WAA MAXEY FREELANCING ?



(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});

WAA MAXEY FREELANCING ?

Freelancing waa in aad si madax banaan u shaqeysatid intii aad u shaqeyn lahayd qof kale. Markan ka fiirinayo dhanka dhaqaalaha, dadka waxey aad waayahan oga hadlaan freelancing-nimada si xad dhaaf ah . Cilmi-baaris ay sameeyeen shirkadaha caanka ku ah Freelancing-nimada, waxey sheegeen in 57 Million oo American-ah ay qabteen shaqadan sanadkii 2019.

 

 

 

SIDEE BEY U SHAQEEYAAN FREELANCERS-KA?


Freelancers-ka waxey lacagtooda helayaan markii shaqada loo direy ay soo qabtaan.Tusaale, qof baa u dirsatey in uu kuu sameeyo website, markuu website-ka kuu sameeyo oo shaqada dhameeyo, adna lacagta siineysaa.
Sidoo kale heshiiska waxaa ku jiro, intaa maalmood uu shaqada kugu dhameenayo iyo qiimaha uu shaqada kugu qabanayo.

 

SIDEE LA ISKA DIWAAN GALIYAA ?


Waa fudeed, waxaa boqoneysaa website-yada ay ka mid yihiin, Fiverr.com , Upwork.com iyo Freelancing.com .
Kadibna waad iska diwaangalineysaa sidoo kalana ku qoreysaa shaqada aad qabaneysid. Video-gan daawo oo aan ku sharaxayo qaabka la iskaga diwaangaliyo sidoo kalana service fiican loo bixiyo.

 

 

 

MAXEY DADKA U NOQDAAN FREELANCERS ?


Freelancing-ka wuxuu ku siinayaa xoriyad dhanka waqtiga ah. Waxaa dooran kartaa xiliga aad rabtid in aad shaqada qabatid, sidoo kale waxaa dooran kartaa marka hore nooca shaqada aad qabaneysid iyo macmiilka aad rabtid in aad u shaqeysid. Marka aad tahey freelancer adaa madaxweyne isku ah.

 

LACAGTA LAGA HELO FREELANCING-KA


Waxey ku xiran tahey lacagta aad helaysid nooca shaqo ee aad qabaneysid laakiin saacadii waxaa ku shaqeyn kartaa $10 ilaa $30.
Waxaa macquul ah in ay bishii kaasoo gasho lacag dhan $100 ilaa $500.

 

SHAQOOYINKA LOOGA SHAQEYSTO FREELANCING-KA

⦁ Transcription
⦁ Presentation Design
⦁ Graphic Design
⦁ Copywriting
⦁ Proofreading
⦁ Content Writing
⦁ Ecommerce Website Development
⦁ QA & Testing
⦁ Web Design
⦁ Web Development
⦁ Accounting
⦁ Financial Management

 

Gunaanad


Freelancing-nimada waa qeyb ka mid ah qaababka Online ka lacag looga sameeyo. Waa shaqo aad u xoriyad badan oo xataa adoo safar ah baad ku shaqeysan kartaa , kaliyah markasta waxaa u baahantahey Laptop, Internet iyo adigoo markaas shaqada qabta. Youtube channel kayga waxaa ka helaysaa videos badan oo aan ka sameeyey suuqan.

 

23 Comments

    1. Walal gelle waxa kugu salamaya salanta islamka asc tan xigta aad ayaa ugu mahadsantahay sida quruxda

      badan ee aad nolo wadagto online bussineska hada nahay dhalinta somaliyed tan xigta anigu waxan ahay wil dhalinyara ah wax shaqa aanan haynin dhameyayna jamacad markaa waxaa iga caawisa inaa ila garab gasho qaabka ugu fudut ee an ku bilabi laha ganacsi online ah my email

      jabriilabdiwahab742@gmail.com

      guul wacan walalkey

  1. tnx wll marka ugu horeyso wxayabah faidada leh oo ad nosogudbisi wll waxan kacodsan raba inaa iga cawisi habka online ka logashaqeysto coz waxan ubahanahy inaa kashqeysto hadey macqul noqoto insha allah sbb to ah waxan ahay firaqo wax shaqo ah mahayo waxan rabaa inaa waqtigeyga kafaidesto wll fadln hada icawyn karti ila soxarir ado mahadsan asc

          1. wll gelle bashiir waxaan ku soo diray message xaga emailka marka waxaan filayaa inaaad insha allah aad isoo jawaabtid

            mahadsanid bro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *