Xirfadaha Baahida Weyn Loo Qabo

Xirfadaha Baahida Weyn Loo Qabo 

Xirfadaha Baahida Weyn Loo Qabo 

Waa in aynu wax ka bedelno mustaqbalka shaqada, inta aynu joogno goobaheenna waxa is beddelay wejigii uu lahaa adduunku, dabeecaddii shaqaduna waa ay is beddeleen, dibna ugu noqon maayaan sidii ay ahaayeen. Laakiin, noloshu waxay yeelan doontaa xeerar cusub oo u gaar ah, guusha mustaqbalkuna waxay u baahan doontaa xirfado cusub oo aynaan hore u lahayn. 

Foofka tignoolajiyada sida AI ama automation-ka, ayaa gabi ahaanba bedeli doona aragtidii guud ee ay la hahayd muuqaalka shaqada, iyadoo ay meesha ka saari doonto shaqooyin badan (amaba ka saartay wakhti xaadirkan). 

Halka dhanka kalena xirfadaha qaar ay noqon doonaan kuwo aad muhiim u ah, in kastaoo xirfadaha qaar ay hadda u muuqda inay muhiim kuwo yihiin, haddana waxaa jira filasho ah in ay is bedeli doonaan, tani macnaheedu maaha inaad waayi doonto shaqadaada (hadii aad ku shaqaysato). 

Sida uu qabo World Economic Forum “tignoolajiyadu waxay dhamays tiri doontaa ama ay kaabi doonto shaqada aadanaha iyo waajibaadkooda, taasna macnaheedu maaha inay beddeli doonaan iyaga ama ay bedeli doonaan hal-abuurnimadooda”. 

Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa 5ta xirfadood ee ay golaha dhaqaalaha adduunku (World Economic Forum) ku saadaaliyeen mustaqbalka shaqo in baahidooda ay kordhi doonto, waxayna gaarsiiyeen ilaa 10 hase yeeshee waxaynu ka xusaynaa 5 ka mid ah, dhanka kale iyaduna waxaynu xusaynaa 5ta xirfadood ee ay yaraani doonaan baahida loo qabo. 

Xirfadaha Baahida Weyn Loo Qabo 

  1. Hindisidda. 
  2. Naqshadeynta  
  3. programming 
  4. Falanqaynta 
  5. Xalinta dhibaatooyinka adag. 

Xirfadaha Ay Yaraan Doonaan Baahida Loo Qabo 

  1. Xirfadaha gacanta 
  2. xirfadaha ku xiran xusuusta, hadalka, maqalka iyo dareenka. 
  3. Maamulidda dhaqaalaha 
  4. Maamulidda shaqaalaha. 
  5. Iskuduwidda iyo maaraynta wakhtiga. 

Saamaynta Ay Robotsku Ku Leeyihiin Shaqooyinka Mustaqbalka: 

Waxa laga yaabaa in aad is waydiiso in robots-yadu ay mustaqbalka badali doonaan shaqadaada, jawaabta oo koobanna waxa ay ku xidhan tahay awooddaada iyo xirfadahaaga, sida warbixintu sheegtay: “Isbeddelada hadda ku yimaadda dhanka shaqada waxa ay keenaysaa in shaqaalaha qaarkood ay luminaya doorkoodii shaqo, isla markaana fursado cusub u sameeyaan dadka kale. 

Ku-tiirsanaanta automation-ka waxay horseedi doontaa kala duwanaansho u dhexeeya xirfadaha looga baahan yahay shaqaalaha iyo xirfadaha ay haystaan. 

Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in lagu guuleysto istaraatiijiyad kasta si kor loogu qaado shaqaalaha si loo shaqaaleysiiyo shaqaale xamaasad iyo dabacsanaan leh, lehna xirfadaha ay shirkad kasta u baahan doonto mustaqbalka. Tani waa si aad uga faa’iidaysato fursadaha cusub ee aad la kulmi doonto adiga oo si joogta ah u tababaraya oo kobcinaya xirfadahaaga. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *