5 Hab-raac Oo Aad Uga Faa’iidaysan Karto Wakhtigaaga

5 Hab-raac Oo Aad Uga Faa'iidaysan Karto Wakhtigaaga Si Aad U Noqoto Mid Wax Soo Saar Badan Leh
  • November 10, 2022
  • Comment 1

5 Hab-raac Oo Aad Uga Faa’iidaysan Karto Wakhtigaaga Si Aad U Noqoto Mid Wax Soo Saar Badan Leh

5 Hab-raac Oo Aad Uga Faa'iidaysan Karto Wakhtigaaga Si Aad U Noqoto Mid Wax Soo Saar Badan Leh

Weligaa ma dareentay in saacadaha maalintii aanay kugu filnayn? Waxaa jira dhowr siyaabood oo aad uga faa’ideysan karto wakhtigaaga si aad u xaqiijiso yoolkaaga maalinlaha ah. Sideen uga faa’ideystaa wakhtiga? Jawaabta Su’aashan waa mid fudud.

Aqoonso waxyaalaha wakhtigaaga qaadanaya, ama ku gelinaya nooc ka mid ah dib-u-dhigasho, oo u samee isbaddal ku habboon.

Waa kuwan shan siyaabood oo fudud oo aad wakhtigaaga uga faa’iidaysan karto, oo aad uga dhigi karto mid wax soo saar badan leh:

1- Yoolalkaaga Caddee

Ujeedooyinka Ama Yoolalka aan caddayn kuma siin doonaan dhiirigelin kugu filan, markaa waxaad ku dhici doontaa dabin dib u dhigasho ah halkaasoo ay fududahay inaad dib ugu dhacdo cudurdaarkii hore ee ahaa “ma jiro wakhti igu filan“. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad leedahay hadaf gaar ah oo cad, sida inaad iibsato guri qiimihiisu yahay 100,000 dollar ah muddo laba sano gudahood, Markaa waxaad yeelanaysaa yool aad ka shaqaynayso si aad u xaqiijiso, Mar kasta oo aad ku adkaysto yoolkaaga, waa inta aad ku sii dhiiran doontaa inaad gaadho.

Marka aad niyadda ku hayso yoolkaaga, Waxaad awood u yeelan doontaa inaad shaqada u qabato qaab isdaba joog ah ama si xiriir ah, taas oo ugu dambayntii kuu horseedi doonta inaad gaarto yoolkaaga.

Waxa jirta xog cilmiyeysan oo taageerta mabda’an, oo loo yaqaan “Theory Setting theory”, iyadoo aragtidan ay ku saleysan tahay daraasad la sameeyay lixdameeyadii qarnigii hore oo ay sameeyeen Drs. Edwin Locke iyo Gary Latham, Cilmi-baarista la sameeyey waxay la xiriirtaa xidhiidhka ka dhexeeya waxqabadka iyo yoolalka, waxa ay xaqiijiyeen in uu jiro xidhiidh adag oo ka dhexeeya nooca yoolka iyo waxqabadka shaqo ee dadka, Guud ahaan, yoolalka gaarka ama yoolalka cayyiman (magacaaban) waxay ka waxqabad badan yihiin ama ay ka waxtar badan yihiin yoolalka aan la cayyimin.

2- Samayso Hab Dhaqan Kuu Gaar Ah Islamarkaana Joogtee

Si hufan uma maaraynaysid wakhtigaaga marka aanad u hoggaansamin hab-dhaqameedyada guusha leh. Markaa waxaa lagugu la talinyaa inaad yeelato hab dhaqan kuu gaar ah oo guul leh, sida inaad goor hore kacdo subixii si aad wakhti ugu hesho hawlahaaga, iyo inaad naftaada wakhti siiso si aad u hormariso xirfadaada, IWM.

Markaad Samaysato hab dhaqan kuu gaar ah islamarkaana aad joogteeso, waxaad ogaan doontaa in muddo ka dib ay kuu fududaan doonto inaad wakhti badan geliso waxyaabaha aad rabto inaad gaadho sababtoo ah hab dhaqanka la joogteeyo badanaa waxay noqodaan caado.

3- La Xisaabtan Naftaada

Isla xisaabtan la’aantu waxay kuu sahlaysa inaad ku dhacdo dabinka ah dib-u-dhigashada, taasoo kugu adkaan doonta inaad hesho dhiirigelinta lagama maarmaanka ah si aad wakhtigaaga uga faa’idaysato, tani waxay sidoo kale khusaysaa mashaariicdaada aad aadka u xiisaynayso.

Xalka tani waa mid aad u fudud maadaama aad u baahan doonto qof kula xisaabtama. La-xisaabtanku aad buu u caawin karaa arrintan, tusaale ahaan, Yeelo la-taliye, saaxiib ama naftaada ama xitaa lammaanahaaga oo hubiya shaqadaada si uu u eego inta horumarka aad ka samaynayso yoolalka aad dejisatay.

Markaad ogaato in lamaanahaasi uu xisaabin doono shaqadaada, Waxay u badan tahay inaad aad uga taxadarto inaad wakhti ku filan siiso mashaariicdaada iyo yoolalkaaga.

Kaliya ilaalinta qofkaas ama naftaada ayaa kugu dhiirigelin doonta inaad joojiso dib-u-dhigashada oo aad bilowdo inaad ka shaqeyso yoolalkaaga dhabta ah ee muhiimka ah.

4- Jooji Caadooyinka Xun Xun

Way adagtahay in aad la kulanto xaqiiqda ah in wakhti la’aantaada lagu eedeeyay inta badan ay ka dhalato caadooyinka xun. Tusaale ahaan, ma hurudaa maalintii oo dhan? Mise waxaa tahay kuwa habeenkii in badan daawada TV-ga? Mise waxaad isticmaashaaa baraha bulshada mar walba? Mise waxaa laga yaabaa inaad tahay qofka had iyo jeer asxaabta iska raaca iyadoon dani jirin?

Ugu yaraan, waxa laga yaabaa inaad haa kaga jawaabtay mid ka mid ah su’aalahan, maadaama aynu nahay bini’aadam qof kastaa wuxuu u baahan yahay inuu naftiisa ka saaro daalka, ama uu nasto mar mar, Qaadashada wakhti fasax waxay runtii noqon kartaa mid faa’iido leh, laakiin haddii aad tahay qof sameeya caadooyinkan oo dhan maalin kasta, markaa waxaad aqoonsatay ama aad ogaatay caadooyinkaaga xun xun, taas oo aad si fudud u bedeli karto, si aad u badbaadiso wakhti badan.

Sidee ayaan isbadal u samayn karaa?

Hagaag… waa inaad si tartiib tartiib ah u socotaa, tusaale ahaan, waa inaad 30 daqiiqo maalintii gabi ahaanba ka maqnaataa ama xannibaad iska saartaa baraha bulshada, ama caadada xun, ka dib waxaad wakhtigan gelin kartaa sidii aad u horumarin lahayd mihnadaada ama shaqadaada amaba xittaa xirfadaada, adigoo wax akhriya ama wax baranaya, ama baranaya xirfado cusub, kuwaas oo aad hore ugu fikirtay, ama aad sheegtay in aanad haysan wakhti aad ku barato.

5- Laba Hawl Isku Mar Ha Qaban

Waxaa jirta fikrad aan badankeena aaminsan nahay oo ah in uu qofku isku qaban karo shaqooyin kale duwan ama hawlo kale duwan, hal wakhti ama isku mar, isaga oo uu qofku iska dhaadhicinayo inuusan haysan wakhti ku filan, sida adigoo wax dhagaysanaya islamarkaana wax qoraya, ama adigoo mashruuc bilaabay islamarkaana aad mashruuc kale ka garab furtay isagoon kii hore aan dhamaan, In shaqooyin badan aad hal mar isku qabto, waa arin aan badanaa isticmaalno, isku dayga in la sameeyo shaqooyin badan hal mar waxay hoos u dhigayaan waxtarkaaga maalin laha ah.

Waxaa laga maarmaan ah inaad fahamto, Inaanii jirin wax la yidhaahdo dhowr hawl ayaa isku mar la qabanayaa, kaliye aad moodayso inaad isku mar qabanaysid, laakiin runta ayaa ah inaad hal hawl ama hal shaqo aad diirad saaraysid, oo si degdeg ah hawlahaas ama shaqooyinkaa ukala badalayso.

Markaad ka guurto hawl oo aad u guurto hawl kale, waxaad u maleyneysaa inaad si dhab ah diiradda u saartay wax kasta oo kugu xeeran isku mar, Laakiin dhab ahaantii taas ma samaynaysid, waxayna u badan tahay inaad luminayso wakhtigaaga iyo diiraddaada. Mana saari karti diiraddaada labo hawl ama dhwor hawl isku mar, laakiin si degdeg ah ayaad u kala badalaysaa hawlahaasi.

Inaad ilaaliso diiraddaada markaad gudanayso hawlaha kuu yaala ama lagaaga baahan yahay, waa tilaabo aad muhiim u ah, marka aad hawl qabanayso waa in ay maskaxdaada ku foogan tahay hawshaas, kaliya si ay u noqoto mid degdeg ah oo natiijo fiican ka soo baxdo, Laakiin marka aad laba hawlood isku mar qabanayso waxa aad luminaysaa wakhtigaaga iyo diiraddaada, waxaana laga yaabaa inaadan helin natiijo fiican ama sidii la rabay…. Haddaba diiradda saar hal hawl ka hor intaadan u gudbin hawl cusub.

Sidoo kale ha iloobin waxaan jiro hawlo hal wakhti lawada qaban karo oo aan u bahnayn in diiradda la wada saaro sida adigoo ordaya inaa wax dhagaysato, oradka kaagama baahna in aad diiradda saarto laakiin dhagaysiga ayaa kaaga baahan.

Maskaxda bini’aadamka awood uma laha in ay diiradda saarto dhowr hawl oo kala duwan isla hal wakhti.

Sii Daalaco: Sideed U Kala Saari Lahayd Hawlaha Degdega Ah Iyo Hawlaha Muhiimka Ah?

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *