Wax Ka Ogow WEB 3.0, kacaanka cusub ee Internetka

Wax Ka Ogow WEB 3.0, kacaanka cusub ee Internetka
  • February 28, 2023
  • Comment 2

Wax Ka Ogow WEB 3.0, kacaanka cusub ee Internetka

Wax Ka Ogow WEB 3.0, kacaanka cusub ee Internetka

Tiknoolajiyada Blockchain ee loo yaqaan silsiladda xannibaadda, hadda waxay noqotay mid ka mid ah hal-abuurradii ugu muhiimsanaa qarnigii kow iyo labaatanaad, taas oo ay ugu wacan tahay saamaynta weyn ee ay ku leedahay qaybaha kala duwan ee nolosheena, laga bilaabo maaliyadda ilaa wax soo saarka iyo sidoo kale waxbarashada.

Laakiin saamaynta ugu weyn uguna muhiimsan ee la filayo mustaqbalka dhow ayaa ah jiilka saddexaad ee Internetka (Web 3.0), kaas oo lagu tilmaamay inuu yahay mustaqbalka Internetka, maadaama shabakaddani ay noqon doonto – aragti ahaan – mid baahsan oo dimoqraadiyad ah, oo ku salaysan Peer-to-Peer – kaasoo loo soo gaabiyo P2P – ahna isweydaarsiga xogta, cryptocurrencies, DeFi, NFTs, iyo DAO.

Farsamooyinkan ayaa ah tiirarka loo yaqaan (Web 3.0), iyadoo isticmaalka blockchain ay wax ka beddeli doonto sida macluumaadka loo kaydiyo, loo wadaago iyo lahaanshaha lafteeda, Aragti ahaan; Shabakaddan cusub waxay meesha ka saari kartaa keli-taliska sida cidda maamusha macluumaadka, cidda lacagta samaysa, iyo sida shabakadaha iyo shirkaduhu u shaqeeyaan.

Doodayaashu waxay ku doodayaan in Web 3.0 uu samayn doono dhaqaale cusub oo hor leh, noocyo cusub oo badeecado ah, iyo adeegyo cusub oo looga baahan yahay internetka; Tanina waxaa inoo qeexi doona wakhtiyadeena soo socda.

Waana sababta aan hadda u aragno shirkado badan oo waaweyn oo horumarinaya mashruucyo badan oo daaran Web 3.0, inkastoo ay xaqiiqda tahay in tignoolajiyada blockchain ay wajaheyso caqabado farsamo, halka kooxo kale ay sheegeen in Web 3.0 uusan guuleysan doonin, iyagoo u aanaynaya inuu qayb ka noqon doono dhibaatooyinka ka dhaca intenetka, sida xatooyada, dhaca, dilka, iwm.

Isla mar ahaantaana, shirkadaha iyo dawladuhu waxay isku dayayaan inay fahmaan suurtagalnimada fursadaha ay bixiso teknoolojiyadda Web 3.0, maadaama ay faa’iido weyn u dhalin karaan hay’adaha si sax ah u fahma oo uga faa’iidaysta tignoolajiyaddan.

Waa Maxay Web 3.0?

Dadka badankiisu ma garanayaan waxa uu yahay Web 3.0? iyo waxa laga soo gaabiyayba, Ku soo dhawoow jahawareerka, loo tartamayo, xiisaha badan, khiyaanada ku dhisan, dhibaatooyinkiisa watta, iyo maamulka baahsan ee Web 3.0. wax ka ogow jiilka saddexaad ee internetka:

Web 3.0, sidoo kalena loo yaqaano Semantic Web ama Web of Data, waa erey loo isticmaalo in lagu qeexo jiilka seddexaad ee internetka. Si ka duwan internetka aan hadda isticmaalno ee caadiga ah, kuwaas oo sida caadiga ah ka kooban macluumaad ku saabsan mawduuc gaar ah oo ku jira qoraalka iyo sawirada, Web 3.0 waxay ujeedadeedu tahay in lagu xidho xogta ilo badan oo wadajir ah, taas oo u oggolaanaysa in xogta dib loogu soo celiyo habab cusub oo xiiso leh.

Jiilka saddexaad ee Web 3.0 looma samayn si uu bedel uga noqdo jiilkii isaga ka horreeyaya ee Web 2.0, balse waxa loo sameeyay in lagu wanaajiyo cilladihiisa, lagana hagaajiyo meelaha ay ku liidato. sidaas darteed shirkadaha waaweyn ee dijitaalka ah waxay xaqiiqsadeen in macluumaadka aqoonsiga shakhsi ahaaneed ee isticmaalayaashu ay tahay hanti aad u qiimo badan, waana waxa lagu dhaleeceeyo shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyada sida Amazon, Microsoft, Facebook iyo Twitter, oo loo arko, ama ay tahayba inay ka faa’idaystaa xogta macaamiishooda, iyagoo ka iibinaya cidda ugu lacagta badan, oo u adeegsanaya inay ku bartilmaameedsadaan xayaysiimahooda, iyagoo og macaamiishu iyo sidoo kale iyagoon ogayn.

Sii Daalaco: Fikrado Ku Saabsiisan Website-Yada Ugu Lacag Samaynta Badan Sanadka 2022

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *