Waa Maxay Plugins-Yada Ugu Fiican Ee Qabta Shaqada SEO

Waa Maxay Plugins-Yada Ugu Fiican Ee Qabta Shaqada SEO
  • December 28, 2022
  • Comment 2

Waa Maxay Plugins-Yada Ugu Fiican Ee Qabta Shaqada SEO

Waa Maxay Plugins-Yada Ugu Fiican Ee Qabta Shaqada SEO

Dad badan ayaa iswaydiiya Plugins-yada ugu muhiimsan uguna fiican ee qabta shaqada SEO-yada, sababtuna waa in Search engine-da ay yihiin isha ugu weyn ee booqdayaasha. Sidaa darteed, qaar badan oo ka mid ah milkiilayaasha website-yada iyo blog-yada waxay maalgashadaan habka horumarinta search engine-da ee SEO, si ay darajo sare uga helaan natiijooyinka raadinta, oo sidaas awgeed ku kordhiyaan booqashooyinka dabiiciga ah ee goobahooda.

Maqaalkan, waxaan ku muujin doonaa Plugins-yada ugu muhiimsan ee qabta shaqada SEO ee loo adeegsado website-yada WordPress, iyo mid kastaa waxa uu ku fiican yahay, iyo goortii lagu tiirsanan karo, iyo mida ku habboon ganacsigaaga ama mashaariicdaada.

Hordhaca Plugins-Yada SEO Ee Website-Yada WordPress

Waxaa jira ilo badan oo bixiya talooyin ku aadan SEO, waxaadna la kulmi kartaa plugins-yo badan ku saabsiisan SEO. Tani waxay jahawareer ku noqon kartaa iyo milkiilayaasha website-yada ama blog-yada, gaar ahaan haddii ay yihiin kuwa bilaw ah.

Waxaa xusid mudan inaadan u baahnayn plugins-yo badan oo SEO ah, si aad u gaarto yoolalkaaga ah inaad natiijooyinka raadinta aad kaalin fiican ka gasho.

Markaad fahamto doorka mid kasta oo ka mid ah plugins-yada SEO ee website-yada WordPress ee aan hadda ka hadli doono, waxaad awoodi doontaa inaad sameyso doorasho sax ah oo ku aadan plugins-ka kuu fiican ama u fiican goobtaada.

Waxaan xusi doonaa 3 ka mid ah plugins-yada ugu fiican uguna muhiimsan ee qabta shaqada SEO, kuwaasoo kala ah:

1- Yoast SEO

Yoast SEO waa plugin WordPress oo bilaash ah (lehna qayb lacageed) kaas oo bixiya fursado badan, oo lagu wanaajiyo website-yada sidoo kalena kor u qaada darajada helitaanka raadinta.

Iyada oo la adeegsanayo plugin-ka Yoast, waxaad awoodi doontaa inaad curiso ereyada muhiimka ah ee xoogga leh ee lagu beegsanayo nuxurka boggaaga ama blog-kaaga, halka qalabku (plugin-ku) uu ku soo bandhigi doono tiro doorasho oo wax ku ool ah, waxaad sidoo kale awoodi doontaa inaad beegsato ereyga muhiimka ah ee cinwaannada, sharaxaadda meta, URL, iyo sawirada.

Waxa plugin-kan u gaarka ah waa inuu soo bandhigo habab badan oo lagama maarmaan u ah wanaajinta nuxurka iyo gudaha SEO ee goobta. Markaad wanaajiso goobtaada, qalabku (plugin-ku) wuxuu ku tusayaa horumarka aad samaysay iyo in nuxurka la wanaajiyay oo uu diyaar u yahay in la daabaco, sidaas darteedna waxaa kordhaya fursadahaaga ah inaad ka soo muuqato search engine-da.

Isticmaalka ugu habboon: Guud ahaan waxay ku habboon tahay inta badan bogagga WordPress, iyo dhammaan isticmaalayaasha, gaar ahaan kuwa aan ku takhasusay SEO.

Sii Daalco:  Waa Maxay Faa’idooyinka Ay Leedahay SEO?

2- All In One SEO

All In One plugin SEO waa doorasho caan ah oo dadka badanka WordPress isticmaala ay door bidaan. Maadaama plugin-kan uu yahay kan ugu fiican ee qabta shaqada SEO gudana (On-Page SEO) plugin-kan wuxuu bixiyaa fursado badan oo wax-ku-ool ah, sida falanqaynta boggaga WordPress iyo ogaanshaha khaladaadka, iyo bixinta talooyin ku aadan SEO-ga, sida plugin kii hore oo kale.

Plugin-kan waxa kale oo uu kuu ogolaanayaa in aad samayso SiteMap oo loo diro search enigine kala duwan, taas oo markaa kordhinaysa joogitaanka boggaaga ama blogka internet-ka.

Isticmaalka ugu habboon: Qalabku wuxuu ku habboon yahay goobaha ganacsiga ee daneynaya kordhinta iibka iyo dakhliga goobta.

3- Rank Math

Plugin-kani waxa uu ku habboon yahay qorista maqaallada iyo boggaga WordPress, maadaama uu bixinayo aragti guud oo ku saabsiisan sida nuxurkaagu uu u gaarka yahay. Iyada oo la adeegsanayo Plugin-kan, waxaad awoodi doontaa inaad sameyso wanaajin weyn oo loogu talagalay cinwaannada iyo sharraxaadaha meta markaad qorayso waxyaabo cusub.

Waxaa xusid mudan in Plugin-kan uu bixiyo sifooyin badan oo dheeri ah, sida maaraynta dhibaatooyinka WordPress sida isku xirka khaldan, la socodka khaladaadka 404, iyo astaamo badan oo SEO ah oo loogu talagalay dukaamada WooCommerce-ah.

Isticmaalka ugu habboon: Waxay ku habboon tahay kuwa wax soo saara (Content creator) iyo khabiirada SEO, maaddaama ay ururiyaan dhammaan xogta ay u baahan yihiin.

Website-Kaagu Ama Blog-Kaagu Ma U Baahan Yahay Wanaajita SEO?

Qaar ka mid ah milkiilayaasha website-yada, gaar ahaan kuwa leh ganacsiyada, sida bixinta adeegyada ama alaabada internetka, waxay ka cawdaan SEO-ga liita ee website-kooda.

Waxaa jira laba xal oo aad dhibaatadan kaga bixi karto,

1. in la barto SEO-ga, taas oo qaadan doonta waqti iyo dadaal.

2. in la raadsado caawimaad, sida khabiir ku takhasusay wanaajinta search engine-da iyada oo loo marayo shirkadeena GELLE BASHIR.

Ka GELLE BASHIR ahaan, waxaan samayn doonaa dhammaan hababka xirfadeed ee lagu horumarinayo boggaaga, si uu najiito fiican uga yeesho Search Engine-da, waxaadna awood u yeelan doontaa inaad ka adkaato tartamayaashaada oo ay goobtaadu gaarto meesha ugu sareysa ee Search Engine-da, taas oo xaqiijin doonta yoolkaaga ganacsi ah.

2 Comments

  1. Ustaad kwrn hadaan dhamaan seo pluginskaan kusoo wada dajiyo websitekayga si aan u wada isticmaalo oo mid walba halka uu ku fiican yahay aan uga faaidaysto mise jiraa hal plugin oo iga kaafinaya dhamaan shaqoyinka aan u baadanahay sida qoraalka maqaalka, One page seo iyo helitaanka raadinta mahadsanid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *