Talooyin kaa caawin doona inaad YouTube-ka ka gaadho guul

Talooyin wax ku ool ah oo kaa caawin doona inaad YouTube-ka ka gaadho guul la taaban karo
  • October 15, 2022
  • Comment 2

Talooyin wax ku ool ah oo kaa caawin doona inaad YouTube-ka ka gaadho guul la taaban karo

Talooyin wax ku ool ah oo kaa caawin doona inaad YouTube-ka ka gaadho guul la taaban karo

Samaynta kanaal YouTube way sahlan tahay, Laakiin se, In laga gaaro guul la taaban karo way adagtahay, Si kastaba ha ahaatee, maqaalkan waxaynu ka hadli doonaa (Haduu Eebe Idmo) talooyin wax ku ool ah oo kaa caawin doona inaad YouTube-ka ka gaadho guul la taaban karo, islamarkaana samayntooda iyo joogteentooda ay fudud tahay.

Talooyin kaa caawin doona inaad YouTube-ka ka gaadho guul la taaban karo

Waa kuwan qaar ka mid ah talooyin iyo tilaabooyin fudud oo wax ku ool ah oo kaa caawin doona inaad YouTube-ka ka gaadho guul la taaban karo oo aad ku yeelato shacbiyad badan oo ku taageersan:

1- Soo Bandhig Muuqaalo Ku Saabsan Hal Mawduuc

Samaynta iyo soo bandhigida muuqaalada YouTube ee ku wareegsan hal erey ama hal mawduuc waa mid ka mid ah hababka ugu muhiimsan uguna wanaagsan ee lagu soo jiito daawadayaasha laguna kordhiyo joogitaankooga. Laakiin qaar badan oo ka mid ah kuwa aan aqoon u lahayn farsamooyinka SEO ayaa dayacay tallaabadan, taas oo laga yaabo inay kuu horseedo guusha kanaalka YouTube-ka.

Hubi inaad doorato Keyword (erey fure) ka hor intaadan bilaabin samaynta nuxurka muuqaalka, maadaama ay tani kaa caawin doonto inaad adeegsatao macluumaadka ugu fiican ee ku saabsan ereygaas ama mawduucaas.

Markaad dooratid ereyga (keyword) ama mawduuca aad rabto inaad ka sameyso muuqaalada, Dib ugu noqo muuqaaladii kaa horreeyay ee ku saabsiisan erayga ama mawduuca aad dooratay, si aad u fahantid ulajeedka isticmaalaha ama daawadaha.

Soo Daalaco: Waa Maxay Keywords? Iyo Muhiimada Ay Leedahay

2- Dib U Habayn Ku Samee Nuxurkaaga

Habka ugu fudud ee YouTube-ka guul looga gaadhi karo islamarkaana lagu dhisi karo shacbiyada xoogan oo joogito ah, waa in la soo gudbiyaa muuqaallo tayo sare leh.

Dad badan ayaa soo booqda YouTube, si ay u raadiyaan muuqaalo waxbarasho ah ama siyaabo ay ku xalliyaan dhibaatooyinka ay la kulmaan, Markaa eeg maqaallada ama qoraallada warbaahinta bulshada ee aad ku leedahay mawduucyadan, oo bilow inaad ka fikirto sidii aad ugu badali lahayd muuqaal YouTube ah oo wanaagsan.

3- Isdhexgalka Dadwaynahaaga

Waa inaad ogaataa in YouTube-ku uu yahay kanaalka warbaahinta bulshada, sidaasi darteedna uu u baahan yahay isdhexgalka bulshada.

Haddii aad kaliya soo bandhigdo muuqaallo adoon ka qaybqaadanaynin ka jawaabista faallooyinka ama doodaha ka dhex dhaca daawadayaasha, waxaad lumisay fursad dahabi ah oo aad ku ballaarin lahayd taageerayaashaada oo aad kanaalkaaga ka dhigi lahayd mid guuleysta.

YouTube-ku waxa uu abaalmariyaa kanaalada ugu waxqabadka sareeya marka la eegayo dhanka isdhexgalka Bulshada, hadday tahay faallooyin, ka helitaan, ama inta wakhtiga ay taageerayaashu ku qaataan kanaalkaaga.

Isku day in aad ka jawaabto faallooyinka aad hesho (haddii aad awooddo), oo ku martiqaad taageerayaashaada inay ka dhex muuqdaan muuqaaladaada adiga oo ku xusaya muuqaalka laftiisa.

4- Samayso Astaan Kuu Gaar Ah

Mar kale aan kugu celiyo, Haddii aad rabto inaad guul ka gaadho YouTube-ka, waa inaad marka hore u muuqataa xirfadle.

Taasi waa sababta ay tahay inaad naqshadayso oo aad samaysato astaantaada kuu gaarka ah, Waxayna taageerayaashaada ka dhigtaa inay kugu aqoonsadaan oo si dhakhso ah kugu bartaan macluumaadkaaga.

Soo Daalaco: Sideed U Noqon Kartaa Naqshadeeye Guulaysta?

5- Suuqgee Kanaalkaaga

Mid ka mid ah faa’idooyinka ay leeyihiin aaladaha warbaahinta baraha bulshada ayaa ah awoodda suuqgayneed.

Inaad muuqaaladaada YouTube-ka aad ku soo bandhidid qaar ka mid ah aaladaha warbaahinta baraha bulshada, ayaa ah habka ugu wanaagsan ee aad ku suuqgayn lahayd kanaalkaaga.

FacebookInstagram, TikTokTwitter, Linkedin, iyo Pinterest…ilaa… waa xulashooyin ama doorashooyin aad diyaar u tahay inaad u isticmaasho suuqgaynta kanaalkaaga.

Tusaale ahaan, waxaad ku soo bandhigi kartaa aaladahan qayb yar oo ka mid ah muuqaalka, waxaanad ku martiqaadi kartaa dadwaynahaada inay daawadaan muuqaalka oo dhamays tiran.

Dooro madasha ku habboon nuxurka kanaalkaaga ama SI GUUD, adiga kugu habboon!

6- Muuji Wajigaaga

Markaad istusto dadwaynahaada, ama aad wejigaaga u muujiso, waxaa samaysmi doona nooc ka mid ah xidhidhka shakhsi ahaaneed ee u dhexeeya adiga iyo dadwaynahaada, sidoo kale waxaa dhismi doona kalsoonida ay adiga kugu qabaan.

Ma ahan Khasab inaad shakhsi ahaan uga soo muuqato muuqaal kasta oo aad rabto inaad soo galiso YouTube-ka, laakiin waa in aad ugu yaraan Youtube-ka aad uga soo muuqataa dhawrkii toddobaadba mar.

Waxa kale oo muhiim ah inaad kanaalkaaga soo saarato sawirkaaga profile-ka ah, Halkii ay saarnaan lahayd astaantaada, ama astaanta shirkaddaada/ganacsigaaga (Waa haddii ay dhacdo inaad si shakhsi ahaaneed u soo saarayso muuqaallada).

7- Adeegso Thumbnails Soo Jiidasho Leh

Waa laga yaabaa in sawirka Thumbnails-ku ay kuula muuqato sida sawir hordhaca oo ka hadlayya muuqaalka, Laakiin dhab ahaantii waxay leeyihiin saameyn weyn. Markaa isku day inaad doorato sawirro soo jiidasho leh oo kicinaya xiisaha dadweynaha iyo rabitaanka inay wax badan ka ogaadaan waxa ku jira muuqaalkan.

Waxa kale oo muhiim ah in la doorto cinwaan gaar ah, Waana inuu ahaadaa far cad (oo la fahmi karo), sidoo kale isticmaal midabo iyo fallaadho, si aad u muujiso erayada aad rabto inaad diirada saarto, waxaadna soo dhigtaa sawiro aan la filayn, ama aan caadi ahayn, si aad u hesho fiiro gaar ah. Muuqaalada u hoggaansama shuruudahan ayaa inta badan darajo sare ka gala YouTube-ka xitaa haddii nuxurkoodu aanu ahayn mid soo jiidasho leh.

8- Isticmaal Kaararka Youtube (Youtube Cards)

Sidaan horeyba u sheegnay, YouTube waxa ay abaalmarisaa milkiilayaasha kanaalada bixiya nuxurka ay daawadayaashooda wakhti badan ku bixiyaan daawashadooda.

Si taas loo gaadho, waxaad ka faa’iidaysan kartaa habka kaadhadhka YouTube. Kaararkani waa talooyinka aad mararka qaarkood ka aragto muuqaalka dushiisa, badankana waxaa la adeegsadaa dhamaadka muuqaalda.

U fiirso meelaha taageerayaashaadu ay u badan tahay inay ka baxaan, waxaadna meelahaas ku dari kartaa qaar ka mid ah kaararka iyo talooyinka muuqaalada kale ee khuseeya muuqaalkan.

9- Ka Codso Dadwaynahaada Inay Subscribe Saaraan Kanaalkaaga

Mid ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan ee guul looga gaadhi karo YouTube, waa in la helo dadwayne ku raacasan (Subscribe).

Midna ka digtoonow, ha isku dayin inaad hesho Subscribe adoo lacag ku bixinaya, sababtoo ah ma soo jiidan doontid dadwayne dhab ah oo daacad kuu ah, waxayn saamayn xun u gaysan kartaa kanaalkaada.

Taa baddalkeeda, xasuusi oo ku dhiirigali daawadayaashaada inay Subscribe saaraan kanaalkaaga, sida inaad ku tidhaahdo: “Subscribe Saar Si Aad Ula Socotaan Muuqaalada Cusub”.

10- Kordhi Heerka Soo Bandhigista Muuqaalada

Waxa laga yaabaa in taladani ay u muuqato mid ku cabsi gelinaysa marka hore. si kastaba ha ahaatee, si YouTube-ka guul looga gaadho, waxaad u baahan tahay inaad kordhiso heerka soo bandhigista muuqaalada kanaalkaaga, ugu yaraan hal muuqaal todobaadkii.

Ha walwalin, uma baahnid Kaamirad qaali ah oo aad wax ku duubtid ama Laptop aad wax ku edit-garayso.

Talefannada casriga ah maanta waxay kuu oggolaanayaan inaad samayso muuqaalo tayo sare leh, waxaana jira barnaamijyo badan oo hagaajiya ama editgareeya muuqaalda oo si fudud loo isticmaali karo isla markaana qof kasta oo bilaw ah uu awoodi karo.

Waxa kale oo muhiim ah, in kanaalkaaga aad muddayso xilaga soo bandhigidda muuqaalada, oo aad ku dabbaqdo jadwal joogto ah, Islamarkaana Hubi inaad muuqaalada soo bandhigdo wakhtigii aad muddaysay.

Ugu Danbayntii

Kuwani waxay ahaayeen qaar ka mid ah talooyinka ugu muhiimsan ee guul looga gaadhi karo YouTube-ka iyo in la yeesho shacbiyad badan oo joogto ah. Laakiin talada ugu muhiimsan hadda aan ku siiyo, waana inaad sii waddo soo bandhigida muuqaalada tayada sare leh, maadaama aad tahay bilawo, lagana yaabo inaadan helin wax daawadayaal ah. 

Nala Wadaag Ra’ayigaaga, Oo Ha Iloobin Inaad Sii Akhriso Maqaalada Kale Ee La Xidhiidha Maqaalkan.

Sii Daalaco: 5 Siyaabood Oo YouTube Lacag Looga Sameeyo

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *