Website-kaaga Maalin Kasta U Hel 1,000 Qof Oo Booqdayaal Ah

  • November 15, 2023
  • Comment 8

Website-kaaga Maalin Kasta U Hel 1,000 Qof Oo Booqdayaal Ah

Waxaan filayaa in saaxiibo badan ay si weyn u danaynayaan muwduucan, oo ay rabaan inay website-kooda u helaan booqdayaal badan, hasa yeeshee aysan garanayn meel ay wax ka bilaabaan iyo sida ya wax u bilaabaan.

Sideed website-kaaga Maalin Kasta U Hel 1,000 qof oo Booqdayaal Ah oo dhab ah?

Waad awoodaa inaad website-kaaga maalin kasta u hesho 1,000 qof oo booqdayaal ah, adigoo u maraya qodobadan soo socda:

  • Ku takhasusay ama ku gaar noqo hal nuxur (One Nich) oo kaliya, oo bilow inaad nuxurkaa wax ka qorto.
  • Baro aasaaska SEO.
  • Maskaxdaada ku hay ereyada muhiimka ah ee ku habboon nuxurkaaga marka aad qorayso maqaalada.
  • Beegso dadwaynahaaga iyo daawadayaashaadaba, kuwaasooy u badan tahay inay macluumaadkaaga la wadaagaan dadka kale.
  • Xubin ka noqo group-yada ay dadwaynahaagu ku jiraan, isla mar ahaantaana la fal-gal.
  • Isticmaal oo adeegso Twitter-ka, Facebook-ga, iyo Instagram-ka, iyo goob kasta oo aad dadwaynahaaga ka heli karto, si aad xaggaa ugu la wadaagto maqaalada cusub ee aad soo daabacayso.
  • Ku lifaaq maqaaladaada, maqaalkasta oo la xidhiidha
  • La fal-gal faallooyinka laga bixiyo maqaaladaada
  • La soco wax kasta oo ku cusub nuxurkaaga, isla mar ahaantaana wax ka qor mawduucyada xaasaasiga ah ee taagan

Dabcan, way kuu fududahay inaad yeelato blog/website, hasa yeehsee way adagtahay inaad yeelato blog/website guul leh kaasoo soo jiidata booqdayaal badan oo bartilmaameedsan.

U helidda website-kaaga booqdayaal badan waxaa door muhiim ah ka ciyaaraya wanaajinta SEO-ga website-kaaga waana mid ka mid ah hababka lagu taliyo marka ay timaaddo kordhinta booqdayaasha. Algorithms-yada cusub ee Google-ka ayaa la horumariya labadii sanaba hal mar, hadafkooda ugu weynina waa inay isticmaalayaasha siiyaan waayo-aragnimo hor leh isla mar ahaantaana faa’iido leh.

Shirkadaha iyo mashaariicda online-ka ah, waxay aad u daneeyaan inay kaalmaha hore kaga jiraan natiijooyinka raadinta Google, waana waxa nagu dhaliyay inaan bixinno adeeg ku magacaaban SEO.

Sida sawirkan hoose ku xusan, waa weedh  ah “SOMALI E-COMMERCE COURSE” weedhan hadii aad ku google-ka ku qorto waxaa kaalinta koowaad ee natiijooyinka raadinta google ku jira website-keena.

Wanaajitna (SEO) waxay website-kaaga ka caawinaysa inuu ka soo muuqdo kaalmaha hore ee natiijooyinka raadinta Google ama search engine-nada kale sida Bing, Yahoo, iwm, taasoo kordhin doonta tirada booqdayaasha website-kaaga.

Haddaba, ma wanaajin kartaa natiijooyinka raadintaaada ee ku aadan Google?

Dabcan haa, adigoo u maraya Shirkadeena ka GELLE DIGITAL SERVICES, taasoo si fiican u og faa’iidooyinka uu leeyahay SEO-ga, inagoo had iyo jeer ku dadaalayna inaan bixinno adeegyada SEO-ga ugu wanaagsan, si aan goob katsa uga dhigno mid ka soo muuqda kaalmaha hore ee natiijooyinka raadinta.

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442.

8 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *