Waa maxey SEO ama Search Engine Optimization ?

(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});

Waa maxey SEO ama Search Engine Optimization ?

SEO waxaa laga soo gaabiyey Search Engine Optimization, waa farsamo kor loogu qaado website-ka si uu uga soo muuqdo search engine ka sida Google iyo Bing, iyadoo website-ka aanan wax xayisiin ah lagu sameyn.

Muxuu muhiim u yahey SEO ?

Si aan u fahano qiimaha SEO, aan ukala qaadno labo qeybood.

Organic Search Results :

Labo qaab kaliyah buu website-kaaga Google oga soo muuqan karaa, in aad lacag bixisid oo Goole Ads isticmaashid iyo adoona wax lacag ah bixin in aad kasoo muuqatid Google-ka adoo isticmaalayo xirfadaha SEO taas baana la dhahaa Organic Search Results. Lacag kuma bixin kartid in uu website kaga noqdo Organic Search Results igu koreeya.

Quality of organic traffic :

Waxaa leedahay blog oo aad kusoo daabacdaa ama kusoo qortaa maqaalo, waxaa muhiim ah  ciwaanka aad dooratey in aad wax ka qortid iyo maqaalka ay islahaadaan si ay aqristayaasha usii aqristaan maqaalkaga. Waayo Google ka wuxuu markasta dadka usoo bandhigaa ama pages hore ee Google ka soo gashaa waxa saxda ah ey dadka ay doonayaan.

Sidee buu u shaqeeyaa SEO ?

Search Engine-nada sida Google iyo Bing waxay isticmaalaan wax la dhaho [Bots]. Bots kaas waxey aruuriyaan dhamaan waxa ku jiro internet-ka. Bots kaas waxey mar walba isku dayaan in ay kaso dhex doortaan internet-ka website-yada igu macquulsan oo markaas qofka uu ka heli karo wuxuu raadinayo.

Marku qof uu wax ku qoro search box-ka, search engine waxey isticmaalaan wax la dhaho complex algorithms si ay igu soo bandhigaan xogta igu saxsan ee uu qofkaas raadinayo. Search engine-ka wuxuu soo bandhigi karaa maqaalo, sawiro, muuqaalo iyo xarumo ganasi.

Faa’iidada SEO ?

Google-ka haduu website kaaga kasoo muuqdo macnaheeda waxa weeye in helaysid dad badan taas oona kuu saamaxeyso in aad internet lacag badan ka sameyso waa haduu website-kaaga ku xiran yahey Google adsense. Ganacsiyada badankood waxey tartan igu jiraan ay search engine kasoo muuqdaan waayo waa xayisiin bilaash ah una saamaxeyso in uu wax badan laga iibsado.

Aniga bishii hore waxaan tijaabiyey in uu website-kaygan uu kasoo muuqdo Google-ka. Sawirkan hoose aad arkeysaan waa Google-ka oo hambalyo iyo bogaadin email ahaan igu soo direy iina sheegay in aan bishii hore 600 clicks aan ka helay Search engine-ka.

 

9 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *