaa loo arkaa inuu yahay isku xirka ugu dambeeya ee wareegga wax soo saarka iyo iibinta badeecad cusub.
      • Suuqgeynta waxay u aragtaa macmiilka inuu yahay isku xirka ugu horreeya uguna muhiimsan.
      • Iibka mararka qaarkood waxa uu ku wareegsan yahay iibiyuhu in uu ku qanciyo macmiilka si uu u iibsado alaabta, sidaas darteedna waa is dhexgal kooban oo xaddidan.
      • Suuqgeyntu waa is dhex galka ay shirkaddu la leedahay dadka oo dhan si looga dhaadhiciyo tayada badeecada.

Ugu Danbayntii

Shirkadeena ka GELL BASHIR ahaan, waa shirkad hormuud ku ah arrimahan in muddo ah, maadaama aan haysanno khibrad iyo agabyo noo oggolaanaya inaan noqono xalka ugu habboon ee shirkaddaada ama ganacsigaaga, sababtoo ah waxaan si buuxda ula soconnaa waxa ay ku kala duwan yihiin iibinta iyo suuqgeynta, waxaanan sii wadeynaa inaan ku guuleysano bixinta wax kasta oo macaamiisheenu uga baahan yihiin suuqgeynta iyo iibinta.

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: Https://Wa.Link/Zjb442, Ama Telegram Link: Https://T.Me/Gellebashir.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *