Web Design Agency

Web Design  Agency

Xirfadaan ah inaad dhisto Wakaalad ama Agency sameeysa Websiteyada waa shaqooyinka ugu
Fiican Macaamiil badana dalabaad wanaagsan aad ka heli karto sidoo kale xirfado kale sida SEO
baad kusoo bandhigi kartaa Websitekaaga sababta aan mihnadaan usoo qaatay baa ah ineey
tahay xirfad mudo dhow ka shaqeyneysay wadamada kala duwan ee Caalamka Wadankeenana
fursad dahabi a uga banaan tahay Siiba magaalooyinka Waaweyn maadaaba sida aan ka war
qabno Ganacsiyada Soomaalida badanaa eysan lahayn Website siyaabo kala duwan baadna
Dadka ku gaari kartaa adoo usoo bandhigaya shaqadaan muhiimka in loo qaban doono hadaba
Qodobada kuu sahli kara ku dhaqaaqida howshaan baan kula wadaagaya.

Sidee ganacsigan wadanka oga bilaabi kartaa ?

Sida ugu fudud ee aad gudaha wadanka uga bilaabi karto Web design Agency waa marka hore
inaad adigu Sameysataa Website qurux badan indaha macmiilkana soo jiidanaya lehna
Themeska iyo Templeteka ku Haboon Website bixiya Naqshadeenta iyo sameeynta
Websiteyada marka xigta sida caadiga ah waa inaad Live ka dhigtaa ama aad Domain Name iyo
Hosting u sameysaa si Google searchga aad uga soo muuqato ama sidoo kale waa inaad Ads
ama Xayeeysiis ku qabaataa meelaha macaamiilka badan laga heli karo sida Facebook iyo
Instgram dad badan marka eey arkaan inta kula soo hadasha baa kuu sahlanaaneysa inaad qaar
badan oo Customers noqda inaad ka hesho waxaadna kusoo bamdhigeysaa Packages ama
xirmooyin adeega aad ugu tala gashay Macaamiilka sida adeega loo qabanayo dalbadaha uu u
kala muhiimsan yahay dabcan Qiimahana waa kala duwanaan doonaa.

Baro xirfada

Si aad u dhisto Website waxaad u baahan tahay laba midkood wxa loo yaqaan Drug and Drop
ama in la isticmaalo Content management Systemka eey ka mid yihiin WordPress Webflow iyo
Wixi.com meesha ugu caansan waa WordPress dhamaan Websiteyada dunida 46% baa ku
dhisan qof kasta oo web designer ahna si wanaagsan buu u garanaa hadaad doonto kuwa kale
waad isticmaali kartaa.
Tan kale waa Coding oo ah inaad Luuqadaha wax lagu dhiso isticmaasho sida CSS JAVA iyo
PAYTHON ama PHP hadaad si wanaagsan u taqaana waxaad dhisi kartaa nuuc walba oo
Website ah adigoon u baahan Plugins ama nuucyo kala duwan oo Drug and Dropka lagaaga
baahnaa hadiise aadan Coding garaneyn website midka aad rabto waad ku dhisi kartaa CMSka
sida WordPress oo runtii ah meesha ugu caansan ee Website laga dhiso Dunida maanta.

Sidee macaamiil badan u heli kartaa ?

Si aad u yeelato Customers ama Macmiil adoo u qabanaya shaqadaan waxyaabaha lagaaga
baahan yahay waxaa ugu muhiimsan inaad macmiilka fahamsiiso muhiimada Ganacsigiisa eey u
leedahay inuu leeyahay Website mida kale oo ayaduna lagama maarmaanka u ah kalsoonida
dalbadaha waa inaad u sharaxdaa faa iidada Businesskiisa eey u leedahay inuu Onlineka xaadir
ku yahay iyo guud ahaan qaabka ganacsiga casrigaa u shaqeeyo waxaana markaa Siyaadaya
Kalsoonida Clientska.
Adigana xirfadaada mid aad ku raaxeysato beey kuu noqoneeysaa sidoo kale ogsoonow inaad
xayeysiis badan ku sameyso baraha bulshada Googlekana aad Seoga ku rank gareeyso kaliyana
maaha inaad wadanka oo qura aad ku koobnaato hadeey kuu hagaagto xirfadu heer qaarad ilaa
Caalami baad gaari kartaa booqashada Websitekaaga hadeey siyaado ama dalabka Full stack
Web Developer hadaad tahay shaqadani waa taadii inaad ka guul gaarto baana kuu rajeynayaa
insha allah.

Gunaanad

Wadankeenii Somalia sida aan ka wada dharag sanahay fursado tani ka mid tahay baa ka
banaan waxaana jira Shirado u baahan adeegaan waxaad tagi kartaa suuqa adigoo soo baaraya
ama wareysanaya HRka shirkadaha qeybta u qaabilsan ka dibna usoo bandhigaya xirfadaan iyo
inaad u manage gareyso hadii websitekooda Development u baahan yahay iyo hadiiba mid
cusub loo dhisayo taas oo shirkadu kugu shaqaaleyn doonto waa hadii eey la dhacdo qaabkaaga
Mihnadeed ama Xirfad aahaan bilow Web Design Agency kuna Shaqeyso.

 

18 Comments

  1. Boowe shukran su aal baan donayaa inaan ku yara weydiyo?
    Marka aan agencygaan furayo waliba gudaha somalia qaabka ugu fudud ee macaamiisha qaab Delivery Service ah waa noocee
    social media marketing waa jirtaa lkn qaabab kale noo raaci

  2. Awalan salaama walalo magaalada Hargeysa oo ka mid ah magaaloyinka waaweyn ganacsiga waa ku haboon yahay lkn dhaqaalihi baan jirin dee markaa taladaada dhanka dhaqaalahana nala wadaag mahadsanid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *