Waa Maxay Qaybaha Naqshadeynta Graphic Design-Ka?

Waa Maxay Qaybaha Naqshadeynta Graphic Design-Ka?

Marka aan maqalno ereyga naqshadeynta graphic design-ka dhammaanteenba midba waxbaa ku soo dhaca, mid ay maskaxdiisu ku soo dhacdo naqshadaynta baraha bulshada, kaadhadhka ganacsiga, cover-da buugaagta, poster-da filimada, website-yada, boodhadhka waddooyinka, iwm.

Sababtoo ah naqshadeynta graphic design-ka waa xirfad isgaarsiineed, iyadoo fariimada la rabo in la diro u turjumta muuqaal, waxay noqon kartaa mid jidheed ama mid dhijitaal ah.

Waxaa jira hal shay oo muhiim ah oo ay tahay inaan tilmaamno, taasoo ah in goob kasta oo ka mid ah naqshadeynta graphic design-ka ay u baahan tahay xirfado gaar ah iyo farsamooyin gaar ah.

In kasta oo ay inta badan naqshadeeyayaashu diiradda saaraan aag ama goob gaar ah oo kaliya, hadana waxaa jira naqshadayaal kale oo iyaguna ka shaqeeya goobo kala duwan oo isku dhow.

Mana ah in la barbardhigo qof sanado naqshadaynayay website-yada, qofkaloo isaguna sanado naqshadaynayay muuqaalada, sababtoo ah labadooduba waxay ka shaqeeyaan la goobood oo kala duwan.

Ugu Horreyn: Waa Maxay Naqshadayntu Ama Graphic Design-Ku?

Naqshadayntu ama graphic design-ku waa hanaan hal abuur leh oo ku lug leh isticmaalka walxaha muuqaalka ah, si loo gudbiyo fikrado gaar ah, fariimo gaar ah, amaba macluumaad gaar ah, isla mar ahaantaana loosoo gudbiyo si fudud oo soo jiidasho leh.

Xirfadda naqshadeyntu ama graphic design-ku waa mid ka mid ah xirfadaha hormuudka ah wakhti xaadirkeena, waxaana si weyn looga raadiyaa goobaha freelancing.

Naqshadayntu ama graphic design-ku waa isku xidhaha shirkadda iyo macmiilka, iyadoo fariinta u soo bandhigaysa qaab hal abuurnimo leh oo qurux badan, isla mar ahaantaana wax tar badan leh.

Waa Maxay Qaybaha Naqshadeynta Graphic Design-Ka?

Naqshadaynta graphic design-ku waxa uu leedahay qaybo badan oo muhiim ah, waxaana ugu muhiimsan uguna caansan qaybahan soo socda:

  • Visual Identity
  • Marketing & Advertising
  • Packaging Graphic Design
  • UI/UX Design
  • Illustration
  • Motion Graphic Design
  • Graphic Design For Publication
  • Animation And Motion Graphic Design
  • Environmental

Hadii aad rabtid inaad xirfadaada naqshadaynta ah kobciso, isla mar ahaantaana aad rabto inaad mustaqbalka danbe ku shaqaysato, qaado koorsadeena cusub ee la magac baxday “Graphic Design Course-Master Class“, adigoo ku baran doonaa aasaaska naqshadayta, ilaa aad ka gaadho heer fiican, waxaana wax ku baran doontaa Photoshop-ka.

Hagaag, hadaba si aad u sii xoojiso xogaha aad ka haysato naqshadaynta ama Graphic Design-Ka, waxaan kuu diyaarinay koorso dhamaystiran, taasood kaga bogan doonto –eebe idamkii- xogo, macluumaadyo iyo farsamooyin buuxda oo ku saabsan naqshadaynta ama Graphic Design-Ka, si aad u hesho koorsada nagala soo xidhiidho whatspp lambarkan: +252-90-5582875 ama whatsapp link-gan: https://wa.link/Zjb442.

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Ecommerce & Marketing Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Blogging Google AdSense Course
  • Somali Alibaba Online Course

9 Comments

  1. WALAL BULSHADA SOMALIDA WAX WEYN BAAS UHAYSAA RUNTI,AWALKADHA LAMAGUDHI KARA ,ILAHEY AWALKADHA HAKUDHA WALAL YOU ARE ONE OF THE INSPIRING TO ME AND MANY OTHERS LOOK FORWARD TO LEARN FROM YOU AND TEACH OTHER AS YOU DO USTADH.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *