Waxa Aan Kala Dheefnay Aniga Iyo Isku-Dayga

Waxa Aan Kala Dheefnay Aniga Iyo Isku-Dayga

Run ahaantii waxaa jira dalinyaro badan oo noloshooda hadaf weyn ka leh, waxaase iyaga iyo hadakooga hortaagan isku-day la’aanta.

Isku-day la’aantaas waxaa badanaa u sabab ah cabi, cabsidaasoo ka dhalata kalsooni la’aanta ay naftooda ku qabaan.

Iyagoo badanaa is waydiiya su’aalahan, mar allaale marka ay ku fikiraan inay tallaabo qaadaan:

  • Amay kula yaabaan dadku
  • Amay kugu qoslaan qosykaagu
  • Amaad ku guuldaraysataa ganacsigan
  • Amaad ka guul gaari waydaa mashruucan

Run ahaantii, guuldarradu waa waddada guusha, wayna adag tahay in la arko qof guulaystay, oo aan waligii guuldarraysan.

Sidaa darteed waa inaad hab-fikirkaaga bedeshaa, oo aad guuldarrada u aragtaa inay ka mid tahay guusha.

Dhanka kale, hadalada dadka iyo falcelinatoodaba, waxay ka mid yihiin waxyaabaha ugu badan ee horjoogsda in la xaqiijiyo hadaf.

Aan kula wadaago sheeko yar, oo igu saabsan aniga, oo la xidhiidha waxa ay dadku iga dhaheen markii aan bilaabayay mid ka mid ah xaqiijinta hadafyadaydii ugu waynaa.

Dhamaadkii 2021-kii waxaan bilaabay YouTube Channel-kaygii iigu horreeyay, waxaana isla soo xidhiidhay dhalinyaro badan oo aan is naqaanay, iyagoo i leh: “War niyahow nin aqoonyahanaa tahee, maxaa xiligan YouTube Channel kuu geeyay”.

Lama yaabanayn anigu dhalinyartaas, sababtoo ah YouTube waxay ka haysteen aragti ah, in YouTube uu yahay goob kaliya lagu soo bandhigo muuqaalda la xidhiidha Prank-yada, Madadaalada, Wararka, IWM.

Xilligaas anigu waxaan ka hadlayay, oo ilaa haatan ka hadlaa “Online Business-ka”. YouTube wakhti xaadirkan wuxuu ii dhaliyay ilaa 5 ilo dhaqaale oo ay ka mid yihiin:

  • 1. Academy-yad online ahaan wax looga barto, taas oo ay wakhti xaadirkan ku jiraan 4 koorso.
  • 2. Shirkad web design agency ah.
  • 3. Blogging, oo aan soo daabacy in ka badan 400 oo maqaal.
  • 4. Facebook Page.
  • 5. Business Consultancy.
  • 6. Affiliate Marketing.

Hadii aan u nuglaan lahaa hadalada saaxiibaday, qoyskayga, iyo ciddii i taqaanaba, hubaal maanta heerka aan gaaray ma aanan gaareen.

Ugu horreeyn waxaa mahadda ugu weyn leh “Eebe SW”, kadib naftayda, kadib cid allaale ciddi igu garab gashay wax uun haba yaraatee.

Dhamaan ganacsiyadayda maanta, waxaa igala shaqeeyo dhalinyaro iskood-u-shaqaystayaal ah, kuwaasoo helay fursado shaqo kala duwan.

Waxayna kala joogaan goobo kala duwan, waxaana ku wada shaqaynaa si online ah nacam “Remote Job”. Qaar baa waxay joogaan:

  • Muqdisho
  • Hargaysa
  • Gaalkacayo
  • Nairobi
  • Kuala Lumpur

Shaqooyinkoogana waxay kala yihiin:

  • Website Design
  • Video Editor
  • Head Of Marketing
  • Blogger
  • Business Administrator

Qayb ka mid ah dhalintaas, anagaa wax barnay, maantana alx, waa kuwaa xirfadooda ku shaqaysanaya iyagoo gurigooga jooga.

Gabgabadii, waxaan qof kasta kula talinayaa inuu isku dayo badan sameeyo, haa, kaliya isku day, “Just Try, Try, & Try More“.

Midna xusuusnoow, mashruuc kasta bilawgiisa waa lagu qoslaa laguna maadsadaa, hasa yeeshee markuu guul gaadho waa loo hambalyeeyaa, loona sacabtumaa.

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Ecommerce & Marketing Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Blogging Google AdSense Course
  • Somali Alibaba Online Course

14 Comments

  1. Awaeis MAHAMOUD ALI

    Sxb Aniga crypto Waxan rabay in an kaa sarto 70 Euro wane kaa saran lahay wayo Waxan uga sarayo in an baroobeyo Horta sii an ugu kalsonado wane garan lahay

  2. Gelle Bashir, sxb aad baad ugu mahadsantahay sida wanaagsan oo aad noogu sharraxday ISKUDAYGA iyo sida looga guul gaaro.

  3. Wllkey markan sameynayo deposit ama withdrawal ka binance markaan sariflaha u diro Address keyga io network way ii soo .dhancdey lacagta sax.. haddan la bixi rabana asigaa Address kiisa iyo network-kiisa isiinaayo waan u diraaa… wan fahmey intaas su,aasheydaaa waxay tahay Addresska mi isbeddelaa mise weligiisa addreskeyga aan udiray ayuuu lacagta iigu soo diraa mar walba anigana aan igu diraaa lacagta kiii hore oo ii soo dirty keliya….

  4. Mahadsanid ustaaad aad Aya Mar walbo no dhira galisaaa wlhi wax badan Aya ka faa,iday aqoon iyo xirfad waxan kule yahay Jazaakalaahu kheeran .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *