Waa Maxay Faraqa U Dhexeeya Ganacsiga Elektaroonigga Ah Iyo Ganacsiga Dhaqameedka Ah?

Waa Maxay Faraqa U Dhexeeya Ganacsiga Elektaroonigga Ah Iyo Ganacsiga Dhaqameedka Ah?

Shaki kuma jiro in ganacsigu uu haatan yahay laf-dhabarta dhaqaale kasta oo adduunka ka jira maanta, maadaama uu ku tiirsan yahay mabda’a aasaasiga ah ee shaqada, kaas oo ah is-weydaarsiga badeecadaha, adeegyada iyo lacagta si loo helo faa’iidada ugu badan ee suurtogalka ah, sidoo kale ganacsigu wuxuu kor u qaadaa tartanka iyo dhiirigelinta hal-abuurnimada, ka sokow inuu fursado shaqo oo kala duwan abuuro.

Horumarkan tignoolajiyadeed ee xawliga ku socda awgeed, wuxuu keenay inaanuu ganacsigu ku koobnaan aag ama meel gaar ah, hasa yeeshee uu badankiisa ku tiirsanaado internet-ka, kaasoo loo yaqaan ganacsiga e-commece-ga ah, ama ganacsiga elektaroonigga ah.

Maqaalkan, waxaynu isla eegi doonaa  -eebe idamkii0-  farqiga aasaasiga ah ee u dhexeeya ganacsiga e-commerce-ga ah iyo ganacsiga dhaqameedka ah, inagoo ka eegayna dhowr dhan.

Miisaaniyadda

Ganacsiga E-commerce ahi wuxuu ku soocan yahay, inaanuu bilawga hore u baahanin kharashaad badan si loo bilaabo ganacsigan, si ka duwan ganacsiga dhaqameedka ah, kaas oo ay tahay in aad marka hore gasho kharashaad badan si aad u bilawdo ganacsigan, sida kiraynta goob, shaqaalaysiinta cid, iwm.

Is-Ballaadhinta

Go’aanka ah inaad ballaadhiso ganacsigaaga iyo inaad magaalooyin kale ka furto laamo kale, waxay ganacsiga dhaqameedka ah uga baahan tahay daraasad weyn iyo inuu qofku waajaho khataro waa-weyn, taasooy waliba u dheer tahay inuu ganacsigu u baahan yahay in la bixiyo kharashaad badan.

Taa ka soo horjeedkeeda, ganacsiga e-commerce-ga ahi uma baahanaysid dhammaan waxyaalahan aynu xusnay oo idil, hadii aad rabto inaad ballaadhiso ganacsigaaga.

Yeelashada ganacsi e-commerce ah waxay kuu ogolaanaysaa inaad si fudud u gaadho meel kasta oo adduunka ka mid ah, sidoo kalena aad is fufud macaamiishaada uga iibiso alaabtaada/adeegyadaada.

Wax-Iibsiga

Ganacsiga e-commerce uma baahna qofka inuu gurigiisa ka baxo, si uu u soo iibsado waxa uu rabo, isagoo si dhib yar leh u iibsan kara waxa uu rabo, kuna iibsan kara daqiiqado gudahood, taasoo lid ku ah ganacsiyada dhaqameedka ah, oo uu qofku ku khasban yahay inuu gurigiisa ka baxo si uu u soo iibsado waxa uu rabo.

Amaanka

Shaki kuma jiro in badqabka iyo khiyaamo la’aanta ay ka mid tahay faa’iidooyinka uu aadka caanka ugu yahay ganacsiga dhaqameedka ah, si ka duwan ganacsiga e-commerce ah, kaasooy aad ugu badan yihiin wax isdaba marinta, iyo tuuganimada, sababtoo ah ma jirto meel la taaban karo oo cad oo dhamaystiraysa hawlaha wax iibsiga iyo iibinta.

In kastoo taasi jirto, hadana horumarka tignoolajiyada aad ayuu u xoogaysanayaa, iyadoo la hormarinayo lana helayo xalal wax ku ool ah oo ka dhan ah lacag-bixinaha elektarooniga ah.

Sii Daalaco: Faa’iidooyinka Uu Leeyahay Website-Ku

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *