Waa Maxay Bitcoin Halving-ku?

  • April 20, 2024
  • Comment 19

Waa Maxay Bitcoin Halving-ku?

Wax ma kala socotaa Bitcoin?, mase la yaabtaa marka uu qiimihiisu kor u kaco, oo uu labo, seddex, amaba xittaa toban jibbaarmo, isla mar ahaantaana uu hadana hoos u dhaco?

Hadii aad su’aashan is weydiisay, waxaa tahay qof gar leh, maxaa yeelay Bitcoin waa lacag dad badan aysan fahamsaneen sida ay u shaqayso.

Waxaa jirta sir weyn ama arin uu daah weyn saaran yahay, taasoo ah (Kala-badhidda Bitcoin – تنصيف بيتكوين – Bitcoin Halving), haddaba muxuu yahay Bitcoin Halving-ku?.

Waa Maxay Bitcoin Halving-ku?

Si guud, “Bitcoin Halving” wuxuu door weyn ka ciyaaraa hoos u dhaca iyo kor u kaca dhaqdhaqaaqa lacagta bitcoin.

Kala-badhidda Bitcoin – تنصيف بيتكوين – Bitcoin Halving: waa dhacdo dhacda afartii sanaba mar, si loo dhimo abaal-marinnada ay helaan kuwa “bitcoin qodayaasha ah”.

Wali ma fahmin sow mahan?

Si aan si fiican ugu fahamno “Bitcoin Halving-ku” wuxuu yahay, ugu horreyn waa inaynu fahamnaa cidda ay yihiin bitcoin qodayaasha, oo loo yaqaan “Bitcoin Miners”.

Waa Maxay Bitcoin Miners?

Si loo helo bitcoin, waa in la xalliyaa xujooyin iyo hal-xidhaalayaal xisaabaysan, inta lagu guda jirana xallinta xujooyinkan laba arrimood ayaa dhacaya:

  • In lacag cusub la curiyo
  • In la diiwaan galiyo, lana hubiyo, misna la caddeeyo runimada transaction-nada dhacaya

“Bitcoin Miners” ama bitcoin qodayaasha, si guud waa qolada qabata shaqadan, iyagoo xalliya xujooyinkan ku dhisan xisaabaadka, sidaana ay abaal-marin ahaan u helaan Bitcoin.

Haddaba, Bitcoin Halving-ku waa kala-badhidda abaal-marinta ay helilaan bitcoin qodayaasha markii ay xaliyaan xujooyinka hor yaala, afartii sanaba mar.

Hadda ma fahantay sababta uu bitcoin qiimihiisu si waali ah kor ugu kaco, afartii sanaba mar?

Kala-badhiddaan ayaa afartii sanaba mar dhacda, wakhti xaadirkan ee aad akhrinayso qormadan waxaa dhacday markeedii 5-aad.

Heerka uu soo kala maray “Bitcoin Halving-ku”:

  • Markii bitcoin la aasaasay ka dib, abaalmarinta ay heli jireen bitcoin qodayaasha markii ay xaliyaan xujada ka dib waxay ahayd “50 Bitcoin
  • Sanadkii 2012, waxay noqotay “25 Bitcoin”, taasoo micnaheedu tahay in abaal-marintii ay hoos u dhacday 50%
  • Sanadkii 2016, waxay noqotay “12.5 Bitcoin
  • Sanadkii 2020, waxay noqotay “6.25 Bitcoin
  • Haatan oo ah sanadkii 2024, wuxuu noqday “3.125 Bitcoin

FG: Hadii aanad hasysan Koonto/Account Binance ah, hadda halkan ka samayso, oo durba maalgasho:  Binance Account

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Ecommerce & Marketing Course
  • Blogging Google AdSense Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Somali Alibaba Online Course


WhatsApp-Keena

19 Comments

  1. Ustaad exchange-yadu la maalgashado way fara badan yihiin, xittaa qaar waxaa jira aan ID ama bassabord u baahnayn, mala isticmaali karaa? Ama waa risk?
    Jawaab wcn ustaad Thnks.

  2. Ustaadi bal kwrn hadda bitcoin halving way dhamaatay marka crypto dhaqaaqii bilahan dambe sameynaysay coins ka sida sol iwm hadda ma dhaqaaqayaan miyaaa oo sidii looguma macaashayo aniga hadda ayaan training course baran rapaa sooma kama macaashato asbuucle io maalinle hadda experts ku noqdo

  3. Asc abowe aad iyo aad ayaad umahadsantahay, runtii wax badan ayaad ifaideysey jazakalahu qeyr, aniga waxaan ahay hoyo somaliyeed,

  4. Mahadsanid si quruxbadan, oo cidkasta fahmikarta ayad uso qulasesay. Mudane “bitcoin Halving” waxa ad ka samesay qorma muhim aha, una bahan Somalida baryahan ku cusub suqa cryptocurrency.

  5. OSMAAN aden abdulle

    Ustaad codsi waye halmar muqal noga zoo samey
    Tusaale waxan iibsaday xooga bitcoin ah amaba 🪙 coinan kale
    Xagee ka arki karaa coins balance geyga
    Taa noga samey video ado mahadsan mcnlin

  6. Salaam calaykum ustaad germr Bashir sifiican baad noogu faahfaahissay bitcoin halving that’s enough
    Lkn wxaanu doonayaa 2 course
    Trading course iyo investment courses cryptocurren inaad noo soo sameesid insha’Allah

  7. Crypto aaan fahanahay wa invevtment
    Waxaad kaso hadashaa stock maeketing ka iyo shirkadaha kuu maalgishan adiga ahan waxaan rabay inaa maalgishto sxb jawbta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *