Wax-Isbariddu Waa U Muhiim Cid Kasta

Wax-Isbariddu Waa U Muhiim Cid Kasta

In qofku uu wakhti is galiyo, oo uu barto xirfad cusub, aqoon cusub, ama uu sii hormariyo xirfadihii iyo aqoontii uu hore u lahaa, amaba xitaa uu aqoon kale ama xirfad kale ku kaabo xirfadihiisii hore, waa maalgashiga ugu qiimaha badan ee uu isu samayn karo.

Wax-Isbaridda waxay leedahay faa’iidooyin aan la koobi karin, waxayna hormarisaa kobaca shakhsi ahaaneed, waxayna sidoo kale qofka u furtaa albaabo cusub, iyo fursado cusub, oo kala duwan.

Wax-Isbaridda ma aha wax-qabad ku kooban ama ku xidhan da’ oo kaliya ama heer waxbarasho oo gaar ah, ee waa hannaan soconaya inta cimriga qofka ka dhiman.

Faa’iidooyinka Uu Leeyahay Wax-isbariddu

Mid ka mid ah faa’iidooyinka ay leedahay wax-isbariddu ayaa ah inay qofka qaabayso mustaqbalkiisa, iyadoo muddo kadib siinaysa madax-bannaani dhaqaale, iyo mid wakhtiba.

Waxaa kaloo faa’iidooyinka wax-isbaridda ka mid ah, in ay kordhiso kalsoonida qofka, maadaama uu aqoon cusub korodhsanayo, sidoo kale waxaa badanaysa fursadihiisa shaqo, iyadoo u furaysa albaabo cusub oo hor leh.

Wax-isbariddu iyada lafteedaa ah xirfad la barto, sidaa darteed isku day inaad wax is barto, isna hormariso, isla mar ahaantaana aad ka mira-dhaliso yoolalkaaga, wax is-bariddu waxay kuu ogolaanaysa inaa barato wax-allaale waxa aad rabto, iyo sida aad u rabto inaad wax u barato.

Hagaag, hadaba hadii aad u baahan tahay inaad dhisto aqoontaada, isla mar ahaantaana aad kobciso xirfadahaaga, oo aad rabto inaad barato xirfadahan midkood, kaliya nala soo xidhiidh, oo is-diiwaan gali, isla mar ahaantaana bilaw safarkaaga cusub:

Koorsooyinka aad madasheena ka baran karto waxaa ka mid ah:

  1. 1. Crypto Bilaw Ilaa Dhamaad Af:Somali Course
    2. Ecommerce & Marketing Course
    3. Graphic Design Course-Master Class
    4. Blogging Google AdSense Course
    5. Somali Alibaba Online Course

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Crypto Bilaw Ilaa Dhamaad Af:Somali Course
  • Ecommerce & Marketing Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Blogging Google AdSense Course
  • Somali Alibaba Online Course

10 Comments

  1. Mahadsanid, mudane Waxan raba ina wax ka ogado blogging ka oo aan barto, waxyabaha leskaga bahanyhy marka aad noqoneyso blogger ina ishegto iyo inta ay kugu qadaneyso in lacag laga sameyo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *