7 Arimood Oo Kuu Ogolaanaya Inaad Bilawdo Wax Kasta

7 Arimood Oo Kuu Ogolaanaya Inaad Bilawdo Wax Kasta
  • January 27, 2023
  • Comment 0

7 Arimood Oo Kuu Ogolaanaya Inaad Bilawdo Wax Kasta

7 Arimood Oo Kuu Ogolaanaya Inaad Bilawdo Wax Kasta

1- Go’aami Goorta La Bilaabayo

Sababaha ay dadku Wax Kasta, ama waxa ay rabaan u bilaabi waayaan waxaa ka mid ah in aanay waqti cayiman, kaasoo ay ku bilaabayaan waxa ay rabaan, marka aad qabsan waydo, ama aad cayyimi waydo taariikhda aad wax bilaabayso waxa laga yaabaa in aad ku fashilanto waxaas, aadna sii wadi kari waydo, aakhirkana aad ka rajo dhigdo. Sidaa darteed waa in la cayyimaa goorta la bilaabayo shayga.

2- Hubi Inaad U Leedahay Rabitaan Adag

Bilaabidda wax kasta oo cusub waxay u baahan tahay xamaasad weyn, si aad uga gudubto caqabadaha lama huraanka ah ee aad la kulmi doonto.

3- Diirada Saar Meelaha Aad Ku Fiicantahay

Filo in arrimuhu aanay si wanaagsan u socon marxaladaha qaar, gaar ahaan inta lagu jiro fulinta qorshahaaga, markaa waxaad u baahan doontaa inaad ka faa’iidaysato dhammaan khibradahaagii hore, iyo waxyaabihii aad ka baratay noloshaada dhabta ah, si aad uga gudubto caqabadahaas.

4- La Imow Fikrad Wax Ku Ool Ah

Waxaa laga yaabaa in ay fiicnaato in la bilaabo mashruuc la jaan qaadaya baahida suuqa hadda jirta, halkii laga bilaabi lahaa fikrad gebi ahaanba cusub. Way fududahay in la-la yimaado fikrado cusub, laakiin waxaa adag oo aad u adag in la fuliyo fikradahaas.

5- Guushaada Ka Dhig Mid La Qiyaasi Karo

Way fududahay in aad dareento niyad jab marka aanad garanayn inaad horumar samaynayso iyo waxa aad ka shaqaynayso, waana sababta aad ugu baahan tahay inaad guushaada ka dhigto mid si uun loo qiyaasi karo, way fududahay inaad bilowdo markaad ogaato sida saxda ah ee aad ugu dhowdahay. Ficilada hadda socda ayaana ku gaarsiin doona inaad gaarto hadafkaaga.

6- Go’aaminta Dhiirigelinta Dibadeed

Dhiirigelinta noocan ah waxay ka timaaddaa arrimo dibadeed; Waxay noqon kartaa mid togan ama mid taban, dhiirigelinta toganina waxay ka kooban tahay dhiirigelin sida lacag, abaal-marin, iyo darajooyin, halka dhiirigelinta taban ay ka kooban tahay caqabado ay ka mid yihiin shaqo ka cayrin, dagaal, ama ganaax.

Dhiirigelinta dibadeed ma sii shaqeyso muddada dheer, laakiin waxay si fiican u shaqeysaa muddo gaaban si ay kaaga caawiso inaad bilowdo inaad wax ka shaqeyso.

7- Qaado Mas’uuliyadda

Qaado mas’uuliyadda adiga oo u sheegaya asxaabtaada iyo qoyskaaga yoolalkaaga ama xitaa kula wadaaga baraha bulshada. Tani waxay kuu sahlaysaa inaad wax bilowdo sababtoo ah waxaa lagugu cadaadin doonaa inaadan dadka kale u ogolaan.

Gabagabadii

ha la mid dhigin naftaada dadka kale; Isku-dheelli tirka waxa ay keentaa in ay hoos u dhigto isku-kalsoonida iyo qanacsanaanta nafta, sidoo kale waxa ay keentaa inaad rumaysato in aanad waxba qabasanin.

Tani waa wax aan faa’iido lahayn, sababtoo ah waxyaallaha u qalma in la gaaro waxay qaataan wakhti. Lahaanshaha dhiirigelinna waa awood sare, awooddaasna waxaad ku gaari kartaa hadafyadaada oo aad ku qaabeyn kartaa nolosha aad rabto inaad ku noolaato.

Sii Daalaco: 8 Talo Oo Kaa Caawinaya Inaad Ku Qanciso Macmiilka Wax Iibsigaaga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *