Waa Maxay Ujeedooyinka Loo Curiyo Nuxurka, (Ujeedooyinaka Content Creation-Ka)?

  • December 6, 2023
  • Comment 8

Waa Maxay Ujeedooyinka Loo Curiyo Nuxurka, (Ujeedooyinaka Content Creation-Ka)?

Sidee loo curiyaa nuxur keensanaya in lacag laga sameeyo?, su’aashan ayaa muddadii ugu danbaysay ku soo badanaysay dhalinyaro badan oo dalkii ku nool, igadoo ujeedkoodu inta badani ay tahay in lacag uun ay sameeyaan, laakiinse su’aasha ka sii muhiimsan isla mar ahaantaana ay tahay inaad jawaab u hesho ayaa ah “waa maxay ujeedooyinka loo curiyo nuxurka?”.

Markii ay maankaaga ku soo dhacdo fikrad ah in aad nuxur curiso, waxaa iyadna lama huraan ah in aad go’aamiso sababaha iyo ujeedooyinka aad u curinayso nuxurkaa, ha ahaadaan sababo la xidhiidha tacliin, xayaysiin, madamaalo, hagid, suuqgeyn, caanimo, iyo tan ugu weyn uguna muhiimsan oo ah in lacag laga sameeyo.

Aynu Sii Faahfaahino Ujeedooyinka Ugu Waa Weyn Ee Loo Curiyo Nuxurka

1. Tacliinta (Wax-Barashada):

Ujeedadan waxay diiradda saartaa kordhinta heerka aqooneed ee bulshada, iyadoo ka caawinaysa inuu qofku helo aqoono cusub iyo xirfado cusub, taasoo ah wax ay dadku badankoodu jecel yihiin, maadaama ay wax ku kordhinayso qofka.

2. Xayaysiinta (Warbaahinta):

Ujeedkani waxay ujeedadiisu tahay in bulshada la siiyo macluumaad cusub, ama lagu wacyi galiyo arin gaar ah, si ay ula socdaan dhacdooyinkii iyo waxyaalihii ugu dambeeyay.

3. Madadaalada (Maaweelinta):

Hadafkan ayaa isaguna ujeedadiisu tahay in bulshada loo soo bandhigo nuxuro maaweelo u leh, maadaama inta badan dadku marka ay soo galayaan ama ay soo booqanayaan baraha bulshada ujeedkooda ugu weyni ay tahay in ay helaan madadaalo iyo maaweelo.

4. Hagidda (Tilmaan-Siinta):

Ujeedkan ayaa si dhow ula xidhiidha ujeedkii ugu horreeyay, ee ahaa tacliinta, waxaana ujeedkan loo arkaa inuu ka mid yahay ujeedooyinka ugu adag ee keensada in nuxur la curiyo, iyadoo bulshada logu hagayo waddo ama ujeed gaar ah, lana siinaya tilmaamo, tillaabooyin iyo hab-raacyo cad cad.

5. Suuqgeynta:

Ujeedkan waa mid ka mid ah yoolalka ugu waa-weyn uguna muhiimsan, isla mar ahaantaana si qoto dheer leh ula xidhiidha xayaysiinta, iyadoo ay xayayasiintu lafteeda ay ka mid tahay suuqgeynta, wuxuuna ujeedkan aad diiradda u saaraa hormarinta adeegyada iyo badeecadaha kala duwan ee ay leeyihiin shirkadaha iyo shakhsiyaadkaba.

6. Caanimo:

Ujeedkan ayaa isagu ujeedadiisu tahay in caan la noqdo, ha ahaato shirkad ama shakhsi, laakiinse marba hadii nuxur soo bandhigayso ujeedkaaguna uusan ahayn caanimo, ugu danbayntii waxaad noqon mid caan ah, ama doonistaada ha ahaato taa ama yayasan ahaan, waxaa mar walba suurtagal ah inaad caan noqoto, marba hadii aad nuxur soo bandhigayso, isla mar ahaantaana aad joogtaynayso.

7. Lacag Samaynta:

Ujeedkan waa mid iska cad dabcan, umana baahna faahfaahin dheeraad ah, waana in nuxurka loo curiyo si lacag looga sameeyo.

8 Comments

  1. Abdishakuur Hussein Ali

    Teacher geelle waxaan ahay ardey da’ yar oo inuu dhiso loshiisa.
    Youtube waan ku xeranahay
    Waxaan ubahanahay online inaa lacag ka sameeyo sida blogging.
    waxaan sameystey blogging?
    Waxaan rabaa inaa ku xero google adsense?
    Lkn waan sameyn wayey oo somalia 🇸🇴 lamaga ogala ayaa lay dhahay?

  2. Asc walal aad aad aya u mahadsan tahay cashiradaada aad aya ula socdo dhan walba . waana kaaga mahad celinaaa sida wanagsan aad noogu soo gudbisid wax walba oo social media ku saabsan iyo dhamaan digital marketing jazaakalaahu qeeran walal .

    1. Asc ustaad Gelle Bashiir waxaan ahay mid inta badan kuxiran social media yahaaga arrinta ugu weyn waa inaa xoogayga saaray blogging ka 1 year welina natiijo kama keenin waan kudadaalaa runtime waxbaa igaqaldan caawimaad ubaahnaa. Mida kale course blogging ah noo keena Google adsense waxaa kahoreeyaa blogging kii

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *