Waa Maxay Sababta Uu “Threads” Muddo Gaaban Gudaheed Ugu Soo Jiiteen Malaayiin Isticmaaleyaal Ah?

Waa Maxay Sababta Uu “Threads” Muddo Gaaban Gudaheed Ugu Soo Jiiteen Malaayiin Isticmaaleyaal Ah?

Waxa uu Mark Zuckerberg sheegay in soo saaristii app-kan saacado kadib uu gaadhay wax ka badan 30 Milyan oo isticmaale ah.

Mark Zuckerberg, oo ah madaxa fulinta Meta, sidoo kalena leh Facebook, ayaa sheegay in app-ka Threads uu gaadhay ilaa 10 milyan oo isticmaale ah 7-dii saacadood ee ugu horeysay, halka subaxnimadii Khamiista ahayd uu gaadhay wax ka badan 30 milyan oo isticmaale ah.

Waxaa la sheegaa in sababta ugu weyn ee ka danbaysa faafitaanka degdega ah ee “ Threads ” ay tahay ku tiirsanaanta uu ku tiirsan yahay app-kan lagu magacaabo “Instagram“, taas oo sida laga soo xigtay goobta tirakoobka “Statisca” ay sheegtay in instagram-ka ay isticmaalaan wax ka badan 1.4 bilyan oo isticmaalayaal firfircoon ah.

Isticmaalayaasha Threads waxay ka dhigan tahay wax ka yar saddex meelood meel isticmaaleyaasha Twitter, kuwaas oo la rumeysan yahay isticmaalayaasha Twitter inay yihiin 350 milyan.

Threads ayaa lagu soo baahiyaya Store-da Apple iyo Android Arbacadii hore. Hasa yeeshee app-kan wali wakhti xaadirkan uma furna dalalka Yurub, sababtuna waa hubanti la’aanta ku saabsan sharciyada xogta gaarka ah ee EU.

Threads” waa madal bulsheed oo cusub isla mar ahaantaana ku salaysan qoraal, taas oo ay soo saartay shirkadda Meta, wuxuuna app-kan jabiyay rikoodhkii u yaalay “ChatGPT“, isagoo dhowr maalmood gudahood ku gaadhay isticmaalayaal badan.

App-kan ayaa xaqiijiyaya rikoodh aan caadi ahayn, kadib markii uu 5 maalmood gudahood ku xaqiijiyay 100 Milyan oo isticmaale ah, waana app-kii ugu horreeyay ee muddada intaa la’eg ku gaadha tirada intaa la’eg.

“Aynu hadda bilawno, ku soo dhawaada Threads”. ereyadani waxay ahaayeen ereyadii ugu horreeyay ee uu soo qoray Mark Zuckerberg, maamulaha iyo aasaasaha Meta.

Si la mid ah Twitter-ka, barnaamijkan “Threads”  waa barnaamij cusub oo bulsheed, kaasoo diiradda saaraya daabacaadda qoraallada, iyadoo isticmaalayaasha madashan u oggolaanaysa inay soo daabacaan qoraallo gaadhaya  ilaa 500 oo xaraf, muuqaallo gaadhaya ilaa 5 daqiiqo, sawirro, iyo links-yo.

Threads waa app si toos ah ula xifaaltamaya Twitter-ka, ilaa xaddna way isku egyihiin haday noqon lahayd isticmaalka iyo qaab-samaynta lafteedaba.

Qaar badan ayaa sheegay in app-kan uu hawada ka saari doono Twitter-ka, halka qaar kalena ay leeyihiin Twitter-ka waa app aan laga maarmi karin, iyagoo ku andacoonaya in pp-ka Twitter isticmaalayaashiisa uu ilaa xad u ogolyahay xurriyada, Threads iyo guud ahaan apps-yada meta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *