Shirkadeena Door Intee Le’eg Ayay Ku Leedahay Samaynta Website-yada

Shirkadeena Door Intee Le’eg Ayay Ku Leedahay Samaynta Website-yada
  • February 26, 2023
  • Comment 187

Shirkadeena Door Intee Le’eg Ayay Ku Leedahay Samaynta Website-yada

Shirkadeena Door Intee Le’eg Ayay Ku Leedahay Samaynta Website-yada

Yeelashada website wakhti xaadirkan wuxuu noqday mid lama huraan ah, mana jirto meel looga baxsado xaqiiqdan, iyadoo ay ugu wacan tahay faa’iidooyinkeeda badan ee aan mararka qaar la soo koobi karin, waxaana isku dayaynaa inaan fikrad guud kaa siinno muhiimadda ay leedahay yeelashada website.

Isla wakhti xaadirka aad akhrinayo maqaalkan, waxaa internetka wax ka raadinaya macaamiil badan oo badan, wax raadintaasna waxay noqon kartaa mid ku salaysan adeegga ama alaab, amaba xog ku saabsan labadooda mid kood, sababta ay taasi u dhacdayna waa fursadaha badan ee uu nasiiyo internetka gaar ahaan tignoolajiyadda, iyagoo si baahsan uga qayb-qaata korodhka dhaqaalaha.

Inaad yeelato website waxay la micno tahay in uu kordhayo fursadahaaga ku aadan helitaanka macaamiil badan waliba si degdeg ah, taa bedelkeeda website la’aantu waxay mararka qaar ama marar badani noqon kartaa caqabad hortaagan mashruuca la rabo in la fuilayo, maxaa yeelay wakhti xaadirkan wax walbaa ama wax walba badankoodu waa online.

Kacaankan xoogan ee aynu aragno ee ka dhanka ah internetka, wuxuu inuu sheegayaa yeelashada website in ay tahay lama huraan, maadaama website-ku ama guud ahaan internetku uu yahay habka ugu xoogan uguna wanaagsan ee lagu wada xidhiidho, laguna baran karo mashruucaaga.

Marka laga yimaado muhiimadda ay leedahay yeelashada website, waxaa wali jira dad dafirsan xaqiiqdan ama iska indha-tira, oo aan garaneyn faa’iidada ay ugu fadhido website-ku ama ay ugu fadhido mashruuciisa, waxaana qodobbada soo socda ku sharxi doonaa faa’iidooyinka ugu muhiimsan.

      • In kharash yari lagu bilaabi karo
      • In aanuu ganacsigu ama mashruucu ku koobnaan goob ama aag gaar ah
      • In ay suurtagal tahay in la helo macaamiil badan isla hal wakhti
      • In macaamiishu ay si fudud ula fal gali karaan alaabooyinka ama adeegyada aad ku soo badhi doonto goobtaada
      • In uu mashruucaas jiri karo muddo badan

Qaybaha Aasaasiga Ah Ee Uu Ka Kooban Yahay Website-Ku

Website kastaa waxa uu ka kooban yahay 3 qaybood oo aasaasi ah, kuwaas oo kala ah:

  1. Domain

Ma jiro goob aan lahayn magac “domain name”, taas oo u sahlaysa qofka inuu soo booqdo goobtaada, goob kastaana waxay leedahay magac u gaar ah iyada, mana heli doonti labo goobood oo wadaaga isla hal magac.

  1. Web Hosting (Martigelin)

Website kastaa wuxuu u baahan yahay inuu soo daabaco qoraalo, sawiro, dukumentiyo, muuqaalo iyo faylal, Dhammaan walxahani waxa ay u baahan yihiin meel lagu kaydiyo, taas oo loo yaqaan Web Hosting.

  1. Nuxurka Websitek-Ka

Nuxurka Websitek-ka halkan, waxaa loola jeedaa dhammaan faylasha iyo xogta lagu soo bandhigi doono goobtaas, hadday yihiin codes, templates, ama aasaaska kale.

Isku Soo Wada Duub

Dhamaanteen Waynu Ka Dharagsan Nahay Muhiimadda Ay Leedahay Samaynta Website-yada, Ama Ay U Leedahay Ganacsiga Ama Mashruuca, Se Waxaa Inaga Dhiman Dhiiranaantii Aan Ku Bilaw Laheen Tillaabadeena Koowaad. (Isla Hadda Bilaw)

Shirkadeena Door Muhiim Ah Miyay Ku Leedahay Samaynta Website-Yada

Si kasta oo ay tahay sababta ka dambeysa samaynta website kuu gaar ah, waxaad ku sugan tahay goobta saxda ah ee aad ka heli karto dhamaan wixii aad uga baahnayd samaynta website xirfad leh (Bilaw ilaa dhamaad), oo kuu gaar ah ama u gaar ah ganacsigaaga.

Shirkadeena ka GELLE BASHIR Ahaan, waxaynu ku takhassusnay samaynta, qaabaynta iyo horumarinta website-yada, haday noqon lahayd E-commerce website, Personal website, Small business website, Portfolio website, Blog website, News website, Educational website, Event website, IWM.

Sidoo Kale Shirkadeena waxay diyaar kuula tahay Curinta, Kobcinta, Iyo Hirgalinta Ganacsigaaga, Laga soo bilaabo Curinta fikrad wax ku ool ah, samaynteeda, hirgalinteeda, iyo xittaa suuq-geynteeda, ilaa uu ganacsigaagu xaadir ka noqdo internet-ka, wakhti kastaana la heli karo.

Hana iloobin in ay shikadeenu u heelan tahay mar-walba caawimaadkaaga, si aad u gaadho hadafkaaga ah, madax-bannaani dhaqaale. Sidaa darteed, yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?

Hadaynu nahay GELLE BASHIR, waxaynu kuu dhisaynaa website ka midho dhaliya yoolalkaaga. Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/zjb442

Sii Daalaco: Website Plans And Pricing (Xidhmooyinka Adeegyadeena Ku Aadan Samaynta Website-Yada)

187 Comments

      1. Wll waxan ahay wiil u bahan in u shaqeysto waxan raba inaad iga cawiso barashada cilmigan iyo sida logu shaqeysto waxan ahay curyan lakin rajo leh Wll hadi Wll nimadu kugu wayn tahay igu qimay cilmigana wax iga bar ina samey website blogger ah

          1. Salaam
            Walal fiiyarban u ahayinaan kusoo biiro school ka maheli karaa saacadaha casharada sida online courses ka iyo date kaba
            Mahadsanid ustaad

        1. Waxan ahay gabar somaliyed owalasha ah waxaad cilmi oleedahayna dadka waa looga faiideya waadna ufaaideysa dadka ajar alle hakaa siiye anigana waxaan ahay gabar cawimaadada ubaahan🙏😌

        1. Asc gelle wll waxaan ahay nin dhalinyaro ah oo ku nool south africa wll waxaan shaqeyaa 7maalin hadana waxba iskama badalan noloshyda waxan inaad igu caawiso sidaan online uga shqesan lahaa

          1. Cabdi ftaaax ahmed mohamed

            Asc ustaaad waaaawax aaad ufiican ustaad ok inaaa wax kaaa faaiidno ayaaa rajiinaaa ustaad

          1. Walal waxaan ubahanahay in aad ifahansiso waxan ahay qof bachelor ah oo hada digital creater ah oo wax badan kafhaansan marka inta ii harsan sidee igucawinkaraa am very much need of it bro

        1. Waxaan ahay wiil mustaqbal raba wll waad i caawin kartaa laakiin waxaan nahay lix walaalo ah waxaan ahay kan ugu weyn guriga Ka dibna waxaan u baahanahay caawimaad wllo

      2. Asc walal courses rabay ina ibsado gaar ahayn clickbank lkn decline leeyahy even debit card bank link isodirayn confirmed dhahay USA kuno lahy online business noockastu yahy inaa bilabo

      3. Asc gelle aboowe waxaa rabaa inaad IgA caawiso crypto inaan maal gashto side baad igu bari karta Whatspp adiga kama jawabaysid pls aqoontada naga faaiide si aan wax u faaiidno bye

        1. Macmiil kusoo dhowow Shirkada Gelle Digital Services.

          Adeegyada aan bixino waxey kala yihiin

          1. Online Courses
          👉 E-Commerce & Digital Marketing
          👉 Somali Alibaba Online Course
          👉 Blogging ( Google Adsense)

          2. Branding Services
          👉 Website Design
          👉 Logo Design

          3 . Consultants ( Zoom Sessions )
          La talin bilaabida Ganacsi Online iyo in aan Kula dhisno ganacsi guulaysta .

          More info booqo Website kena Gellebashir.com Ama WhatsApp kan +252 905582875

        1. Macmiil kusoo dhowow Shirkada Gelle Digital Services.

          Adeegyada aan bixino waxey kala yihiin

          1. Online Courses
          👉 E-Commerce & Digital Marketing
          👉 Somali Alibaba Online Course
          👉 Blogging ( Google Adsense)

          2. Branding Services
          👉 Website Design
          👉 Logo Design

          3 . Consultants ( Zoom Sessions )
          La talin bilaabida Ganacsi Online iyo in aan Kula dhisno ganacsi guulaysta .

          More info booqo Website kena Gellebashir.com Ama WhatsApp kan +252 905582875

    1. Hello walal waxan raba ina onlineka ka invest gareyo ama lacag aan kasameyo mana aqaano sida loo sameyo marar badan waa in isku Dayay laakin way ii suurto galo waysi plz help me man

      1. Asc ustaad waxaan rabaa inaan ka faaideysto cilmigaada iyo skills kaada please waxan rabaa inaad cawiso
        Inteesa kaal soo xiriiraa

      1. Macmiil kusoo dhowow Shirkada Gelle Digital Services.

        Adeegyada aan bixino waxey kala yihiin

        1. Online Courses
        👉 E-Commerce & Digital Marketing
        👉 Somali Alibaba Online Course
        👉 Blogging ( Google Adsense)

        2. Branding Services
        👉 Website Design
        👉 Logo Design

        3 . Consultants ( Zoom Sessions )
        La talin bilaabida Ganacsi Online iyo in aan Kula dhisno ganacsi guulaysta .

        More info booqo Website kena Gellebashir.com Ama WhatsApp kan +252 905582875

  1. Muscab mohammed abuukar

    Saxip waxan ku leyahay wax lacag ah ma hesto waxa aa jeclahy in an shaqesto mantana ma aqan mel aa ka shaqeeyo

    1. Asc bacda salaam رب زدني علماً waxan aad u jaclhy in aan barto sida loo sameeyo websites waana riyadada inaan mar uun arko website Aan sameeyey i.a wxan rajaynaa halkan in ay ii noqoto hoygii riyadayda Aan ku rumayn lahaa i.a

  2. Walalkey barnaamijka iyo website gele Bashir wa la socday waxan raba in aan cilmiga barto lacag na aan sameeyo

  3. Nimco abdi jirde

    Asc magacaygu waa nimco waxaan doonayaa inaad iiga faa,idayso sida lacagta looga shaqaysto website adigoo shaqo aadin habka loo marayo niyaadamka wax loo qoro

  4. domain name ayaan iibsaday bilooyin kadibna waxaa iga dhacay Hostingi sidaa awgeed web ka duwan kii aan ka iibsaday Domainka maka iibsankaraa Hosting kali ah . NB: domain nameka wali igama dhicin kali ah waxaa expire noqday Hostiga

  5. Wll waxan ahay wiil u bahan in u shaqeysto waxan raba inaad iga cawiso barashada cilmigan iyo sida logu shaqeysto waxan ahay arday lakin rajo leh Wll hadi Wll nimadu kugu wayn tahay igu qimay cilmigana wax iga bar ina samey website blogger ah

      1. Asc wll waxan ahay arday jiboutien ah waxan raba inaad iga cawiso barashada cilmigan iyo sida internet ka loo shaqeysto rajo ayan ka leyahay.

  6. Mohammed tusbaxle

    2024 waxaa ka hartey 1 bil waxaan go aansaday sanadkaa bilaamaya inaan noqdo marka uu dhamaado arday qaatay dhamaaan courses ka schoolkaan if allah say

      1. Asc wll waxaan ahay wiil da yar ah waxaan ubaahanahay in aan shaqeyso oo aan hormargaaro marka wll hadey macquul tahay waxaan doonayaa in aad igarab istaagto wll mcn plz

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *