5 Siyaabood oo YouTube lacag looga sameeyo

5 Siyaabood oo YouTube lacag looga sameeyo
  • October 1, 2022
  • Comment 7

5 Siyaabood oo YouTube lacag looga sameeyo

5 Siyaabood oo YouTube lacag looga sameeyo

Dabcan, waad ogtahay in ay suurtagal tahay in lacag laga sameeyo YouTube.

Youtube waa mid ka mid ah aaladaha ugu wanaagsan internet-ka, lacagna laga samayn karo, waxaana jira dhowr siyaabood oo kala duwan oo lacag looga samayn karo YouTube, ha sa yeeshee, waxaannu soo qaadanay 5 ka mid ah, oo aanu u aragnay inay u fududahay qofka soomaaliga ahi inuu lacag ka sameeyo isagoo dalka hooyo jooga. Sidaa darteed sii wado akhrintaada hadii aad xiisaynayso maqaalkan.

Ka hor intaynaan u guda galin maqaalkeenan aan kula wadaago tirakoobyo dhiirigalin ah oo si cad u muujinayya aragtida ballaadhan ee YouTube:

      • Celcelis ahaan tirada kanaalada YouTube ee dakhligoodu ka badan yahay $100,000 waxa ay kor u kacdaa 40% sannad kasta.
      • Dakhliga madalsha YouTube inta lagu guda jiray sanadkii 2021 wuxuu gaaray ilaa $28.8 bilyan, oo uu ku kordhey qiimaheedii 49%, sanadkii la soo dhaafay ee 2020, dabcan, waxay si togan uga turjumeysaa dakhliga ay sameeyaan hal-abuurayaasha YouTube-ka.
      • Hal-Abuurayaasha leh 500 ilaa 5,000 Subscribers ah waxay muuqaalkiiba ka helaan celcelis ahaan $300. Halka Hal-Abuurayaasha leh in ka badan 500 kun Subscribers ay ka helaan muuqaalkiiba celcelis ahaan $3,500.
      • 1,000kii Qof ee daawasho (Views) waxaa laga helaa celcelis ahaan $0.5, halka YouTube celcelis ahaan uu bixiyo $18 1,000kii qof ee daawada xayaysiisnta ka soo muuqata muuqaalka.
      • Shantii sano ee la soo dhaafay, YouTube waxa ay bixisay in ka badan $5 bilyan oo macaash saafi ah, oo ay siisay hal-abuurayaasha adduunka kuka la nool oo dhan.

5 siyaabood oo YouTube lacag looga sameeyo

1. Xayeysiisyada (Advertisements)

Habka koowaad ee lacag looga samayn karo YouTube waa xayaysiinta, ha ahaato mid shirkadeed ama mid shakhsiyeed. waxaadna xayaysiinta ku soo baahinaysaa muuqaalada aad ku soo bandhigdo kanaalkaada YouTube. Si aad dakhli fiican u hesho ama aad lacag fiican u samayso bishii, waxay u baahan tahay inaad haysato ama aad heli karto ku dhawaad ​​10,000 oo daawasho (Views) muuqaalkiiba.

2. Affiliate Marketing

Ka waran haddii aad u isticmaashid muuqaaladaada inaad ku iibiso alaabta ama adeega aad jeceshahay?

Iyadoo loo marayo affiliate marketing, waxaadna ku dhiirigelisaa daawadayaashaada inay iibsadaan ama ay ka war doonaan alaabtaas ama adeegaas. Waxaana lagugu siinayaa iib kasta oo dhaca faa’iido cayyiman.

Halkan, micnaheedu maaha in shirkadda iyadu laf-ahaanteeda kula soo xidhiidhayso, ee adiga ayaa dooranaya alaabta ama adeega aad rabto inaad iibiso, laakiin waxaan kugula talineynaa inaad doorato alaabta ama adeega aad taqaano, oo aad suuqgayn karto islamarkaana waafaqsan nuxurka aad bixiso, si aad u dhiirigeliso iibka.

Sii Daalaco: 3 Talo Oo Ku Saabsan Affiliate Marketing

3. iibinta adeegyadaada

Ma leedahay khibrad ama xirfad gaar ah? Waxaad muuqaaladaa ku xayaysiin kartaa khibrada ama xirfada aad leedahay, si daawadayaasha u baahan xifradaas ama khibradaas ay kuula soo xidhiidhaan islamarkaana aad ka iibiso. Waxaana muhiim ah inaad marka hore adigu isa suuq gayso. Si laguu barto.

Daalaco: Sidee Interneedka Loogu Iibiyaa Adeegyadaada?

4. YouTube Shorts

YouTube Shorts waa aalad dhawaaan lagu soo kordhiyay youtube-ka. Iyada oo u oggolaanaysa hal-abuurayaasha inay duubaan, lana wadaagaan muuqaallo gaagaaban (60 ilbiriqsi ama ka yar). Habkani waxaad lacag uga samayn kartaa qaab abaalmarin ahaan ah oo ay bixiso YouTube. Iyadoo youtube ay u qoondeesay $100 milyan hal-abuurayaasha ku jira banaajikan. Faa’idooyinka abaalmarintan waxaa ka mid ah in aan lagaa rabin inaad u qalanto Barnaamijka Shuraakada (YouTube Partner Program), taas oo u fududaysay qof kasta inuu u tartamo abaalmarintan, maadaama hal-abuuraha nuxurku uu heli karo inta u dhaxaysa $100 iyo $10,000 bishii, iyada oo loo eegayyo muuqaalada kanaalkiisa.

5. SuperChat

Habkan waxaa lacag ka samayn kara uun hal-abuurayaasha raba oo awood u leh inay live soo galaan (tabin toos ah). Goortii aad soo gasho live, daawadayaashu waxay wax ku tabaruci karaan tabintaada tooska ah si ay faallo uga bixiyaan islamarkaana ugu dhejiyaan faalladaas xagga sare ee daaqadda wada sheekaysiga.

SuperChat waxa ay si fiican ula shaqaysaa kulamo Q&A, waraysiyo, ciyaaro iyo wax kasta oo daawadayaashaada fursad u siinaya in ay ku dhegaystaan.

Ugu Danbayntii

Samaynta Lacag adigoo gurigaaga jooga hadda ma aha mid aad u adag. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa fikrad iyo joogtayn.

Saan horeyba u soo sheegnay waxaa jira siyaabo badan oo aad lacag uga samayn kartid YouTube, kaliya kuma koobna intan, bilawga horena waxay kuula muuqan doontaa inaadan ku guulaysanayn, maadaama daawashada iyo subscribe aad helayso ay yartahay, si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu taliyaa in la joogteeyo, kaliya aan la eegin daawashada iyo subscribe ee la eego dadaalka aad bixinayso iyo mustaqbalka.

Sii Daalaco: Fikrado Ku Saabsiisan Website-Yada Ugu Lacag Samaynta Badan Sanadka 2022

Sidoo Kale: Sidee NFT Lacag Looga Sameeyaa?

Sidoo Kale: 5 SHAQO: Fiverr Iyo Upwork ka shaqeyso

7 Comments

  1. Asc Macalin
    runtii sharaxaad fiican baad ka bixisay qodobkan hadda inoo muuqda. hasayeeshee, macalin waxaan rabaa in aan si gaara kuula xidhiidho oo aan kaala hadlo arimo badan oo aan tabaayo dhanka fahanka iyo hirgalinta howsha aan rabo in si toos ah aan hal mar isku soo qabano.

  2. Macalin waxaan rabaa inan kula soo xidhiidho wax badan baa agtaada ka tawayaa INSHA ALLAH waxaan rajeena inaad ila soo xidhiidhi doontid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *