Waa Maxay SEO? Sideese Buu U Shaqeeyaa? Waana Maxay Search Engine-nada Ugu Caansan Adduunka?

  • October 24, 2023
  • Comment 0

Waa Maxay SEO? Sideese Buu U Shaqeeyaa? Waana Maxay Search Engine-nada Ugu Caansan Adduunka?

Internetku waa duni aad u ballaadhan, Waana il muhiim ah oo laga helo macluumaadka iyo xogha, waxayna ku dhowdahay inay noqoto isha kaliya ee laga xigto gebi ahaanba, sababtuna waa sahlanaanta helitaanka macluumaadka iyada oo ay ugu wacan tahay makiinadaha raadinta ama (Search Engine) Ingiriisi ahaan.

Dad badan ah ayaa maalin kasta ku tiirsan Search Engine-da, si ay u helaan macluumaadka ay uga baahan yihiin dhinacyadooda kala duwan, waxaana loo arkaa Search Engine-da in ay yihiin qaar ka mid ah adeegsiyada ama isticmaalka ugu caansan internetka gabi ahaanba.

Waa Maxay SEO?

SEO oo laga soo gaabiyay Search Engine Optimization micnaheedu si guud waa wanaajinta website-ka, si waafaqsan shuruudaha search engine-nada (makiinadaha raadinta) si uu website-ku uga soo muuqdo kaalmaha hore ee natiijooyinka raadinta, ee Google, Bing, Yahoo, Yandex, Baidu iwm.

Waxayna ku xirantahay qodobo ay tahay inuu website-ku yeesho ama uu ku jiro, si uu si fiican uga soo muuqdo kaalmaha hore ee natiijooyinka raadinta.

Google iyadu si buuxda uma shaacin qodobada ay tahay inuu website-ku yeesho, hasa yeeshee hadii aad adeegsato dhowr xeeladood oo SEO ah, waxaad awood u yeelan kartaa inaad kaalmaha hore ee natiijooyinka raadinta ka soo muuqato.

Sidee Buuu Shaqeeyaa SEO-Ga?

Marka aad wax ka raadinayso Google ama search engine-nada kale sida Bing, Yahoo, Yandex, Baidu iwm, algorithms-yada wax raadinta waxay natiijo ahaan kuu siinayaa waxa ay isla wakhti xaadirkaa u arkaan inay tahay natiijada “UGU FIICAN“.

Gaar ahaan, Google-ku wuxuu wax raadintaada ka baadhayaa “boqolaal bilyan” oo bogag ah, si uu u helo, isla mar ahaantaana uu kuu siiyo natiijooyinka ugu wanaagsan ee ku saabsan wax raadintaada.

Tusaale ahaan: haddii aad raadiso weedhan ah “somali e-commerce course” dabcan waxaad filaysaa inaad hesho natiijo ku saabsan raadintaada, Google ama search engine-nada kale sida Bing, Yahoo, Yandex, Baidu iwm, waxay isku dayayaan inay natiijo ahaan kuu soo badhigaan waxa aad sida saxda ah u raadinayso ama si dhow ula xidhiidha raadintaada.

Si kastaba ha ahaatee, weedhan ah “somali e-commerce course” waxaa wakhti xaadirkan jira in ka badan 4,000,000 oo natiijo ah oo ka dhan ah Google, oo ku saabsiisan weedhan.

Waa Maxay Search Engine-nada Ugu Caansan Adduunka?

  1. Google

Google waxa ay bixisaa adeegyo badan oo awood leh sida raadinta sawirada, muuqaalada, buugaagta, iyo wararka oo ay weheliso habab waxtar leh sida habaynta wakhtiga raadinta, taageerada luuqadaha kala duwan.

Google waxa ay isticmaashaa algorithms adag, kuwaas oo siisa isticmaaleyaasheeda macluumaadyada la xidhiidha raadintooda, lana isku halayn karo islamarkaana tayo sare leh, marka loo eego search engine-da kale ee wax laga raadiyo.

Google waa search engine-ka ugu caansan uguna isticmaalka badan adduunka. Waana website-ka ugu booqashada badan adduunka.

  1. Bing

Bing waa mid ka mid ah search engine-da ugu caansan adduunka marka laga reebo Google, oo ay leedahay shirkadda caanka ah ee Microsoft.

Bing ayaa caan ka ah Maraykanka marka loo eego aduunka intiisa kale, iyadoo lagu qiyaaso dadka isticmaala 7%, marka la barbardhigo Google oo ah 87%.

  1. Yahoo

Yahoo waa mid ka mid ah search engine-da ugu caansan adduunka marka laga reebo Google, iyo Bing, wuxuuna bixiyaa adeegyo badan oo kala duwan sida raadinta wararka, muuqaalada, iyo cododka.

Japan ayaa ka mid ah wadamada sida aadka ah u isticmaala Yahoo, iyadoo isticmaalkeedu uu yahay 15%, halka Google-ka laga isticmaalo Japan uu yahay ilaa 75%.

  1. Yandex

Yandex waa search engine laga leeyahay dalka Ruushka, waxaanu caalamka kaga jiraa kaalinta afraad, In kasta oo uu yahay search engine-ka ugu caansan Ruushka, Hadana sidoo kale waxa oo uu leeyahay qaar ka mid ah isticmaaleyaasha waddamada kale sida Turkiga, Belarus, Kazakhstan iyo Uzbekistan.

Heerka isticmaalka Yandex ee dalka Ruushka waa 49%, marka loo barbardhigo Google oo ah 48%.

  1. Baidu

Baidu waa mid ka mid ah search engine-da ugu caansan dalka shiinaha, lagana leeyahay. Waxayna caalamka kaga jirtaa kaalinta shanaad. Waxayna bixisaa adeegyo kala ah: raadinta dukumentiyada, sawirrada, faylasha, muuqaalada iyo bogagga internetka.

Marka loo eego tirakoobyadii ugu dambeeyay, search engine-ka Baidu waxaa isticmaala tiro dhan 75.54% dadka Shiinaha, search engine-da Bing iyo sidoo kale Sogo, ayaa caan ka ah Google marka la joogo gudaha Shiinaha, kaas oo leh 3.5.

Gabgabadii

Haatan waxaynu filaynaa inaad haysato xoogaa macluumaad ah oo ku saabsan SEO, wanaajinta (SEO), waxay ka dhigan tahay korodhka tirada iyo tayada booqdayaasha website-ka, iyada oo loo marayo Search Engine-nada waaweyn sida Google, Bing iyo Yahoo.

Sii Daalaco: Aaladah Lagu Wanaajiyo SEO-ga

Wanaajinta SEO-ga waa mid ka mid ah hababka lagu taliyo marka ay timaaddo kordhinta booqdayaasha. Algorithms-yada cusub ee Google-ka ayaa la horumariya labadii sanaba hal mar, hadafkooda ugu weynina waa inay isticmaalayaasha siiyaan waayo-aragnimo hor leh isla mar ahaantaana faa’iido leh.

Shirkadaha iyo mashaariicda online-ka ah, waxay aad u daneeyaan inay kaalmaha hore kaga jiraan natiijooyinka raadinta Google, waana waxa nagu dhaliyay inaan bixinno adeeg ku magacaaban SEO.

Haddaba, ma wanaajin kartaa natiijooyinka raadintaaada ee ku aadan Google?

Dabcan haa, adigoo u maraya Shirkadeena ka GELLE DIGITAL SERVICES, taasoo si fiican u og faa’iidooyinka uu leeyahay SEO-ga, inagoo had iyo jeer ku dadaalayna inaan bixinno adeegyada SEO-ga ugu wanaagsan, si aan goob katsa uga dhigno mid ka soo muuqda kaalmaha hore ee natiijooyinka raadinta.

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *