Waa Maxay Xayeysiisyada Google (Google Ads)?

Waa Maxay Xayeysiisyada Google (Google Ads)?

Waa maxay sababta xayeysiisyada Google muhiim u yihiin?, waa su’aal ay is-weydiiyaan dad badan oo suuqgeynayaal ah,  gaar ahaan kuwa ku cusub suuqgeynta ee ku jira suuqa ganacsiga e-commerce-ga.

Halka qaar kalena ay is-weydiiyaan waa maxay sababta aan lacag ugu kharash garaynayno xayeysiisyada Google inagoo awoodna inaan si bilaash ugu suuqgeyno ganacsigayna?, inagoo u marayna SEO, Baraha Bulshada, Email Marketing, iyo siyaabo kaloo badan oo kala duwan.

Waa Maxay Google Ads?

Google Ads waa nidaam xayaysiimeed oo dhijitaal ah, oo ay samaysay shirkadda Google, kuna magacawday bilawgii hore “Google AdWords“, kadibna maamulkii Google ayaa magacii u badalay “Google Ads” sanadka 2018, waana nooc ka mid ah noocyada xayaysiimaha dhijitaalka ah, taasoo shakhsiyaadka iyo shirkadahaba u ogolaanaysa inay ololahooda xayaysiimeed ku soo bandhigaan bogga hore ee natiijooyinka raadinta Google.

Adeeggan, wuxuu xayeysiiyayaashu u ogolaanaysaa inay curiyaan olole xayaysiimeed oo ay ku beegsanayaan dadkooda bartilmaameedka ah, iyadoo looga dan leehay kordhin, sida kordhinta booqdayaasha website-kaaga, iyo kordhinta soo dagsayaasha application-kaaga, iwm.

Hagaag, ma ogtahay in 2.3 milyan oo baaritaan ah ilbiriqsi kastaa ka dhacaan Google, waxaana intaa kuu dheer in boggaga natiijooyinka raadinta Google badankooda ay leeyihiin xayaysiimo, sidaas darteed ma qiyaasi kartaa tirada isticmaalayaasha ee arki doona alaabtaada marka aad ku xayeysiiso Google.

Sidoo kale, in ka badan 75% isticmaalahyaasha Internetka marka ay wax baadhayaan ama ay wax raadinayaan waxa ay maraan hal hab oo baadhitaan ah taasoo ah Search Engine-da.

Waa Maxay Muhiimada Iyo Faa’iidooyinka Uu Leeyahay Google Ads?

1. Wanaajinta Muuqaalka Goobtaada

Sida aan ognahay, xayeysiisyada Google iyo shuruudaha SEO waxay qabtaan hawl isku mid ah, taasoo ah wanaajinta muuqaalka goobtaada, oo ay ka soo muuqdaan natiijooyinka ugu horreeya ee raadinta.

Laakiin waxa aynaan garanayn ayaa ah in xayeysiisyada Google ay gacan ka geystaan ​​wanaajinta SEO-ga goobtaada wakhti gaaban gudahood, iyada oo loo marayo isticmaalka ereyada muhiimka ah ee la xidhiidha goobtaada, taasoo kordhinaysa tirada booqdayaasha goobtaada, iyo helitaanka macaamiisha suurtagalka ah.

2. Maareynta Iyo Xakamaynta Kharashaadka

Yaraynta kharashka ololaha xayaysiiska iyo gaadhidda natiijada ugu sarraysa waa mid ka mid ah yoolalka ugu waa-weyn ee uu ku fikirayo qofka ganacsadaha ahi ama qofka suuqgeeyaha ahi. Google Ads, aad ayey u fudaydisay tan.

Google Ads ayaa fudaydisay habka xakamaynta kharashaadka xayaysiinta, iyadoo hore u go’aamisay qiimaha halkii gujis, iyo wadarta guud ee qiimaha xayeysiinta, iyo qiimaha 1, 1000-kii aragtida, sidaas awgeedna tirinta iyo xisaabinta kharashaadka ku baxaya xayaysiinta waxay noqon doonaan mid aad u fudud oo dabacsan.

3.Dib U Beedgsashada Macmiilka

Dukaankaaga online-ka ah ama si guud website-kaaga waxa soo booqa laba nooc oo ka mid ah macmiisha, kuwaasoo xiisaynaya alaabtaada ama adeegyadaada.

Nooca koowaad: waa nooca qaada ficil gaar ah, sida inuu codsado adeeg gaar ah, iibsi alaab gaar ah, ku weydiiyo su’aal, ama uu kula soo xidhiidhaba.

Nooca labaad: waa nooca aan wax tallaabo ah qaadin, kaliya soo booqday website-kaaga, noocan weeye nooca la beegsanayo, waxaana lagu magacaabaa “macmiilka suurtagalka ah“.

Ujeedka halkan waa in “macmiilka suurtagalka ahi” loo bedelo “macmiilka dhab ah” iyada oo loo marayo xayaysiimaha lagu baahinayo Google.

Sidaas darteed dib u beegsashada macmiilka iyada oo loo marayo Goole Ads waa noqon kartaa tillaabo wanaagsan oo lagu helo macmiil cusub.

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *