Waa maxey Stock Market ?

Waa maxey Stock Market?

 

Waxaa laga yabaa in aad marar badan idaacadaha ama Tv’s yada ka maqashey Stock Market-kii qiimahisii kor buu ukacey ama hoos bu u dhacey. Haka walwalin maqaalkan baad sifiican igu fahmi doontaa.

Maku fakartey wali in aad maalgashatid Stock Market ka ?. Waxan halkan ku falaqeyn doonaa  qaabka uu shaqeeyo suuqan, sidaa loo maalgashto iyo sida looga faa’ideysan karo.

What are stocks ?

Hadaan hoos ka bilowno, Stock wuxuu la micno yahey Saami ama Share. Waa in aad shirkado caalami ah aad lacag ku darsatid taas oo ad ka mid noqoneysid dadka saamiga ku leh shirkadaas. Saami yar iyo mid weyn ba waad iibsan kartaa. Waa sida shirkadaha wadanka oo kale saami aad igu darsan kartid.

Stocks labo qeybood bey ukala baxaan, mid waxa la dhahaa common stock kan kalana preferred stock. Faraqa igu weyn ee u dhaxeeya labadan waa Common stocks ga waxey ku siinayaa xaquuq aad ku codeyn kartid ama aad ka qeyb qaadan kartid shirarka iyo dooroshooyinka markas dhacayo lkn preferred ka intaasba kuma siinayo.

 

What is a stock market?

Stock market waa madal ay ku kulmaan traders iyo investers kuwaas oo iibsanayo(buy) ama iska iibinayo(sell) saamiyada si furan. Shirkadahan waxey si guud u furayaan saamiyada iyo qiimaha lagu iibsano halkii saami. Taas oo qofkasta u saamixi karto in uu qaab online u iibsado saami.

 Bull and bear markets

Waxaa jiro wax la dhaho Bull and Bear Markets, Bull market waa marka qiimaha shirkadaas uu kor u kacayo taas oo la micno ah in la faa’idey lkn Bear market waa marka saami suuqa uu hoos u dhaco kaas la micno ah qasaaro in ay dhacdey. Marka uu saami suuqa dhaco waa marka igu fiican oo la gato ama lagu soo biiro waayo qiimo raqiis ah bad ku helaysaa si la mid ah marku Bull market uu yahayna waa marka igu fiican oo la iska iibiyo saamigaas waayo qiimo fiican bad ku helaysaa.

Why invest in the stock market?

Dabcan maalgshi kasta waxa loo sameeyo waa in aad lacag faa’iidid, Stock market waa maalgashiyada aduunka la isku raacsan yahey in uu faa’iido badan laga helo hadii aad dhoor sanno u deyso maalgashi yar. Waayo sanadba sanadka ka danbeeyo saami shirkadaha waaweyn wuu sii qaaliyoobaa, oo waxaa macquul ah saami aad $500 ku iibsatey in aad 5 sanno kadib uu $20,000 uu ku noqdo.

Gunaanad

Maalgashiga waa waxyaalaha igu muhiimsan oo la sameeyo, hadii aad rabtid in aad isku filnaasho dhaqaale gaartid. Dabcan maalgashiyada waana lagu faa’iidaa waana qasaarayaa.

Marka hore weeye in aad ka fiirsatid oo ka baaraan dagtid shirkada aad maalgashaneysid.

12 Comments

  1. Sidee loo maalgashtaa stock? Shirkadahs caalamiga ah, halkii saami waa imisa? Maheli karaa shirkad aan hal saami ka gado kadib na si bile ah iku soo dirto faaido joogto ah, iisheeg wll geelle maqaalka xiga kaha soo hadal adigoo mahadsan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *