Waa Maxay Shahaadada SSL iyo muhiimadda ay leedahay

Shahaadada SSL
  • September 15, 2022
  • Comment 7

Waa Maxay Shahaadada SSL iyo muhiimadda ay u leedahay website-ka

Waa maxay Shahaadada SSL iyo muhiimadda ay u leedahay website-ka

Shahaadada SSL inaad wax uun ka taqaanid waa lagama maarmaan haddii aad leedahay website ama aad ku fikkirayso inaad yeelato mustaqbalka, Taas oo qayb muhiim ah ka qaadanaysa amniga website-kaaga. iyadoo isticmaalayaasha siinaysa kalsooni ay ku isticmaalaan website-kaaga.

Maqaalkan, waxaan ku baran doonaa waxa ay tahay Shahaadad SSL, sida ay u shaqayso, noocyadeeda kala duwan.

Waa maxay Shahaadada SSL?

Shahaadada SSL waa shahaado dhijitaal ah oo caddaynaysa amniga website-ka. SSL waxay u taagan tahay Secure Sockets Layer, waana hab-maamuus amni ah oo sameeya xiriir qarsoodi ah oo u dhexeeya server-ka iyo biraawsarkaaga.

Marka la soo koobo: Shahaadada SSL waxa ay ilaalisaa xogta u dhaxaysa labada dhinac ee isticmaalayaasha iyo website-ka oo ay ka ilaaliso hackers-yada iyo tuugada in ay akhriyaan ama ay wax ka baddelaan macluumaadka u dhexeeya laba dhinac.

Ganacsiyada iyo ururadu waxa ay u baahan yihiin in ay website-kooda ku daraan shahaadada SSL, si loo sugo wax kala iibsiga onlaynka ah oo ay u xafidaan macluumaadka macaamiisha si qarsoodi ah oo sugan.

Shahaadada SSL waxay kaa caawin kartaa ka hortagga tuugada inay xadaan macluumaadka gaarka ah sida lambarrada kaararka deynta, macluumaadka bangiyada, magacyada, iyo ciwaannada. Iyadoo la hubinayo in dhammaan xogta u dhaxaysa labada dhinac ay sii ahaato mid qarsoodi ah oo sugan.

Sidee bay u shahaadada SSL?

Shahaadada SSL shaqadeedu waa in ay ka dhigtaa xog kasta oo loo kala wareejinayo isticmaaleyaasha iyo Website-ka, mid aan la akhrin karin. Waxayna isticmaashaa algorithms-yada sirta ah si ay u khalkhaliso xogta inta lagu guda jiro diritaanka, iyada oo ka ilaalinaysa hackers-yada inay akhriyaan xogta inta lagu guda jiro diritaanka. Xogtanina waxaa ku jiri kara macluumaadka xasaasiga ah sida magacyada, ciwaanada, lambarada kaadhka deynta, ama faahfaahinta maaliyadeed ee kale.

Marka aad booqato website leh shahaadada SSL, browser-ka aad ka booqatay waxaa ka muuqanaya calaamada ama astaanta qufulka taasoo cadaynaysa in website-ku uu amaan yahay. Halka link-ga (URL) bilawgiisa uu ku bilaabmi doono HTTPS oo laga soo gaabiyey (Hypertext Transfer Protocol Secure) kalsoonina siinaysa booqdayaasha website-kaaga

Tusaale ahaan, haddii website-kaagu uu leeyahay shahaadada SSL, waxay isticmaalaha ama booqadaha browser-kiisa ugu muuqan doontaa sida tan: HTTPS (https://newwebsite.gellebashir.com), Halka haddii uu san lahayn ay ugu muuqan doonto sidan: HTTP (https://newwebsite.gellebashir.com)

Noocyada Shahaadada SSL

Waxaa jira noocyo kala duwan oo ah shahaadooyinka SSL ah oo leh heerar kala duwan oo xaqiijin ah. Waana kuwan Lixda nooc ee ugu waaweyn:

  1. Extended Validation Certificates (EV SSL)
  2. Enterprise Certified Certificates (OV SSL)
  3. Domain Authentication Certificates (DV SSL)
  4. SSL Certificates Using Wildcards
  5. Multi-Domain SSL Certificates (MDCs)
  6. Unified Communications Certifications (UCC)

Waa lagama maarmaan in la barto noocyada kala duwan ee shahaadooyinka SSL si aad u hesho shahaadada saxda ah ee ku habboon website-kaaga.

Sidee lagu ogaadaa website-ka inuu leeyahay shahaadada SSL

Habka ugu fudud ee lagu ogaan karo haddii website-ku uu leedahay shahaadada SSL waa in la eego barta ciwaanka ee browserka:

  • Haddii URL-ka Website-ku uu ku bilowdo HTTPS baddalkii HTTP, Website-kaasi waa amaan wuuna leeyahay shahaadada SSL.
  • Website-yada leh shahaadada SSL ayaa muujinaya calaamada ama astaanta qufulka ah, oo aad gujin karto si aad u aragto faahfaahinta amniga, website-yada ugu kalsoonida badan waxay leeyihiin quful leh midab cagaaran ama akhdar ah.
  • Browser-yadu waxay sidoo kale soo bandhigaan calaamadaha digniinta marka website-ku aanu ammaan ahayn – sida qufulka cas, quful furan, xariiq dhex oo mara ciwaanka website-ka, ama saddex xagal digniin ah oo ka sarreeya astaanta qufulka.

Maxaad uga baahan tahay Shahaadada SSL

Website-yadu waxay u baahan yihiin shahaadooyin SSL si ay xogta isticmaalaha u ilaaliyaan, una xaqiijiyaan lahaanshaha website-ka, ugana hortagaan hackers-yada inay sameeyaan falal dhac ah oo ay u gaysanayaan isticmaaleyaasha.

Haddiii uu website-ku yahay mid isticmaalayaasha ka dalbada inay soo galaan(Login), isnana diiwaan galiyaan, sidoo kale geliyaan faahfaahinta gaarka ah sida nambarada kaadhka deynta, ama ay galiyaan macluumaadka sirta ah sida warbixino la xidhiidha caafimaadka ama macluumaadka maaliyadeed, Markaa, waxa lagama maarmaan in la ilaaliyo xogahaas. Shahaadooyinka SSL waxay caawiyaan is dhexgalka khadka tooska ah inay noqdaan kuwo qarsoodi ah waxayna xaqiijiyaan isticmaalayaasha in website-ku yahay mid la isku halayn karo oo ammaan ah si loola wadaago macluumaadka gaarka ah.

Shahaadada SSL waxay ilaalisaa macluumaadyada ah:

  • Soo Galida iyo is diiwaan galinta (login and sign up)
  • Wax kala iibsiga kaararka deynta ama macluumaadka xisaabaatka bangiyada
  • Macluumaadka shakhsi ahaaneed – sida magacaaga oo buuxa, cinwaanka, taariikhda dhalashada, ama lambarka taleefanka
  • Dukumentiyada iyo qandaraasyada sharciga ah
  • Warbixinada la xidhiidha caafimaadka
  • Xogaha Gaarka ah
  • Iyo qaar kale

Sii Daalaco: Sideed Ku Heli Lahayd Magac Ku Habboon Website-Kaaga

Sii Daalaco: Sidee Website Loo Sameystaa | $500 Ka Shaqeyso Blogging bilkasta

7 Comments

  1. Aad ayaad ugu mahadsantahay warbixin muhiim ah weeye runtii, waxaan ogaaday wax muhiim oo aanan horey u ogeyn, sidaas darteed, waxaan ku leeyahay mahadsanid( thanks 😊 )

  2. Waa mahadsantuhy ustaad gelle waxankacodsanaa in ad dadka website yada iyo kuwa koorsadaa katay in ad group no sameso si an ukafa idesano wayo su al kasta kumasoweydinkarno wayo adi mashqulkada ayabadan mahadsanid

  3. Runtii wax badan oo iga dah soona baa ii furmaY markan akhriyey maqaalada Malinlaha ah ee website ka lasoogaliyo
    GELLE BASHIR
    THANKZ USTAD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *