Taariikhda YouTube Oo Ka Soo Bilaabatay Beerta Xayawaanka

Taariikhda YouTube Oo Ka Soo Bilaabatay Beerta Xayawaanka
  • February 20, 2023
  • Comment 0

Taariikhda YouTube Oo Ka Soo Bilaabatay Beerta Xayawaanka

Taariikhda YouTube Oo Ka Soo Bilaabatay Beerta Xayawaanka

Shabakad wax badan ka beddeshay is-gaarsiinta adduunka, iyadoo isticmaalayaasheeda u ogolaanaysa in ay isu-weydaarsadaan muuqaallada, waxay heshaa maalin kasta kudhawaad afar bilyan oo daawasho, waxayna gacan ka gaysatay beddelka fikraddaha madax-bannaanida gaar ahaan goobaha warbaahinta. Muuqaalkii ugu horeeyay ee la soo galiyayana waxaa loogu magac daray “Me at the Zoo“.

Sannadkii 2005-tii waxa interneedka lagu soo kordhiyay aalad lagu magacaabo YouTube (Youtupe), YouTube hadda waa degelka labaad ee loogu ganacsiga badan yahay internetka, iyadoo la soo galiyo maalin kasta macluumaad gaadhaya 720,000 saacadood.

YouTube waxaa aasaasay saddex shaqaale oo hore uga shaqeeyeen PayPal, sanadkii 2005tii California, USA, waxaana la kala odhan jiray Chad Hurley, Steve Chen, iyo Jawed Karim. Hurley waxa uu naqshadeynta ka bartay Jaamacadda Indiana ee ku taala Pennsylvania, halka Chen iyo Karim ay Jaamacadda Illinois ka barteen cilmiga kombiyuutarka. Waxayna saddexdoodu damceen inay muuqaal u daabacaan asxaabtooda, balse ma helin aalad ama goob ku habboon daabacaadda muuqaalada, ka dibna waxay ku fikireen inay sameeyaan goob dhibaatadan xalisa, waxana guda galeen naqshadaynta goobtaas, iyagoo ku dhameeyay muddo dhawr bilood ah.

Muuqaal uu soo geliyey Jawed Karim, lana magac baxay “Me at the zoo”, waa muuqaalkii ugu horreeyay ee la soo galiyo , Abriil 23, 2005, wuxuuna soconayaa muddo gaadhaysa 0:19 ilbiriqsi. waxaana si tijaabo ah loo furay bishii Maajo 2005, waxaana si rasmi ah loo furay lix bilood ka dib.

Sii Daalaco: 5 Siyaabood Oo YouTube Lacag Looga Sameeyo

YouTube waxa dadweynaha loo furay bishii Noofambar 2005, asaasayaasheedana waxay ku dhawaaqeen in la soo galiyaya bartooda YouTube in ka badan 65,000 oo muqaal July 2006, iyo in ay maalintiiba hesho 100 milyan oo daawasho, taas oo macnaheedu yahay koror aad u wayn inuu ku yimid YouTube.

YouTube ayaa kaalinta saddexaad kaga jira qiimaynta Alexa, marka laga yimaado Google iyo Facebook.

Bishii Oktoobar 2006, Google ayaa YouTube ku iibsatay $1.65 bilyan. YouTube xarunteedu guud waxay ku taalaa California, USA.

Youtube hadda ma aha goob kaliay laga daawado muuqaalada madadaalada ah ama laga daawado filimada iyo musalsalada, balse waxa ay noqotay ilo wareedyo soo rogtay nooc cusub oo saxafiyad ka mid ah, Haatanna waxaa loo arkaa inay tahay isha ugu muhiimsan ee laga soo xigto wararka.

Sii Daalaco: Talooyin Kaa Caawin Doona Inaad YouTube-Ka Ka Gaadho Guul

Muuqaallada ku saabsan wararka ee aadka loo daawado waxaa ka mid ah kuwa muujinaya masiibooyinka dabiiciga ah ama qalalaasaha siyaasadeed, kuwaas oo inta badan ay ka mid yihiin muuqaalada naxdinta leh.

Sannadkii 2011, dhacdooyinka wararka ayaa ahaa kuwa ugu badan ee laga baadho YouTube, oo ay ku jiraan dhulgariirkii Japan iyo dilkii Usama bin Laden. 39% muuqaalada aadka loo daawado waxaa soo saaray muwaadiniin caadi ah, marka la barbardhigo hay’adaha wararka oo ah 51%.

Sida laga soo xigtay website-ka comScore oo ku takhasusay cilmi-baarista suuqyada, YouTube waa goobta ugu horraysa ee baahisa muuqaalada gudaha Maraykanka, sidoo kale waxay kaalinta saddexaad kaga jirtaa adduunka, sida laga soo xigtay Alexa, marka laga reebo Google iyo Yahoo.

Sii Daalaco: Dakhliga Soo Gala YouTube

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *