Waa Maxey Google Ads ?

 

Google Ads

Mid ka mid ah qeybaha ugu muhiimsan ee Digital marketing Xirfada Google Ads waxaa eey tiir dhexaad u tahay Toolska Casriga ah loona isticmaalo Maarketingka ama Suuqgeynta hadaba waxaan halkaan ku sheegi doona dhowr siyaabo oo Dhalinyarada uga faa iideysan karaan barashada Xirfadaan iyo qaabka isla ayada u shaqeeyso meelaha looga shaqeyn karo hadaba Google Ads marka aan Doonayo inaan barto maxaa la iiga baahan yahay.

 

Shuruudaha Barashada

Si aad u barato Google Ads kuma xira shuruudo adag muhiimadu waxaa ey tahay inaad Computer aas aaskii garaneyso sidoo kale Luuqada Englishka wax kaaga bilaaban yihiin maadaba nidaamka luuqadeed ee Google tahay English afkaaga hoyana aadan u badalan karin sidoo kale xiisaha aad u qabto door muhiim ahbeey ka ciyaari doonta barashada sidaasna runtii uma sii adka wa Xirfad sahlan wakhti koobana aad baran karto.

Qaabkee u Baran karaa ?

Meelaha laga barto Xirfadaan  aadbeey u badan yihiin adiga baa dooqan kara nuuc meesha aad ka darsi lahayd  waxaa jira macadyo waaweyn sida Udemy ama Coursera aad ka baran karto ama xitaa kuwa Afkaaga Hooyo kugu baraya oo Soomaali ah waxaase intaa oo dhan kasii muhiimsan meesha ugu caansan ee laga bartana tahay Skillshop oo ah mareeg eey leedahay Shirkada Google oo iska leh Barnamijkaan waxaana laga qaata Shahaadooyin Caalami ah lana aqoonsan yahay dhanka Shaqada marka aad Freelancer ahaan u shaqeyneyso sidoo kale casharada halkaa laga qaato waa Step by Step oo lagu barayo qeybaha kala duwan ee Xirfadaan.

Nuucyada Google Ads

Waxaa eey ka kooban tahay xirfadaan marka gudaha loo galo dhowr qeybood oo loo isticmaalo sameynta Xayeysiiska waxaana ugu muhiimsan intaan aan hoos ku xusi doono.

Searching Ad

waa mida ugu muhiimsan marka la joogo qeybaha raadinta shirkada Google waxaana laga dhisaa waxyaabaha badanaa aad ka raadiso Googleka ee kuusoo baxa Productga la gado ama waxyaabo kale oo markaa qofka iska leh uu doonayo inuu dad badan gaaro.

Display Ad

Tani waa qaab kale oo xayeysiimaha Googleka ka mid ah waxaana badanaa isticmaala dadka doonaya ama Companyada raba ineey bulsho badan gaaraan ama la barto magaca Ganacsigooda tusaale Game cusub oo soo baxay wax badan oo xayeysiis Display ahbaa la saara si uu dad badan u gaaro hadii shirkadaha Mobileska soo saara donayaan in la ogaado Telephonekaa cusub waxaa eey badanaa isticmaalaan qaabkaan  Display Ad wuxuu kasoo dul muuqdaa badanaa Websiteyada iyo Gameska ama sidoo kale Applicationada.

Shopping Ad

Waxaa aad u isticmaala Dukaanada alaabta kala duwan iibsha wexeeyna kasoo muuqdaan qeybta Google Shoping ayagoo doonaya soonaha markaa Ganacsigooda ku yaal ineey gaaraan si looga iibsado waxa markaa gacantooda ku jira.

Video Ad

Xayeeysiinta Videoga waa nuuc sidoo kale Ganacsiga loo isticmaalo  in lgu koriyo wuxuuna kasoo muuqdaa badanaa Youtubeka marka aad wax ka daawaneyso  ama Appska qaarkood hadba meesha la target gareeyo.

Sidee ugu Shaqeeyaa Xirfadaan

Guud ahaan Xirfadaha Casriga ah waxaad u shaqeeyn kartaa qaab shaqsi ahaantaada ama waxa Freelancer loo yaqaan hadaad doontana Shirkad daneysa barnaamijyadaan baad ugu shaqeyn kartaa ama Ganacsi aad leedahay baad ku Horumarin kartaa sida ugu dhow adigoo Gurigaaga jooga hadaad dadaasho aad ugu xamaalan karto Xirfadaan waa inaad iska diiwaan galiso meelaha laga helo macaamiil dooneysa Adeegaan  sida Websiteyada Upwork Fivver ama People per hour dad badan oo dacalada Dunida ahbaan kaga shaqeysta hadaad wadankii joogtana waxaad raadin kartaa hay ado ama Componyiyada doonaya in xayeeysiis dadka eey ku gaaraan lo sameeyo raba sida kalana waa kuu anfeceysaa oo waa Xirfad mustaqbal dhow oo fiican leh Dalkana laga fahmi doono doorkeeda muhiimad.

Gunaannad

Waxaan kusoo gaba gabeynayaa  maqaalkaan ogow farqi baa u dhexeeya Google Ads iyo Google Adsense waan soo faaqidnay waxa uu yahay Google Ads oo waa meel dadka Advertiserka ah ama dhisa xayeysimaadka ey isticmaalaan si Dad badan u gaaraan fikirkooda ama product iyo Service waxa eey hayaan uga iibshaan laakiin Google Adsense waa ka badalan tahay oo tan waxaa isticmaala Dadka Publisherska ah ama kuwa wax soo gudbiya  si eey Lacag uga sameeyaan kuwa isticmaala waxaa ugu caansan Youtuberska Bloggerska iyo Appska waa intaa farqiga u dhexeeya labadaan ka wada tirsan Googleka  mid walbana tan kale beey ku tiirsan tahay oo dadka Xayeeysiiska sameynaya alaabtooda waxaa ey kasoo dul muuqaneysaa  kuwa wax soo gudbiya sida youtubeka iyo WebsiteyadaShirkada Google baana kala dhexaadisa ayadana faa iido weyn baa ugu jirta.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *